Xog: Madaxweyne Biixi Oo Xalay Ka Ergeeyey Inay Isku Tanaasulan Saddexda Xildhibaan Ee KULMIYE Ka Soo Baxay Una Taagan Musharaxnimada Maayirnimada Berbera

0
327

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa qaabilay Xildhibaanada xisbigiisa ka soo baxay ee u taagan Maayarnimada Berbera oo kala ah Maayirka dib loogu doortay Xildhibaanimada golaha deeganka Berbera, Cabdishakuur Cidin, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf iyo Xildhibaan Cabdirashiid Nuur Wacays oo saddexduba hore u shaaciyay hankooda maayirnimo.

Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay saddexda Musharax ee Xisbigiisa oo u taagan Maayirnimada Berbera ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan iyadoon la isku afgaran.

Madaxweynaha ayaa soo jeedintisasi uu Musharax kastaaba dhankiisa uga biyo diiday si adag isagoo mid walbaba ka gows adaygay soo jeedinta Madaxweynaha.

Ilo xog ogaal ah oo ka agdhow Madaxtooyada ayaa ii xaqiijiyey in Madaxweynaha Somaliland u sheegay musharaxiinta hadii ay isku taanasuli waayan ay dhici karto inay fursadaas kala qaybsanaanta musharaxnimada Maayirnimo ee Xildhibaanada Kulmiye ay ka faa’ideysan karaan mucaaridku.

Kulanka ayaa qaatay saacado dhawr ah iyadoo hadalka iyo dooda saddexdan Musharax ee hanka Maayirnimada Berbera leh kululaatay dhawr jeer, wuxuu Madaxweynuhu u soo jeediyey in kulan danbe la iskugu imaado oo Musharax kastaaba dib u soo tashado kana soo fakaro soo jeedinta Madaxweynaha.

Hirdanka Maayarnimada Berbera ayaa cirka isku shareeray isla markii la yeedhiyay liiska hordhaca ah ee Xildhibaanada golaha deeganka Berbera oo Xildhibaanada Kulmiye ka soo baxay iyo kuwa axsaabta mucaaridka ka soo baxayba bilaaben Faqa iyo kala xodxodashada Xildhibaanada cusub si ay u dhabeeyan hankooda Maayarnimo.

Lama oga waxay noqon doonto jawaabta saddexdan Xildhibaan ee Kulmiye ka soo baxay una taagan Maayarnimada Berbera ay dib ugu celin doonan Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Weriye Luqmaan Maxamed Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here