TAARIIKHDU WAA BUUG BADU MAYDHI KARIN XUSUUSTA TELEFISHINKII SOOMAALIYA QALINKII  CALI-MAHAD YUUSUF

0
289

TAARIIKHDU WAA BUUG BADU MAYDHI KARIN

XUSUUSTA TELEFISHINKII SOOMAALIYA

QALINKII  CALI-MAHAD YUUSUF

 

Waa  ayaan  Axadeed  oo tirsiga miilaadigu ku buuxo  21.5.2023ka,  amintu waa goor  casar ah  qormo gaaban oo suxufiga  Axmed Siciid Cige, bartiisa face booka soo dhigay   iyo sawirka Filimqaade Xasan-Biid oo  ay ka wada tirsanaayeen Telefishinkii Soomaaliya, oo sida uu sheegay ay iska heleen Face-ka.ayaan indhaha saaray

Inkastoo uu ahaa qoraal intii aragtay  si degan u akhrisatay,  balse  wuxuu igu kiciyey Ladh culus  oo  dhinaca xusuusta ah, Xasan Maxamed Cismaan (Xasan-Biid) ka sokow Magaciisa ku qornaan jiray Shaashada Tvga marka la sheegayo Barmaamij ama filin uu soo duubay, waxaan dhowr mar ku arkay  Gegidii Muqdisho Istaatyam (Isbartiimadii) gaar ahaan xiliyadii ay socdeen Ciyaarihii Kubada Cagta ee Gobolada Soomaaliya

Wiil dhalinyaro ah, oo sida loo lebisanyahay, qaabka kamarada loogu xaragoonayo, shaxshaxda ka muuqataa qurux waqtigeedii joogtay ahayd, maantase waa muuqaal kale iyo Ayaan tii hore ka duwan. Intaasi waa Xasan-Biid iyo xusuustii u gaarka ahayd

Maqalka sheekada Telefishinkaasi waxay igu leedahay xusuus  kasoo bilaabanaysa dunidii wakhtigaas jirtay siday  ahayd,   sooyaal tegay iyo sanado galbaday. Oo  aan  ahaa  barbaar d’ayar oo xiiso weyn u haya  dhal-dhalaalka   Aduunyadii  xiligaa taagnayd.

Madadaalada ka bixi jirtay iyo xiisaha aan u hayey  wax dhayal iyo si fudud lagu ilaabi karo  ma ahayn.   Barmaamij cilmiyeedyadii qaybaha kala duwan isugu jiray ee iyagoo Afsoomaali loo turjumay aan daawan jirayna  waxay qayb muhiim ah  ka noqdeen Manhajkaygii aqoonta.

Hadaba Telefishinkaas oo siduu u dhamaa ku burburay dagaaladii lala galay nidaamkii MSBare ee ka dhacay Magaalada Muqdisho,  Sheekada Xasan-Biid iyo soo hadal-qaadka TVgaasi,  wuxuu mid mid ii hor keenay  Akhyaar badan oo  aanan geeri iyo Nolol warkooda maqal.  waxaanay ka fursan weyday  inaan qalinka iyo waraaqda isu qaato si aan uga nefiso daadka xusuusta ah.

Telefishinkan oo sidaan maqlay ay  Dowlada Kuwayt ugu  deeqday Soomaaliya balse markii ugu horaysay ay dhaqaajiyeen  Farsamayaqaano Masaari ahi.

Beryihii dambase waxaa  hawshiisa faraha looga qaaday Dhalinyaradii Soomaalida ee  Masaaridu  wax bartay. Masaafo ahaana wuxuu gaadhsiisnaa oo laga daawan jiray In ku siman 90Km  waa Magaalada Muqdisho iyo labada Gobol  Shabeelada Hoose iyo Dhexe. Celcelis ahaana 4 Saacadood ayuu hawada ku jiray,

Mudo dheerna waxaa balwad ii ahayd inaan   habeen walba dhowr saacadood  ku qaado Daawashada Tvga,   Inkastoo uu marxalado kala duwan soo maray balse horaantii Sanadkii 1984kii waxaa lagu soo kordhiyey Tvgaas dhowr barmaamij oo ay kamid ahaayeen, Socdaalka Aduunka oo AHN Axmed Xasan Cawke soo diyaarin jiray mawduucyo laga soo xulay dhacdooyinka dunida ayaanu ka koobnaa,

 Xiddigaha oo ay Barmaamij soo saare ka ahayd Luul Tahliil waxaa lagu waraysan jiray Bahda Fanka, Muuqaalka Nolosha oo C/naasir Maxamed Jaamac diyaarin jiray oo qaybo dhowr ah ka koobnaa dadka haldoorka ahna  lagu waraysan jiray.

waxaan aad ugu xidhnaa Barmaamijka Socdaalka Aduunka oo gaba-gabadiisa lagu soo xidhi jiray su’aal daawadeyaasha la  weydiiyo,  qofka gartana   abaal-marin la siin jirin

Nasiib wanaag waxaan ku guuleystay,  bishii Septembar 1985 Barmaamij  la baahiyey oo su’aasha u dambaysaa ahayd waxaad sheegtaa Dal ku yaala Qaarada Yurub oo Xuduud la wadaaga wadan keliya, kaasoo ah Dalka Boortaqiiska oo Isbayn  keliya xad la leh,

Mowduucyada kale ee sida weyn loo xiiseyn jiray waxaa kamid ahaa musa’salkii caanka ahaa ee  Sahratu Zuuli Caaliya oo ahaa Filim Masri ah oo mudo dheer ka socon jiray, TV-ga  Qisooyin iyo dhacdooyin xidhiidh ah ayaanu xambaarsanaa, sidoo kale Filimkii Abbu Saalax yuruuti Xal, iyo Huwa Wa Hiya iyo Musasalkii Kharaj walam yacud,oo xiisahooda qof daawaday mooyee aan cid kale ka sheekayn karin. Dhinaca Filimada Reer Galbeedka ee Telefishinkaasi baahiyey waxaa kamid ahaa OLD FOX (Deer Alte)  oo   mu’aamarada  iyo shirqoolada laysu dhigaayo  iyo sida laysu khaarajinaayo indhuhu kusoo baxayaan.

Filimada Maaweelada Caruurta oo ubadku si weyn uga heli jireen kuwoodii  ugu caansanaa oo  ay kamid ahaayeen  IFTAX YAA ZAMZAM,  CALI BAABA, iyo Kartuunkii ama Boombalahi   LUCMAAN dadka qaarna u yaqaaneen NUCMAAN.

Xiliyada uu sida weyn kor ugu kacay Daawashada Tvgaasi waxaa kamid ahaa Tartankii Koobkii Aduunka ee 1986kii  Dalka Meksiko, oo Ciyaarihii ka socday  laga daawan jiray.   mudo 7-Sanadood ah ayaanu  Hawada ku  jiray  waa 1983-1990 Telefishinkaasi, Markalena waxaan usoo joogay markii uu hawada ka baxay  ayaamihii u dambeeyay 1990kii.

Hadaba inkastoo qalabka wakhtiyadaasi lagu shaqaynaayey uu ahaa mid Boqol jeer  ka   hooseeya aaladaha Casrigan Maanta la isticmaalo, hadana tayada Suxufiyiintii  ka hawlgeli jiray Warbaahintii Xiliyadaasi waxaan la dafiri karin inay kun jeer ka xirfad  sareeyeen Dadka mudooyinkan dambe Saaxada Warbaahinta ku jira.

Hadaan gaar u soo qaado Akhyaartii Telefishinkii Soomaaliya ee aan weli xusuustayda ka bixin waxaa kamid ahaa

  1. AHN C/raxmaan Aadan (Kawndha)
  2. Maxamed Nuur Baasaale
  3. Jaamac Cabdi Axmed
  4. Cumar Cali Cosoble
  5. Cali M.Yuusuf
  6. C/xakiin Maxamed Aadan (Dheg-dhaqaaje)
  7. Cumar Cabdala
  8. C/rixiin Suleyman Cabdala
  9. Abuukar Xasan Macalin
  10. Joon Khataari
  11. Maxamed Aadan
  12. Cabdi Nuur Cabdi (Aboorey)
  13. Xuseen Xasan

Waxaa kale oo jiray Hablo ka tirsanaa Telefishinka oo aan kasii xusuusto

-Maryan Cali Aayad

-Xorriyo Maxamed Baare

-Naadiya Cali Cilmi

-Hodan Makhtal

 

waxa kale oo jirtay Gabadh inta badan warka Akhriyi jirtay oo aan filayo in Magaceedu ahaa Zamzam Cali Jowhar oo sida lay sheegay sanadkii 1977 Weriye ka ahayd Radio Addis Ababa, markii dambana Soomaliya usoo wareegtay.

Xubnaha Dhinaca Farsamada  ee ka hawlgali jiray  Dhiishka ama Saxanka Satalaydka oo lakala odhan jiray –Cali Afey Shahiidka (Dhiil-duug) iyo Axmed Maxamed Gaabshe.  xiliga ciyaaraha Aduunka. Ayaana magacooda isagoo qoran laga akhrisan jiray shaashadaha

Waxaa kaloo jiray niman  Masaari ah oo la kala odhan jiray Mustafa Kaamil iyo Cali Abuu Al-Nasar.

Markaan hadaba dib u milicsado War iyo wacaal wixii aan ka helay Akhyaartaas Telefishinka Soomaaliya, horaantii  sanadkii xili aan filaayo inay ahayd sanadkii 1999-waxaa Magaalada Hargeysa ku geeriyooday AHN C/raxmaan Aadan Cumar (Kawndha).oo ahaa Filimqaade heer caalami ah oo horena uga soo shaqeeyey Telefishinka Cable News Network  (CNN).

Sidoo kale waxaan maqlay in Filimqaade C/xakiin-Dhegdhaqaaje uu hada ku dhaqan yahay Dalka Ingiriiska sida uu ii  sheegay Nin ay walaalo yihiin oo Magaalada Berbera Dukaan ku haysta oo lagu magacaabo C/ladiif Maxamed Aadan, waxaa kale oo magaalada Hargeysa hadda ku sugan Maxamed Aw Aadan (Duur) oo kamid ahaa Filimqaadeyaashii Telefishinkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here