MUCJISADA TIRADA 9 SAAMAYNTII M/WEYNE CIGAAL IYO YAABKA BISHA MAY QALINKII CALI-MAHAD YUUSUFQormadii 3aad

0
273

 

MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL

Qormadii 3aad

    MUCJISADA  TIRADA   9   SAAMAYNTII   M/WEYNE CIGAAL IYO YAABKA BISHA MAY

QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF

 

Qormadii hore waxay inoo maraysay sidii xaalku ahaa  6.5.2002 iyo madashii uu ka socday Aaska AHN M/weynuhu, Subaxnimadaasi oo  dhiilada iyo baroortu gees walba ka muuqaday, sawir murugaysan oo aan indhaha la siin karina  lahaa.

Balse  dhacdooyinka Xabaasha dusheeda ka dhacay  waxay ahaayeen  arimo lagu tilmaamo karo Mucjiso.

Rag maalintaa ka hor aan indhaha isa siin jirin ereyga dhexmaraana inta hadalka ugu xun ahaa.  Ayaa sidii ehel iyo walaalo mudo kala baaday  salaan laabta is geliyey  oo  mid walba ilmadii ka dareertay kii kale dhabarkiisa qoysay.

Tiraabta kasoo yeedhayna noqotay Samir iyo iimaan.   Waxaana muuqday sawir meesha ka saaray Wer-werkii shacabka Somaliland ka qabeen Halis amni oo ka dhalata muranka siyaasada ee xiliyadaa taagnaa.

Inkastoo saxaafada  Somaliland  ee waayahaasi jirtay ay aad u koobnayd. waxayse si fiican u baahisay wixii xog iyo macluumaad laga hayey Sooyaalkii  Taariikheed ee AHN Marxuum  Cigaal iyo kaalintii uu ku lahaa Horumarkii ka hirgalay Somaliland. Iyo  jawigii ayaantaas

Balse  xukuumada Somaliland  waxay ka gaabisay inay la xidhiidhaan Warbaahinta Caalamiga ah,   waxaase jirtay Gabadh weriye ah oo ka tiranayd  Telefishin laga leeyahay Dalka South Africa iyo Nin Filimqaade ah.oo  la socday  Dayuuradii Meydka Marxuumka sidey.

Dhowr todobaad ka dib, ayaan  warkii Habeenimo ee Idaacada Radyow Hargeysa, aan ka dhegeystay  Abaal-marin caalami ah oo la gudoonsiiyey Gabadhii  Weriyaha ahayd ee Reer South Africa  warbixintii ay ka diyaarisay   Aaskii  AHN M/weyne                          Cigaal oo markii  la daawaday.  ay noqotay   Weriyihii Sanadka 2002. Ee Guud ahaanba Qaarada Afrika  iyadoo lagu qiimeeyey muuqaaladii  Dadkii kasoo qaybgalay Aaska oo tiradooda lagu qadaray In  ka badan 360.000 (Saddex boqol iyo Lixdan kun).

Dhinaca kalena  Madashii Aaska, waxaa  D/hoose ee Berbea keentay  Buug weyn oo kamid ahaa Diiwaanadii Xukuumadii Ingiriisku ugu talagashay  Xarunta D/hoose xiligii mustacmarka, waxaana  gacanta ku hayey Kayd C/laahi Xandule Xisaabiyihii D/ Hoose ee Berbera,   tirabadan oo  kamid ahaa ragii xog-ogaalka u ahaa shaqsiyadii AHN M/weyne Cigaal ayaana diiwaankaas  ku sifeeyey inuu ahaa hogaamiye Qaran.

Waxa kale oo qalinka ku duugay Wasiir-udowlihii Arimaha debeda Dowladda Federaalka Itoobiya Tekeda Alume, oo sanadihii u dambeeyayna ahaa Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Itoobiya, oo sheegay In  AHN Cigaal ahaa ruug-cadaa talooyin badan ka geystay Amniga  Mandiqada Geeska Afrika.

Xaqiiqa ahaana  Buugaa tacsida oo xambaarsanaa Macluumaad badan,  waxa aan weydiiyey  Halkii uu ku  dambeeyay, waxaanu Mr  Kayd,  ii sheegay in la geeyay Madaxtooyada Somaliland, waxaase muhiim ah  in la dhigo   meel ay ka akhrisan  karaan da’yarta  soo kacday.

 

Marka dib loo qiimeeyo sidii  Saxaafada Caalamka u sharaxday hayaankii dheeraa ee  AHN Cigaal dhismihii dowladnimada oo kasoo bilowday meel cidla ah, oo aanay waxba jirin, balse mudadii uu xukunka hayey waxaa Somaliland yeelatay, Lacag, Ciidan, Dustuur qoran, nidaam maamul, Maxkamado iyadoo aanay jirin dabley dhib ku haysa amaanka.

Arimahaas oo aan  ka jirin Soomaaliya inteeda kale, iyadoo Beesha caalamkuna faraha kaga gubatay sidii xukuumad dhexe loogu samayn lahaa.

AHN Marxuum Cigaal oo laysku raacay inuu ahaa Hogaamiye Saamayn weyn leh, qaar kamid ah Tilmaamihii Saxaafada caalamku waxaa kamid ahaa

Kathering Bond oo ahayd suxufiyad Idaacada BBC-da ka tirsan oo 1994  Hargeysa kula kulantay AHN Cigaal waxay sheegtay inuu ahaa Nin si aad ah isugu kalsoon oo qab siyaasadeed oo xor ahi ka muuqdo.

Dhinaca kalena Siciid Yuusuf Saleebaan (Afrikaani) oo kamid ahaa suxufiyiintii Wargeys kasoo bixi jiray Magaalada Burco oo lagu Magacaabi jiray Aragtida Togdheer, Qormo aan filayo inay  ku aadanayd horaantii 1994 waxaa suxufigaasi ku sifeeyey Maxamed Ibraahin Cigaal,  arin cajiib ah isagoo tusaale usoo qaaday Shayga soomaalidu u taqaano

Cigaalka oo ah  Xadhig ka samaysan  Rabadh (Caag) iyo dun isugu jira  midabkiisuna   madow yahay. Cigaalka waxaa si wareeg ah xagga u saraysa loogu duubaa Cimaamada iyadoo la muujinaayo, Ninka uu madaxiisa ka muuqdaana  xaraggo u hadhay ma jirto, dhaqan  ahaana markaad maqasho Cigaal, wuxuumbaa kugu soo dhacay Midabkaa madow ee madaxa u saaxiibka ah.

Qoraal farshaxan ah oo aan   filaayo intii akhrisatay  inaanay  ilaa hada xusuustooda ka bixin ayuu ahaa.

Dhinaca kalena waxaa jirta Astaan kale oo cajiib ah. waa marka dib loo raaco Sooyaalkii AHN Cigaal oo  u muuqda inuu saamayn gaar ah ku leeyahay Lrka 9,

Waxaa kale oo iyaduna yaabkeeda leh markii u horeysay ee Marxuum Cigaal xilka  Somaliland qabtaa waxay ahayd 5.bishii May ee 1993kii waxaanu geeriyooday 3dii Bishii May 2002.

  • Xiliga la Afgembiyey Xukuumadii uu raysal-wasaaraha ka ahaa waxaa Somaliya xor ahayd 9 Sanadood
  • Xukuumadii MSBare ee talada kala wareegtay waxay  jirtay 21. Sanadood, waxaanu xidhnaa 12 Sanadood halka uu xor ahaa 9 Sanadood
  • Sanadkii 1982kii ayaa xabsiga laga sii daayey Balse Dowladii MSBare waxay sii jirtay 9 Sanadood
  • Waxa uu Somaliland Madaxweyne ka ahaa 9 Sanadood
  • Shirweynihii Boorama Codadka uu helay waxay ahaayeen 99 Cod
  • Sanadku wuxuu ahaa 1993kii,
  • Maalintii 4tii .Bishii 5aad.ayaa, Ergooyinkii Shirweynuhu isku raaceen in doorashadu dhacdo 5/5/93ka. Labad tiro ee hore  Maalinta iyo Bisha isugeyn waa 4+5=9
  • Magaalada uu ku dhashay waa Oodweyneh oo marka sidaa loo tiriyo 9 Xaraf
  • Magaca Hogaamiye wuxuu ka kooban yahay 9 Xaraf
  • Mudadii uu joogay Dalka South Africa waxay ahayd 9 Cisho
  • Taariikhda uu geeriyooday waxay ahayd 3dii may waxaana la aasay 6 May marka laysu geeyo 3+6=9
  • Maalinta Qaranimada Somaliland waa 18May marka laysku daro 1+8=9
  • Sidoo kale 27 May waa Guda galkii Burco tirada 2+7=9
  • Sidoo kale 31 May oo ah Gudagalkii Hargeysa iyo Aftidii dustuurka 3+1+5=9
  • Cimriga AHN Marxuumku wuxuu ahaa 72 Sano iyo dhowr bilood markalena 7+2=9
  • Magaca President oo Macno ahaan noqonaya Madaxweyne waa 9 Xaraf

Marka Abla-ablaynta tirooyinka lasii dhexgalano waxaa markale soo baxaya tirada 26 oo ah inta xaraf ee uu ka kooban yahay magaca Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, taasoo xisaab ahaan ku sidkan 26ka Juun madaxbanaanidii Somaliland ee sanadkii 1960kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here