Yaa garanaya sababta uu Jose Mourinho u ciyaarsiin la’ yahaya Henrikh Mkhitaryan?

0
328

(Manchester) 30 Oktoobar 2016. Su’aashaas waxaa jeclaan lahaa in looga jawaabo madaxwaynaha xiriirka kubbada cagta dalka uu ka soo jeedo Henrikh Mkhitaryan ee Armenia ninka lagu magacaabo Ruben Hayrapetyan.

Hayrapetyan ayaa sheegay inuusan ogaan karin waxa uu ku fikirayo Jose Mourinho iyo qorshoyaashiisa si la mid ahna Mkhitaryan uu isna fahmi la’yahay waxa uu macallinkiisa ku fikirayo.

Xiddiga xagaagan uun Man United uga soo biiray Borussia Dortmund ayaan ka soo muuqan kooxda ka arrimisa Old Trafford tan iyo ciyaartii ay guul darada kala kulmeen Man City.

Maqnaanshihiisana Man United waxay hoos ugu soo dhacday kaalinta 8-aad iyadoo wax guul ah gaari waysay afartiii kulan ee ugu dambeysay Premier League, laakiin Jose ayaan marna caawimad ka raadin xiddiga reer Armenia iyadoo ay jirto inuu sheegay inuusan dhaawac qabin isla markaana uu taam yahay.

“Ma ogaan karo waxa uu ku fikirayo macallinka Manchester,”. Ruben Hayrapetyan ayaa sidaa u sheegay Armenpress.

“Waxaan la hadlay Mkhitaryan, sidoo kale ma garanayo waxa uu Jose Mourinho ku fikirayo.

“Mkhitaryan wuu tababaranayaa qaab fiicana wuu ku jiraa laakiin cidna ma garaneyso sababta uusan u ciyaareyn.”.

27-jirka ayaa ugu soo biiray Red Devils adduun dhan 27-milyan laakiin kaliya 5-kulan ayuu dhammaan tartamada ka soo muuqday ilaa iminka.