telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Akhri Khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhamaystiran

Khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Uu Maanta U Jeediyey Shacbigii Tirada Badnaa Ee Ku Soo Dhaweeyey Madaarka Ilaa Madaxtooyada

“Walaalayaal weedha Xamar kasoo yeedhay laba qodob bay daaran tahay, waa laba godobood, godobi waa iyaga oo magan u ah Ciidan shisheeye ayaa waxay maageen dawladd ilaa 1958-kii xor ahayd”, Madaxweyne Biixi
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
“Waxaan la yaabanahay ragga xukuumadda ka tirsan ee sidaa ku tashaday marka hore godobta intaa leeg waxa ku kelifaya…..”
“Markii Soomaliyi is qoonsatay ee qarannimadii lagu heshiiyey laysku diiday ee laysku maandhaafay wixii ka dhacayna hadyad iyo ciyaar nagumay siin lafa rag iyo dhiig baanu ku dhisnay tan oo aanu kaga qaadnay, rag maanta loo soo hanjabo maanu ahayn”,
*******************************************************************************
“Dhalinyaroow hadday awoowyaashiin badda wax ku saxeexeen hadday awoowyaashiin Ingiriis oo dhulka ugu xoog weynaa diyaarado u miciinsanaaayey ka adkaadeen, hadday awoowyaashiin tii lays laayey kasoo dhiciyeen laydinka biqi maayo maanta idinka”
#################################################################
“Waxaan la yaabanahay isagoo yidhi mahayo cid wali tidhi wuu khaldan yahay mid iyo laba mooyaane taasaa la yaab leh, Garoowe, ma odhan Kismaanyo ma odhan, Baydhaba ma odhan, Beledweyne ma odhan, Muqdisho ma odhan, saw uma eekaanayso arrinta waa laysku raacsan yahay, ma wax laysu quudhaa midnimada la daydayaa ma taasay ku imanaysaa”, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa-07-07-2019-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wetigii uu hoggaaminayey ee dalka Gini safarka shaqo ku joogay maalmihii u danbeeyey oo maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee cigaal International Airport ilaa qasriga madaxtooyada Somaliland oo ay dad tiro badani wadada hareeraheeda xidhiidhsanaayeen inta u dhaxaysa.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey dadkaasi tirada badan ayaa yidhi “Weftigii aan hoggaaminayey waxaanu socdaal rasmiya ku soo marnay Dalka la yidhaahdo Guinea Conakry (France Equatorial), waxaanu sii marnay Dalka Ethiopia waxaanu kala kulanay labada meeloodba wax wanaagsan iyo Yuhuun fiican iyo qaddarin, Dalka Itoobiya waxaanu joognay 24-saacadood afar iyo labaatankaa saacadoodba waxaanu ku aragnay labadii wasiir ee ugu waa weynaa, Wasiirkii Arrimaha Dibada iyo kii Maaliyada waxaa kale oo Talefoonka nagula soo hadlay isagoo kormeer ku jira Taliyaha cusub ee Ciidamada Itoobiya oo dhan, taasina waxay muujinaysaa milgaha iyo qaddarinta Somaliland loo hayo.

Waxaanu Addis ababa kula kulanay oo aanan ku talo gelin Wasiirka Khaarajiga Jaad oo aanu wakhti ku qaadanay inaanu ka wada hadalno qaddiyada Somaliland wax badana uga iftiimino, waxaanu uga gudubnay dalkaasi Guinea Conakry oo dalalka Africa ugu da’aweyna oo uu madax ka yahay nin oday ah sideetan jir iyo dheeraad ah, (50) konton sanno siyaasada kusoo jiray sharci yaqaana, Madaxweynaha magaciisa la yidhaahdo Alpha Conde, ninkaasi waa nin aaminsan mabaadi’ada hanti wadaaga ah (Socialism) waxaanu ka mid ahaa raggii usoo halgamay 1958kii dalkiisa si ay xornimada uga qaataan Faransiiska, dhawr iyo labaatan dal oo uu gumaysto Faransiisku ayaa la waydiiyey ma Faransiiskaad kusii jiraysaan mise waad ka xoroobaysaan, keligood Guinea Conakry oo qudha ayaa tidhi waanu xoroobaynaa, inta kale waan lasii joogaynaa bay yidhaahdeen isticmaarka 58-kii intii ka danbaysay baa mid waliba xornimada qaadatay, waayo arag siyaasadeed oo weyn bay leeyihiin dadkaa iyo odaygooduba, si wacan buu noo qaabilay dabadeena weerarkan Xamar baa yimi culays badan bay meelo badan ka saareen oo Talyaanigu ugu horeeyo oo ahaa hormuudka cadaadiska u weyn ee u adeegayey qolada Muqdisho, odaygaasi ma debcin shalayna markii uu tegay shirkii Africa lamuu gaban wuxuu yidhi Somaliland xaq bay u leedahay in la dhegaysto arrin innaga inoo taala.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka dareen celinayey hadalkii ka soo yeedhay maamulka xamar ee shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku riday u qaadan waaga ayaa yidhi “Walaalayaal weedha Xamar kasoo yeedhay laba qodob bay daaran tahay, waa laba godobood, godobi waa iyaga oo magan u ah Ciidan shisheeye ayaa waxay maageen dawladd ilaa 1958-kii xor ahayd, dhaqaalaheedu 8% kordho oo dadkeedu dhawr iyo toban milyan yahay oo horumarka u weyn samaynaysa ayey maageen oo ku yidhaahdeen sidee gurigaaga Somaliland ugu casuuntaa taasi waa godob ay ka galeen Guinea Conakry, iyagaana iska celiyey.

Godobta labaad waa Somaliland, Somaliland markay leeyihiin maxaad u casuuntay? Somaliland ma geydo maamuuska intaa leeg in lagu soo dhaweeyo maahe iyo dad milgahaa leh maahee maxaad maamuuskaa u siiseen? Waxaan la yaabanahay ragga xukuumadda ka tirsan ee sidaa ku tashaday marka hore godobta intaa leeg waxa ku kelifaya, qaranka intaa leegi uma qalmo maamuuska, godobta intaa leeg waxay ugu badheedheen waa lays waydiinaya, waa ragg soo wada joogay 30-kii sanno ee u danbeeyey wixii ka dhacay dalka, waa ta labaad ee Somaliland wixii loo geystayna dad xogagaal u ahna way yihiin dhammaantood garan maayo iyagoo taa hore qabay waxay tanna ugu dareen, waa ta saddexaad ee Somaliland taariikhdeeda way yaqaaniin oo meel walba waa ku qorantahay oo way ka warhayaan, wixii la odhan jiray Soomaaliyadii hore ee berigaa aynu ka midka ahayn inta taariikh lagu faano miisaankeeda Somaliland ba lahayd, waa kow ma jirin dal kale oo African ah oo ku yidhi Isticmaarkii u yimi ee Saanta caddaa Baddaanu wax kugula saxeexanaynaa ee dhulka waxba kugula saxeexan mayno, ma jiro dalka Afircan ah oo ku yidhi gabadhaadu ilmahay caloosha ku sido kuma dhali karto dalkayaga ee nagala tag, dalka kale oo yidhi ma jiro markaanu doono xoriyadaada waad helaysaa annaga nama gumaysanaysid ee heshiis baynu ku nahay inaad nala joogto, waa saddex qodob oo Somaliland u gaara markii Isticmaarku qarnigii 18aad Africa soo gelaayey, inalama wadaagto qoladaa koonfureed, takale ee ugu faan weyn ee adduunka oo dhamina ka war hayaa waa halgankii Daraawiishta Somaliland buu ahaa oo Taleex waa Somaliland oo ciidankii dagaalamay Somaliland buu ahaa, waa tii Africa ugu horaysay ee diyaarado loo soo kaxaysto.

Waa ta afraad markii Soomaaliyi gobannimo haloosiyeysay dad iyagoo Siyaasiyiin, Salaadiintoodii iyo Madax-dhaqameedyadoodii oo Soomaali oo dhan ah kaxeeyey oo dawladda Ingiriiska iyo boqortooyada hor fadhiistay oo wax ka saxeexday innagaa jirna, guddidii suldaanada iyo odayaasha oo uu ka mid ahaa Suldaan Cabdilaahi Cabdiraxmaan iyo suldaan Biixi Foolay oo maanta kamida Kililka Shanaad, dee Somaliland bay ahaayeen ee Koonfuri may lahayn, markii Soomaliyi is qoonsatay ee qarannimadii lagu heshiiyey laysku diiday ee laysku maandhaafay wixii ka dhacayna hadyad iyo ciyaar nagumay siin lafa rag iyo dhiig baanu ku dhisnay tan oo aanu kaga qaadnay, rag maanta loo soo hanjabo maanu ahayn, waxaan garan waayey halka ay wax ka eegeen nimankaasi, qodobkay ku hindiseen Somaliland ma geydo milgahaasi maxaa loo maamuusay annagoo ay taariikhyada sidaa u garanayaan oo tii u danbaysayna wixii ka dhacay ay ogaayeen siday eraygaa u heleen? waad tidhi oo kaftan bay kaa tahay run bay kula noqon, yey kula qadhaadhaan ninka yidhiyow, Somaliland taa looma quudho waan ka dagaalamaynaa arrin baanu kaga dagaalamaynaa, aff baanu kaga dagaalamaynaa, qalin baanu kaga dagaalamaynaa haddii loo baahdana cududaanu kaga dagaalamaynaa oo aanu hubno inaanu kaga adkaanayno.

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaya cududa Somaliland iyo horumarkay ku talaabsatay waxa uu yidhi “Maanta Somaliland loo biqi maayo, Soomaali soo haweysanaysaa shanta midna ma jirto Somaliland sabab? waxay ahayd Somaliland tii magaaloyinkeeda laga burburiyey saddex boqol oo kun (300,000) oo guri oo laba boqol oo kun (200.000) oo guri Hargeysa yihiin ayaa Madaafiic iyo Diyaarado lagu garaacay oo la dhameeyey oo meydkii iyo lafihii oo ku dhex jira loogu soo noqday markaasay dib u dhisatay iyadu iyado aan cidina caawin, dadkii ay cadaawada dhex dhigeen ee Somaliland ee qolo qolada dawladii dhagar qabihii Afweyne ay samaysaysana iyadoo aan cidi usoo gurman bay ka heshiiyeen ay qolo waliba meesheedii ugu tagtay oo ay qaran ku dhisteen oo aan maanta cidi hawaysan Karin.

Dhalinyaroow hadday awowyaashiin badda wax ku saxeexeen hadday awoowyaashiin Ingiriis oo dhulka ugu xoog weynaa diyaarado u miciinsanayaa ka adkaadeen, hadday awoowyaashiin tii lays laayey kasoo dhiciyeen laydinka biqi maayo maanta idinka, ragga sugayaa waa dhalinyaro aabayaashood iyo awowyaashood halkan kaa soo galeen, waa ragg iyo hablo aan Somaliland iyo mooyee cid kale aqoon, waa rag naftooda u huraaya waan ku imaan qabaa inaan lay hawaysanayn, 22-Jaamacadood baan leeyahay ragga kasoo baxay qalin iyo aqoon bay ku dagaalamayaan, hablaha kasoo baxayna way ku dagaalamayaan, sidaad eraygaa ii tidhaahda maanta ninka koonfur joogow? Waxaan la yaabanahay isagoo yidhi mahayo cid wali tidhi wuu khaldan yahay mid iyo laba mooyaane taasaa la yaab leh, Garoowe, ma odhan Kismaanyo ma odhan, Baydhaba ma odhan, Beledweyne ma odhan, Muqdisho ma odhan, saw uma eekaanayso arrinta waa laysku raacsan yahay, ma wax laysu quudhaa midnimada la daydayaa ma taasay ku imanaysaa, waynu is dilnay dhiigeena isu daatay xinjiraa isu bururay wixii la ogaa baa dhacay, waxa ka horaysa marka la midoobayo horta xabbada aan joogino waxaa ku xiga labada is dila mid waliba gaarkiisuu usoo shiraa oo nabaduu soo qaataa oo qoriguu soo dhigaa, waxaa ku xigta labadooda oo isu yimaada oo yidhaahda aan heshiino, maxaynu ku heshiinaa, hadday heshiinayaan iyo kala tegayaan iyo haday muddo kala bugsanayaan wax bay is waydiiyaan, ma maanta oo ay wixii dhaceen eraygaa yidhaahdeen?“Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal”.

Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay safarkii Gini iyo waxay kala kulmeem waxaanu yidhi “Dawladdii aanu u tagnay si weyn bay noo soo dhaweysay, waxaanay gudoonsatay inay qaddiyadeena keento AU, Madaxweyne Alphana waa ka garaabay hiilna waa ku haystaa Afrikada galbeed waxay doonaysaa arrintaa inay gudagasho, ninka arrintaa galay Diinta islaam uun baa na kulmisa iyo diirkaa madow, isku af ma nihin Faransiis bay ku hadlaan, Ingiriisi baynu ku hadalnaa, isma gaadhno isma dhex galno kaynu dhiig iyo dhaqan, toll, seedi, xidid ahayna waxaas buu inoo quudhay bal kawrama labadaa caqli.
Waxaan kusoo gebagebaynayaa Somaliland guul iyo horumar baan u rajaynayaa loo baqan maayo fadhiga uga kici mayno dameer ciyey inoogama duwana cidiisu, cududna inagu muquunin maayo waa ka itaal roonahay tallo iyo arrina waa kaga adagnahay”.
Dhammaad

111 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins