XOG CUSUB: Madaxweynaha Kenya Oo Ka Weji Dadbaday Casumaad Looga Geeyay Caleema Saarka Farmaajo

0
385

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhu Kenyatta ayaa ka weji dadbaday sida la sheegay casumaad la doonayey inuu kaga soo qeybgalo munaasabadda caleema saarka madaxweyne Farmaajo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Kenyatta oo aan si dhab ah u diidin casumaadaasi in hadane uu sheeganayo culeysyo kale iyo safare uu aadi doono.

La taliyaashiisa dhanka arrimaha dibadda ayaa ku cadaadinaya inuu Muqdisho yimaado si uu uga qeybgalo Caleema saarka, waxayna u sheegeen in dan weyn ay taasi Kenya ugu jirto.

Kenyatta ayaa macquul ah inuu yimaado Muqdisho mar haddii loo sheegay inuu wanaajiyo xiriirka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaysan reer Kenya dooneyn in Soomaaliya cusub ay colaadeystaan.