31-ka May Saddex Dhacdo Oo Is Barkan Xusuus Gaar Ahna Ku Leh Qulubta Umadda Somaliland By Marwo Kaltuun

0
476

31-ka May Saddex Dhacdo Oo Is Barkan Xusuus Gaar Ahna Ku Leh Qulubta Umadda Somaliland

1_ Waxay ahayd malin uu inaga baxay mujaahid Adan shine oo uu gob kula geeriyooday mujaahid siyaad oo ka mid ahaa macalimintii dugsiga Farah Omar.

2- Waxay ahayd dhacdadii gudagalkii dalka ee dagaalka lagala hortegey Taliskii naxarista darnaa ee aan dad iyo duunyo kala reebin laguna tuuray heeryadii gumaysiga.

3-Waxay ahayd dhacdo kale oo taariikhi ah oo dhacday kalana cadaysay in aanay gorgortan geli karin gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland, Aftidii shacabka laga qadayna codka Haa la yidhi 97% .
Isagoo noqday distoor lawada leeyahay oo qaran, qabil iyo qoysba ku badhaadhay dhamaanteed bulshadu walaaha ahi khalad iyo saxna kala saaray.

Waxa beenowday oo aan rabaa inaan hosta ka xariiqo halkudhayo ay fidin jireen dhangagalayashu iyo kuwii Somaliland kasoo horjedey oo ahayd (waa shaadh nin loo tolay oo lagu qiyaasay, Xataa kuwii sida lahaa ayuu shaadhkii leekaaday) waxaan leeyahay halayska jiro hadalada xanafta leh ee umadda kala fogaynaya uur ku taaladana reebaya.

Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland gudo iyo dibedba.
Waxaan si gaara u salaamayaa ciidanka qaranka oo aan leeyahay weligiin jira oo jooga.

Ramadan karim
Wa bilahi tawfiq
Marwo Kaltum