Xukuumadda oo Sababeysay Dib u Dhaca Shir waxgaradka Sool uga Furmi lahaa Burco ?

0
489

Xukuumadda oo Sababeysay Dib u Dhaca Shir waxgaradka Sool uga Furmi lahaa Burco ?

Hargaysa (WSN): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay sababta keentay dib u dhaca ku yimid shirkii gogosha nabadaynta ee hore loo qorsheeyay in 25-ka bishan loogu qabto magaaladda Burco beelaha gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon) oo xalay Telefoonka ugu waramay DAWAN, ayaa sheegay in shirkaasi uu dib uga dhacay muddadii hore loogu asteeyay, isla markaana aan weli la isla qaadan wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo.Yaasiin Maxamed Faratoon, waxa uu tilmaamay inay jiraan arrimo badan oo keenay in shirkaasi uu baaqdo.

“Shirkaasi oo qorshaysnaa in 25-ka bishan lagu qabto magaaladda Burco, hase yeeshee waxay u eg tahay sidaa aad dareenteen inay dib u dhacayo. Weli taariikh rasmi ah iyo wakhti kama dambays ah lama go’aamin, laakiin waxa laga yaabaa inay muddo bil iyo dheeraad ah dib uga dhacdo. Sababuhuna, waxa weeye hawlihii ayaa aad u faro batay, hawlo badan oo dawladu ku mashquulsan tahay ayaa jira, beelihii shirka loo qaban lahaa laftooda uma eka inay diyaar u yihiin wakhtigii ay isku diyaariyeen, ma aha in ay diidan yihiin shirka, hase yeeshee waxaa muuqata in aanay isku diyaarin. Markaa labadda dhinacba, waxaad moodaa inay jiraan sababo keeni kara hakad inuu yara galo mudadii shirka hore loogu qorsheeyay,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Mr. Faratoon oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Waxase lagu dedaalayaa in beelihii shirka loo qaban lahaana way danaynayaan shirka, hase yeeshee way ka diyaar garoobayaan waxyaabo dhexdooda ah ayaa jira oo u baahan in la dhammeeyo, dawladuna xageeda way ka diyaar garoobaysaa. Markaa sidaas ayuu shirkii ku hakaday.”

Geesta kalena, wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ku mashquulsan tahay arrimo badan oo dalka ka jira.Waxaanu tilmaamay in waxyaabaha sababay dib u dhaca shirkaas ee dhinaca xukuumadda ay ka mid yihiin heshiisyadda maalgashiga ee dawladu wado, u diyaar garowga doorashooyinka iyo kuwo kale, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladdu arrimo badan ayay ku jirtaa, oo waxa jira beelo colaadi ka dhexayso, oo u baahan heshiisiin, kala qaboojin iyo kala dejin. Waxa kale oo jira in dawladu heshiisyo badan ay gashay heshiisyo waaweyn oo maalgashi oo ay shirkado la gashay ayaa jira oo socda.
Arrimo badan oo siyaasadeed ayaa jira, waad og tahay in dalku u diyaar garoobayo doorashooyin, hay’adaha caalamiga ah ee doorashooyinka gacanta innaga siiya wada hadalada lagula jiro, hawlahaas oo dhan ayaa jira, markaa dawladu ma hawl la’a.”
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aanu wax ka waydiinay warar sheegaya in todobaadkan ay imaaraadka carabta ku kulmayaan weftiyo ka kala socda Somaliland iyo Khaatumo, waxa uu ku jawaabay, oo yidhi “Anigu taa waxba kalama socdo,xogtaana ma hayo.”

Xigasho Wargeyska Warsugan