Xoghaya Qaramada Midoobay Oo Ergay Cusub U Magacaabay Xafiiska UNSOS Ee Soomaaliya

0
339

Xoghaya Qaramada Midoobay Oo Ergay Cusub U Magacaabay Xafiiska UNSOS Ee Soomaaliya

Hargeysa(WSN)Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa u magacaabay Col. Hubert Price Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Somalia oo loosoo gaabiyo [UNSOS].

Sarkaalka loo magacaabay xafiiska UNSOS, ayaa wuxuu hora uga mid ahaa ciidanka dalka Mareykanka, isagoo horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Hawl-galka Taageerada Qaramada Midoobey ee dalka Liberia mudadii u dhexeysay 2010-kii illaa 2015-kii.
Sidoo kale, Col. Price oo ah khabiir muddo 20-sannadood ah ka shaqeynayay hawl-gallada Qaramada Midoobay ee Caalamka, ayaa haatan ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinacyada horumarinta iyo Taageerada.

Col. Hubert Price, ayaa dhanka kale, wuxuu ahaa madax ka ahaa hawlgalka taageerada Qaramada Midoobay ee East Timor UNMISET, Wuxuu kaloo kasoo shaqeeyay hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Ivory Coast ee loo soo gaabiyo [UNOCI].

Ugu dambeyn, Magacaabista ergaygaan cusub ee xafiiska UNSOS ee Somalia ayaa waxay qayb ka tahay dadaallada Qaramada Midoobay ay ugu jirto taageerida Dowladda Soomaaliya oo haatan kasoo kabanaysa colaado soo jiitamayay muddo Rubuc-qarni ka badan.