Xus Ballaadhan oo loo Sameeyey Sannad-guurada 28-aad ee Gudo-galkii Xooggagii SNM Ee Caasimadda Hargeysa

0
378
????????????????????????????????????

Xus Ballaadhan oo loo Sameeyey Sannad-guurada 28-aad ee Gudo-galkii Xooggagii SNM Ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Warsugannews)- Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay gudo-galkii xooggagii SNM ee caasimadda Hargeysa ee 31-kii May sanadkii 1988-kii, ayaa lagu qabtay hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo ay soo agaasintay Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Caddaaladda iyo Garsoorka, labeenta halgamayaashii ururkii SNM, dadweyne isugu jira rag, dumar iyo dhallinyaraba, waxaanna halkaas lagu soo bandhigay muuqaal (film) xusuus gaar ah xambaarsanaa oo ku saabsanaa gudo-galkii caasimadda Hargeysa, burburkii ay duqayntii ciidammadii Siyaad Barre, kaas oo qiiro wayn geliyey dadweynihii madasha fadhiyey.

Mujaahid Maxamed Cilmi Galaal oo ah Taliyihii watay ciidamadii SNM ee Aagga Galbeed ee Hargeysa, Mujaahid Xasan Ganey oo watay qaybta Gaadiidka Teknikada, Mujaahid Haybe Jeeni isaguna ka mid ahaa hormoodkii gudo-galka caasimadda Hargeysa, ayaa dhammaantood hadallo ay ka jeediyeen xafladda ku soo bandhigay xog-warrankii taariikhda maalmihii qadhaadhaa ee ku soo maray gudo-galkii Hargeysa laga soo bilaabo 31-kii May 1988-kii, iyagoo mid mid uga sheekeeyey dhacdooyinkii, dagaalladii iyo jihooyinkii kala duwanaa ee ay marayeen maalmahaas xilli ay ahaayeen ciidan aan tiradoodu ka badnayn kun askari oo u badheedhay cududdii iyo awooddii militerigii Siyaad Barre, balse uu hadafkoodu ahaa guul ama geeri.

Gudo-galka ciidamadii SNM ee magaalooyinka Somaliland oo ay hormood u ahayd magaalada Burco oo ku astaysnayd 27-kii May 1988, kuna xigtay Cadaadley 28-kii May oo ahayd saldhig ballaadhan oo uu lahaa taliskii Siyaad Barre iyo Hargeysa oo 31-kii bishaas la galay, waxay mujaahidiintu si qoto dheer u faahfaahiyeen dagaalladii ka dambeeyey eek a socday gudaha dalka muddo laba sanno ah oo xidhiidh ah, kuwaas oo lagu waayey boqolaal Mujaahid, isla markaana ay ku burburtay malaayiin hanti ahayd oo shacabku lahaayeen, taas oo aakhirkii dhashay guushii ballaadhnayd ee xooggagii SNM kaga xorreeyeen gebi ahaanba dalka nidaamkii kaligii-taliska ahaa ee Siyaad Barre, isla markaana horseedday dib-ula-soo noqoshadii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu dhawaaqay 18 May 1991.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii ciidankii SNM ee galay magaalada Burco 27-kii bishiii May 1988-kii oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in gudo-galkii SNM ee magaalooyinka dalka uu sabab u ahaa heshiiskii dhexmaray dawladihii Ethiopia iyo Somalia oo labadoodaba ay ku furnaayeen dagaallo jabhadeed, kaasoo dawladdii Ethiopia ku wargelisay hoggaankii SNM inay faaruqiyaan fadhiisimihii ay ku lahaayeen gudaha dalkeeda, kadibna ay go’aansadeen inay gudaha u galaan magaalooyinka dalka ee cadowgu haystay.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe), ayaa si hufan uga hadlay qiimaha uu lahaa guud ahaan halgankii SNM, gaar ahaana maalmahaasi xooggagii naftood-hurayaashu gudaha u soo galeen magaalooyinka dalka, waxaannu ku baaqay in xuska maalmaha noocaas oo kale ah la xasuusnaado oo maanka lagu hayo.

Sidoo kale, Hamish Wilson oo ah muwaadin u dhashay dalka ingiriiska, isla markaana goob-joog ka ahaa halgamadii ururka SNM ka galeen agagaarka gobolka Maroodi-jeex oo isaguna xafladda ka qaybgalay, ayaa dadka dib u xasuusiyey xannuunkii iyo dhibaatooyinkii uu xaadirka u ahaa ee ka dhashay dagaalladii dhexmaray SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre, iyo weliba burburkii hantida iyo guraha caasimadda Hargeysa ay u gaysteen duqayntii arxandarrada lahayd ee uu u gaystay nidaamkii Siyaad Barre, waxaannu tilmaamay in muuqaalkaasi ahaa mid muruqo badan oo qalbigiisa raad weyn ku reebay.

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha, kana mid ahaa saraakiishii sare ee ururkii SNM Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna faahfaahin dheeri ah ka bixiyey qiimaha uu halganku lahaa, isagoo tilmaamo gaar ah ka bixiyey xusuustiisii maalmihii gudo-galka Hargeysa iyo go’aankii guud ahaan ciidammadii SNM kaga soo baxeen saldhigyadoodii gudaha Itoobiya.

Mujaahid Muuse Biixi waxa uu dib u xasuusiyey dhallinyarada in dadaal iyo naf-hurnimo dad badan ku nafwaayeen lagu keenay nabadda iyo xasilloonida maanta ay ku naaloonayso Somaliland.

“Da’yarta maanta 28 jirka ah ama 30 jirka ah ee aannu dagaalkaasi u caddayn ayaa u baahan in aad looga warramo si ay isaga ilaaliyaan in aynaan khalad dambe galin iyo si aad u ogaato halgankii iyo xannuunka dalkan loo soo maray, marka loo eego magaalooyinkii adduunka dagaalku ka dhacay ee ay ka mid tahay Baarliin, Fiitnaam haddii loo qiyaaso rasaastii Hargeysa ku dhacday 1cm libanlaaban oo kasta Hargeysa ayaa ka badnayd hubka ku dhacay, Hargeysa waxa lagu soo jeediyay in ka badan 60 qoryaha 120-ka ah iyo 64 ugu yaryahay , dhowr iyo soddon taangi, tiro badan oo diyaaradaha duqaynta ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, waxa halkaas lagu soo bandhigay suugaan iyo gabayo qayb ka ahaa halgankii dibu-xoraynta SNM,kaas oo dadka lagu xasuusinayey xikmadaha bulshada lagu wacyigelin jirey inay halgankaas qaybtooda ka qaataan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

thumb_DSC_0184_1024

thumb_DSC_0185_1024

thumb_DSC_0186_1024

thumb_DSC_0187_1024

thumb_DSC_0190_1024

thumb_DSC_0194_1024

thumb_DSC_0195_1024

thumb_DSC_0207_1024

thumb_DSC_0212_1024

thumb_DSC_0215_1024

thumb_DSC_0233_1024

thumb_DSC_0248_1024

thumb_DSC_0250_1024

thumb_DSC_0254_1024

thumb_DSC_0262_1024

thumb_DSC_0266_1024

thumb_DSC_0269_1024

thumb_DSC_0270_1024

thumb_DSC_0284_1024