“Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayo, Waxay soo dhawaynaysaa Doorashada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub beesha Fiqishini”

0
517

” Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayo, Waxay soo dhawaynaysaa Doorashada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub beesha Fiqishini.”
…………………………………………………..
“ Madashani waa madal dhaqan oo lagu bokhrayo Suldaan. hadal xagtin leh iyo hadal Siyaasadeed-na maanta halkan ma yaalo, waxa ugu mudan waa hambalyo iyo duco.

Ugu horayn waxaanu jecelnahay inaanu halkan ka hambalyeyno beesha Fiqishini dadaalkeeda iyo fagaarahan qiimaha badan ee gobeed ee ay Umadda intan le’eg isugu yeedheen, oo uu ka muuqdo tabaabulshe mugleh, tallo mug leh iyo tallo aan laab-la kac ahayn. waa ku hambalyeynaynaa waananu ku bogaadinaynaa.
Mar labaadka waxaanu ku hambalyeynayaa Suldaanka cusub ee ay bokhradeen Suldaan Mustafe Sheekh Maxamuud Aw Seed oo u muuqda qof ku haboon, aniguse Aqoon shaqsi ah uma lihi Suldaan Mustafe, laakiin intaan halkan ka arkayo, ama taariikh nololeedkiisa laga waramay ama bulshada halkan isugu timid waa Samo-wade.
dhamaanteen waxa aynu soo qiimaynay walaaladeen taladooda iyo tabaabulshahooda beesha Fiqishini, waxa aynu soo qiimaynay Suldaanka cusub, waxa ay taasi ka markhaati kacaysaa inay doorteen qof ku haboon Saldanada Beesha waxaan leeyahay hambalyo. isagana ILAHAY xilka ha ku asturo beeshii dooratayna ILAHAY wixii ay u doorteen ha ka siiyo.

beeshani waa beel ku caan ah Nabadda, iskaashiga iyo niyad furnaanta, waa beel la yaqaan waxaan leeyahay magacii wanaagsanaa iyo muunadii ay lahaayeen inay halkaas ka sii wadaan, waxaan u rajnayaa inuu Suldaankuna dhabada cagta u saari doono magacii ay lahaayeen mid ka wayn.

Ugu dambayn Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayaa waxay soo dhawaynaysaa Doorshada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub Sheekh Mustafe, waxaanu cadynayaa inaanu la shaqayn doono, inaanu taageeri doono. Suldaan kasta oo beeshiisu doorato Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u dhantahay, oo tallo mida lago doorto waaanu aqoonsanaynaa, waanu la shaqaynaynaa.”
IMG_0711

IMG_0735

IMG_0736

IMG_0843

IMG_3002

IMG_3004

IMG_3007

IMG_3008

IMG_3011

IMG_3017

IMG_3040

IMG_3048

IMG_3050

IMG_3053

IMG_3058

IMG_3061

IMG_3118

IMG_3123

IMG_3153

IMG_3155

IMG_3159

IMG_3164

IMG_3167

IMG_3172

IMG_3181

IMG_3183

IMG_3184

IMG_3193

IMG_3195

IMG_3197

IMG_3201

IMG_3224

IMG_3226

IMG_3239

IMG_3274

IMG_3277

IMG_3485

IMG_3489

IMG_3568

IMG_3679

IMG_3684
ALLAA MAHAD LEH.
Guul Jamhuuriyadda Somaliland.