Xog Ifiiminyasa: Sababaha Shirkadaha Shidaalku U Danaynayaan Inay La Wareegan Haamaha Shidaalka Somaliland

0
364

Xog Ifiiminyasa: Sababaha Shirkadaha Shidaalku U Danaynayaan Inay La Wareegan Haamaha Shidaalka Somaliland

Muddoyinkii Ugu Danbeeyay waxa Somaliland si wayn looga hadal.Hayay In Haamaha shidaalka Somaliland .Xukumada Madaxwayne Silaanyo Damacsanayd inay kooxo ugu Xidho Inay maamulan iyo Shidaal Ku Shubataba Ganacsada waxkhtigan Keena Shidaalka Somaliland oo ka kooba 6 SHirkadood .in kastoo arintaasi ay cod aqlabiyada ku laaleen Golaha wakiilada Somaliland

Sababaha ugu wayn ee ganacsatadu u hungureeyen inay haamaha shidaalka berbera kooto loogu xidho shidaalka ku shubtaan iyo inay maamulanba ayaa ah markii ganacsadaasi 6 lixda shirkadood ka kooban ay ogaadeen in Kanbaniga Wayn Ee La (SOM Gas) ee xiligan ka shaqeeya arimaha Gaasta ay damacsan yihiin inay u soo wareegan Xaga Shidaalka iyagoo Dhul Aad U Baaxad wayn oo la jaar ah haamaha shidaalka berbera ay Dayrteen .Rabaan inay Haamo Ka Dhistaan ay shidaalka ku shubaan . Markaana ay soo galaan suuqa Shidaalka

Waana sababta ugu weyn ee keentay inay xukumada waxkhigeedu gaabsiga yahay arintaa la wareegista haamaha u soo ban dhigaan iyagoo ka cabsanaaya inay suuqa shidaalka ka saran Kambanigaa( SOMGAS ) hadii hami goodaasi u rumoobo .

Shirkadahan xiligan shidaalka keena Somaliland waa qaar aan xiligan dhaqaale buuran oo Haamo Shidaal ay is ka lee yihiin oo ay dhistaan aan awoodin .waxaana ay rabaan inay kuwaa hore u dhisan kula tartamaan kambnigaa cusub ee soo socda . kaliya Rag xukumada ku jira Sheer ku siiyan hantada qaranka

Waxaynu arkaynay oo warbaahinta kala soconay inay ganacsada keenta shidaalka Eedo U Soo Jeediyeen Maamulaha Haamaha shidaalka berbera kuna dhaliilayeen inay haamuhu dayac yihiin .Taasna waxa la odhan karaa waa codho ka kacday Laalistii ay Baarlamaanku sameeyen maxay hore ugu soo ban dhigi waayeen dhaliilaha jira maamule saleena waxa uu Haamaha Maamulayay sanad iyo siyaado .Ganacsadana Qaar kood waxa hore looga hayay .Amaan xoogan wakhtiyo xaflado lagu qabtay xarunta haamaha shidaalka Madaxwayne Silaanyo Goob Joog ahaa hortiisa ayaa ka qireen in wax laga qabtay haamaha mudadii saleeban joogay “

Hadii DHanka Siyaada xukumada ee wareejinta Hantida Qarka ay eegno xukumada uu hogaamiyo M.Silaanyo waa mid caado ka dhigatay inay wareejiso hantida qaranku wada lee yahay ee loo baahna in jiil ilaa jiil la kala dhaxlo . Cid Gaara u ganac galinaysa Waxaana Raga AToorayaasha ka ahi ay daneeyaan oo kaliya shilmaadka buuran ee mar kaliya ay qadanyaan iyo cid jeclaysi waxa ay ogsoon nahay inay xukumada madaxwayne silaanyo hore u wareejisay Gobolka saaxil oo xigtaysi iyo shilbaad mar la qaato laga door biday hantidii qaranka “

Xaruntii Kaluumaysiga ee (NeC FISH)

Warshadii laydhka berbera iyo waliba

Warshadii laydhka hargaysa

Wasaarado dhulkoodi la iibiyay

Kuwa dhicisoobay ee suura gali kariwaayay waxa ka mid ah

Dekeda berbera

Xarunta Library Gaadi ee hargaysa

Warshada Shamiitada berbera

Qalinkii Suxufi .

Mubaarik Cismaan Siciid (Mubaarik Nirig )

Berbera / Saaxil181@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here