Xog Sababta Uu U Bilaabmi Waayay Talaalka COVID-19 Somaliland.

0
402

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore sheegay in sabtida usbuucan uu dalka ka bilaabmayo talaalka COVID-19, Madaxweynuhuna noqonaayo qofka koobad ee talaalka lagu bilaabayo, balse hadalka Madaxweynaha ayaan u fulin siduu u balanqaday.

Ilo xog ogaal ah ayaa ii sheegay in sababta uu u fuli waayay balanqaadka Madaxweynaha Somaliland ay tahay, wasaarada caafimadka Somaliland oo aan u sii diyaar garowin in mihnadlayaasha caafimadka loo sii tababaro bixinta talaalka, taasina sababtay in markii talaalku yimid ka dib ay ka codsatay wasaarada caafimadku WHO inay u tababarto mihnadlayaasha caafimad ee bixin doona talaalka.

Tababarka WHO ay siinaysay dhakhaatiirta bixin doonta talaalka ee reer Somaliland oo socday shalay iyo maanta ayaa goor dhow la soo gabgabayn doona, Madaxweyne Muuse ayaa la filayaa inuu isla maanta ama berri qaato talaalka oo sidaasi ku ibo furo bilowga talaalka COVID-19 ee Somaliland.

Source:- Weriye Luqmaan Maxamed Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here