Xukumadda Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Dirtay Dhinacyada Gaalkacayo Ku Dagaalamaya, Una Jawaabtay Xasan Sheekh

0
325

Xukumadda Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Dirtay Dhinacyada Gaalkacayo Ku Dagaalamaya, Una Jawaabtay Xasan Sheekh
Hargeysa(Warsugan) Dawladda Somaliland ayaa markii u horaysay baaq nabadeed u dirtay maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaallamaya magaalada Gaalkacayo. Dhinacyada ayaa loogu baaqay inay joojiyaan dhiigga qubanaya, islamarkaana wada hadal iyo waanwaan ku dhammeeyaan arrimaha la isku hayo. Dagaallada ayaa kii u dambeeyay dhacay shalay galinkii hore.

Dagaalka labada dhinac ayaa 7-dii bishan dib u bilawday, kadib markii la xalliyay dagaal dabayaaqadii sanadkii hore dhexmaray. Dagaalka cusub ayaa ka bilawday weerar ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaraddaha Maraykanku ku qaadeen saldhig maamulka Galmudug ku leeyahay duleedka Gaalkacayo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii Oktobar ay 18 qof ku dhinteen dagaalladan kuwaasi oo 20% ay yihiin dad rayid ah. waxa ku barakacay shan iyo todobaatan kun oo ruux.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid(Caddaani), ayaa dhinacyada dagaallamaya ku boorriyay in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka jira “Anigoo ku hadlaya afka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee muddada is dilayay inay joojiyaan dhiiggooda daadanaya, wada hadalna ku dhammeeyaan wax allaale wixii khilaafaad ah ee dhexyaalla,” ayuu yidhi mudane Caddaani.

Geesta kalena waxa uu wasiir Caddaani jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, kaas oo sheegay in Somaliland qayb ka tahay nidaamka Soomaaliya ee maamullada loo samaynayo “waxaan Xasan Sheekh kula talin lahaa, inuu heshiisiiyo umadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo dhiiggoodu qubanayo, muddana qubanayay,” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan Xasan Sheekh leeyahay ‘ninkii tiisaba daryeela, ayaa tu kale ku dara’ dadka iyo dalka aad sheeganayso, ee maalin walba dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ku habsadaan, ayaa kaaga baahan wax ka qabasho inta aad carrabka ku dhejinayso mar walba, dad aayahooda ka tashaday, masiirkoodana meel dhigay,” ayuu yidhi mudane Caddaani.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office