Waxaan halkan kaga jawaabayaa laba qodob oo shirkadda Telesom maanta kaga hadashay qoraal ay baahisay

0
394
Waxaan halkan kaga jawaabayaa laba qodob oo shirkadda Telesom maanta kaga hadashay qoraal ay baahisay.
Marka hore, in shirkadaha ama ganacsatadu yeeshaan doodo midhodhal ihi waxay dan u tahay bulshada. Waxaad mooddaa in la caadeystay in shirkaduhu dadka u heshiiyaan, warbaahinta na shilimaan lagu aamusiiyo. Haddii wax la sheegayana aan toos wax loo sheegin ee cid laga dhex hadlo. Dhaqankani waa mid aynaan hore u aqoon oo dhawaan dadka la baray.
Qodobka 1aad
Waxay shirkadda Telesom i weydiisay in aan soo bandhigo caddeynta hadal aan hore u sheegay oo ku saabsanaa in khidmadda aad loogu kordhiyey WorldRemit. Kordhintaas oo aanu oggolaannay, waxaan uga jeeday inaan tuso dadka cidda go’aannada masiiriga ah qaadataa in ay tahay Cabdiraxmaan Axmed Nuur Jimcaale, oo arrinkaa igala hadlay. Farriimaha aan caddayntooda hayo waxa ka mid ah in uu Ina Jimcaale khasab ka dhigay in aannu bixinno khidmad 1.75% ah, iyada oo ay tani tahay khidmadaha ugu qaalisan waddamada aanu lacagaha u dirno.
Markii hore waxa uu dalbaday 2% isaga oo farriin uu ii soo diray ku yidhi: “2% ayaa lagu dhaganyahay shirkad ahaan. Waxaan dareemaynaa in ay tahay fair deal”. Gorgortan ka dib, wuxuu oggolaaday 1.75%. Waxa aan ku adkeeyay in aanu oggolnahay khidmaddaa qaaliga ah haddii cilladaha farsamo ee is daba joogga ah lanaga joojinayo. Wuu ii ballanqaaday in ay joogsanayaan, nasiibadarro se halkii ayaa laga sii waday in kas loo carqaladeeyo xawaaladaha WolrdRemit ka midka tahay.
Waxa naga horreeyey oo dhibaatadan oo kale la soo deristay TansferGalaxy. Waxa loo diray warqaddan hoose ee qoraalkan ku lifaaqan, oo lagaga dalbaday in ay ku kordhiyaan macaamiishooda khidmadda, si ay ula mid noqoto PaySii. Arrrinkani waxa ay faldambiyeed ka tahay waddamada dibadda ee lacagta laga so diro oo xaaraan ka dhiga in shirkaduhu u heshiiyaan macaamiisha. TransferGalaxy iyaga oo shuruucdaa dhawraya waxay diideen dalabka iyo digniintii la socotay.
Qodobka 2aad
Qodobka labaad waxa weeyi eedeynta ah WorldRemit ayaa si tuugo ah Zaadka u xadday. In ay sidan u hadlaan walaw ay iyaga iyo macaamiishooda ba ceeb ku tahay, haddana WorldRemit saddex shirkadood ayey heshiis kula jirtaa ku saabsan in ay lacagaha ka bixiyaan Somaliland; Telesom, MasterCard (HomeSend) iyo Juba. Shirkadaha MasterCard iyo Juba waxay ku xidhan yihiin shirkado kale oo meelo badan ayay lacagaha ka bixiyaan, waxaa na loo yaqaan ‘aggregators’.
Laga soo bilaabo 2020 markii WorldRemit heshiis la gashay Juba, lacagaha shirkaddu u dirto waxa loo kale qaybin jiray MasterCard, Telesom iyo Juba. In kasta oo lacagaha ugu badan ay Telesom bixin jirtay, haddana wakhtiyada cilladaha farsamadu jirto, kuwaas oo dhawaan soo badaneyey, waxa lacagaha loo wareejin jiray MasterCard iyo Juba.
Maalintii dhawayd ee sida kediska ah Zaadka looga xayiray WorldRemit, waxa lacagaha la bixiyo loo badiyey Juba, si loo yareeyo cabashada macaamiisha. Maadaama saddexda heshiis midna aanu ahayn “exclusive”, WordRemit xaq ayay u leedahay in kolba shirkadda ay doonto lacagaha u badiso.
Haddii Telesom aanay ku qanacsanayn in shirkadaha loo badiyo lacagaha, waxa heshiisku u bannaynayaa in ay ka soo cabato ama heshiiska ka baxdo iyada oo 6 lix bilood oo ogeysiis ah siinaysa WorldRemit. Waxa gef ahayd iyada oo aan shirkaddii loo sii sheegin, weli ba cillad farsamo loogu sheegayay maalmihii hore oo dhan, in ay hal mar yidhaahdaan heshiiskii baanu laalnay!
Waxa intaa ku xigtay in sidan oo kale Juba looga joojiyay adeegyada Zaadka iyo EVC-ga, iyada oo Telesom iyo Hormuud si wadajir ah arrinkan isaga kaashanayaan. Waxa xusid mudan in Gollis (e-sahal) ay arrinkaas diidday oo Puntland xawaaladuhu lacagaha si fiican u bixinayeen.
Haddaba, haddii arintu WolrdRemit oo keliya ahayd, maxaa shirkadihii kale ee tirada badnaa iyaga na looga xidhay isla wakhtigaa? Cidda dhibaatada ugu weyni gaadhaysay waxay ahayd macaamiisha Zaadka iyo EVC-ga e, maxaa looga fekeri waayey tobannaanka kun ee qoys ee la biilka tiray? Ganacsigu loollan iyo tartan wuu leeyahay, laakiin ma aha in aad heshiisyo is kas ah u buriso adiga oo og cidda ugu badan ee aad wax yeelaysaa in aanay ahayn ganacsi kale, ee ay tahay macaamiishaadii.
Waxa qoray Ganacsade Ismail Ahmed worldRemit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here