Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qoddobo Ka Fuli La’a Dawladda Soomaaliya Iyo Kulanka Oo  Weji Kale Yeeshay

0
463

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qoddobo Ka Fuli La’a Dawladda Soomaaliya Iyo Kulanka Oo  Weji Kale Yeeshay

“Somaliland Iyo Soomaaliya 30-sannadood-buu Khilaafkoodu Soo Jiitamayey…”Wasiir Fartoon

Jabuuti, 16 June 2020 (Warsugan)-Xukuumada Somaliland ayaa shalay war kale ka soo saartay wadahadalada ka socda dalka Jabuuti, xili la rumeysan yahay in lagu kala kacay qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga ayaa si cad u soo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore, balse aan weli fulin.

Wasiirka ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanafta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda labada dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay mararka qaar sarre u sii kiciyaan xiisada labadda dhinac.

Qodobada Somaliland ay ku doodeyso inaysan weli fulin dowladda federaalku ayaa ku qotoma kuwo la xidhiidha deeqaha caalamka in si madax-banaan loo siiyo Somaliland, oo aan loo soo marin dowladda federaalka oo iyadu sii gaadhsiisa deeqaha beesha caalamka maamul goboleedyada dalka.

Faratoon ayaa sidoo kale si cad u sheegay in dowladda federaalka ay hore u gala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, isla markaana si isku mid ah loo qeybsado lacagaha ka soo baxa, midaasi oo aysan weli fulin dowladda Farmaajo”Ujeedda shirku waxa weeye Somaliland iyo Soomaaliya oo arrimo khilaaf ah isu-maandhaafsan ayaa muddo 30-sannood ah soo jiitamayey. waxyaabihii laga waddahadalay in badan oo ka mid ahi may hirgelin. Iyaddoo Somaliland rabto inay Somalia ka madax-bannaanto oo ay noqdaan labba dal oo jar ah oo walaalo ah…”Ayuu yidhi Wasiir Fartoon

Wasiirka ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo waxyaabaha laga yeelayo qodobadaasi uu sheegay inay ka fuli waayeen dowladda federaalka, balse uu xaqiijiyay in labada dhinac ay weli isku hor-fadhiyaan kulamo.

Somaliland ayaa ku doodeysa in fulin la’aanta qodobadaasi ee hore loogu heshiiyay ay sii fogeynayaan is aaminada labada dhinac, taasi oo meesha ka saareysa kalsoonida lagu qabi karo wada-hadalo midho dhala.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti ayaa weli socda, iyada oo wajigii labaad ee kulankaasi uu maanta ka furmay dalkaasi, waxaana la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro kulamadaasi.

 

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here