Xukuumadda Somaliland Oo Imaaraadka Ka Difaacday Eedaymo Uga Yimi Dawladda Soomaaliya

0
658

Xukuumadda Somaliland Oo Imaaraadka Ka Difaacday Eedaymo Uga Yimi Dawladda Soomaaliya

Hargeysa, 10 June 2020 (Warsugan)-Dawladda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo uu ku sheegay in Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Waraysi uu siiyey Telefiishanka Al-arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maalgelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin.

Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Shirkada DP World way na xumaysay waxayna khatar galisay madax-bannaanideenna iyo midnimada dhulkeena, walina faragalinteeda waa mid socota,” ayuu yidhi Cawad, waxaannu hadalkiisii sii raaciyey “Sida naloo sheegay waa shirkad gaar loo leeyahay waxaana rajeyneynaa in dowlada Imaaraadka ay soo dhex gasho oo ay ka joojiso faragelinta ay nagu heyso, markaasna uu ku soo laabto xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidii uu ahaan jiray. Annaga waan sabarnay laakiin sabarkana wuxuu leeyahay xad, sida dal kasta oo adduunka ku yaall waxaan diyaar u nahay in aan difaacno midnimada dhulkeenna iyo madaxbanaanideenna iyo in aan difaacno maslaxada shacabkeenna,”.

Laakiin, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland shalay ayaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid la doonayo in lagu Carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

“Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.

Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.”Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here