BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Maanta Oo Sabti ah Ka Soo Baxay Hargeysa

Wararkii u Dambeeyay Ee Soomaali Lagu Duqeeyay Xeebaha Dalka Yemen + Xuutiyiinta Iyo Isbahaysiga Sucuudiga Oo Isku Tuurtuuraya Masuuliyadda Wareerka

Hay’addaha Qaxoontiga Iyo Socdaalka Oo Walaac Ka Muujiyay Waxyeellada Loo Gaystay Soomaali Ka Sii Qaxaysay Dalkii Ay Waddankooda Uga Qaxeen

 Xudaydah(Warsugan) Ugu yaraan koow iyo soddon qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerar goor dambe oo Khamiistii ah ay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ahi ku qaaday doonni ay saarnaayeen. Warbaahinta qaar ayaa tirada dhimashada gaadhsiinaysa 42 hase ahaatee wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in 31 qof la xaqiijiyay.

Shilkan oo aanay jirin cid sheegatay waxa uu ka dhacay marin biyoodka Baab almandab meel u dhaw dekedda Xudaydiya oo ah meelaha Xuutiyiinta Iiraan taageerto ka taliyaan. Dadka Dhibaatadu gaadhay ayaa ka qaxayay dal ay markii hore ku tageen nabad gelyo raadin kadib mushkiladihii Soomaaliya ka dhacay, waxaanay magangelyo ka raadsanayeen dal saddexaad.

Maxamed Alcalay oo ka tirsan ilaalada xeebaha ee Xuutiyiinta ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in dadka dhintay ahaayeen qaxoonti sida sharciga qaxoontinimo ee hay’adda qaxoontiga adduunka ee UNHCR, islamarkaana iyagoo ka sii qaxaya Yemen una sii jeeda Suudaan uu qabsaday gantaal ay riday Diyaarad Helikobtar ah.

Shabia Mantoo oo ah haweenay afhayeen u ah hay’adda UNHCR ee Yemen ayaa xaqiijisay dhimashada dadka Soomaalida ah “ Waanu ka murugaysanahay shilka dhacay, waxaanu fahansanahay in Qaxoontigu saarna doon maraysay xeebaha Xudayda waxaana asiibtay natiijada ka dhalatay collaadaha jira,” ayay tidhi Shabiya oo intaasi raacisay in dadkaasi ka baxsanayay xaaladda amni darro ee sii xumaanaysa.

Ibraahim Cali Siyad oo ka mid ahaa dadka doontaasi ka badbaaday ayaa sheegay in ilaa sideetan qof la soo badbaadiyay kuwaasi oo la dawanayo.

Masuul u hadlay hay’adda socdaalka ee caalamiga ah (IOM) ayaa sheegay in dhimashadu ka badan karto 31 qof “Waxaanu helnay macluumaadka ah in diyaarad Helikobtor ah khasaare u gaysatay diyaarad ka tagaysay Yemen taas oo aanu rumaysanahay in ay Suudaan ku sii jeeday,” ayuu yidhi Joel Millman oo u hadlay IOM, waxaanu intaasi raaciyay in ay ka war qabaan in 80 qof oo badbaaday lagu dawaynayo Xudayda.

Janaraal Axmed al-Asseri oo u hadlay isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee duqaynta ka wada dalka Yemen ayaa sheegay in aanay jirin wax hawl gallo ah oo ay aagga Xudayda ka fuliyeen Khamiistii “Xudayda waxa gacanta ku haya Xuutiyiinta, waxaanay ka wadaan ka ganacsiga dadka, tahriibinta hubka iyo weerarada ay kaga soo horjeedaan marinka isgaadhsiinta ee badda cas,” ayuu yidhi Janaraal Axmed.

Marinka Baab Almendab waa marin biyood muhiim ah oo ku yaalla Badda Cas, kaas oo ay maalin kasta maraan maraakiib sida Saliid gaadhaysa afar Milyan oo Barmiil. Waxa shidaalkaasi la geeya Yurub, Maraykanka iyo meelo ka mid ah qaarada Aasiya.

Goobta shilkani ka dhacay waxaa maamula fallaagada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira dawladda yemen, kuwaasi oo ilaa 2014-kii oo dawladda dalkaasi burburtay gacanta ku hayay qaybo dalka ka mid ah. xuutiyiinta ayaa weerarkan ku eedaynaya Sucuudiga, halka Sucuudigu isaga riixayo dhinaca Xuutiyiinta, ilaa haddana ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya cida leh masuuliyadda weerar lagu gumaaday dad aan waxba galabsan oo qaxoonti ah.

Guddoomiyaha Diwaanka Sekada Oo Sharraxay Halista Ribada, Golaha Wakiilladana Uga Digay Ansixinta Xeerka Bangiyada

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha hay’adda Diwaanka Sakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax, ayaa sharraxaad ka bixiyay dhibaatooyinka laga dhaxlo cunista Ribada, waxaanu ka digay in Golaha Wakiilladu ansixiyaan xeerka bangiyada ganacsiga oo ogolaanaya dulsaar(Ribo), kaasi oo hadda ku jira ajandaha kalfadhigan ee golaha.

Sheekha oo shalay khudbadii Jimcaha ku soo qaatay halista ku duugan cunista Ribada ayaa bulshada uga digay in la xalaalaysto cunista Ribada, isagoo sheegay in cunista ribada ay ka fududahay ninka oo Hooyadii guursada  “Xadiiskii Nabigu wuxuu ku yidhi CSW  ‘Dirham kaliya’ milyan lama odhan oo shan boqol kun lama odhan 20% ee Dirham ribo ah oo qofku cuno isagoo og buu yidhi Nabigu CSW waxay ka dambi badan tahay in qofku sinaysto 36 jeer qofku in uu sinaysto ayay ka dambi badan tahay. Dadka boqolka kun qaadanaya ee kontonka kun qaadanaya, labada boqol ee kun iyo Milyanka qaadanaya bal ka warama? Haddii halkii Dirham ama hal doolar ka dambi badan yahay 36 jeer oo sino ah,” ayuu yidhi sheekh Siciid.

Sheekh Siciid ayaa intaasi ku daray in dalliilo badan ku soo arooreen xumaha ku duugan cunista Ribada kuwaasi oo ay ka mid yihiin dadkii la cadaabayay ee Nabiga CSW la tusay habeenkii la dheelmiyay “Nabiga CSW habeenkii la kaxeeyay meelihii la tusay waxa ka mid ahaa nin wabi dhiig ah ku dabaalanaya oo qarka kalena nin dhagaxaan urursaday taagan yahay, Xadiisku wuxuu sheegay in marka ninku u dabaasho xagga ninka dhagaxaanta sida uu afka kala qaadayo oo dhagax lagu tuurayo oo uu liqayo, waa cadaab badan oo aanu bani’aadamku xammili karayn, markii Nabiga CSW loo sharxayay meelihii uu soo maray waxa lagu yidhi ninkii wabiga dhiigga ah ku dabaalanayay wuxuu ahaa dadkii ribada cuni jiray,” ayuu yidhi Mudane Sheekh Siciid.

Sheekh Siciid ayaa sheegay in tusaale ribada loogu soo qaatay qof safar ah oo Alle baryaya laakiin, aan ducadiisa la ajiibin, sababtuna tahay xaaraan uu cunay “Haddaad xoolo xaaraan ah cunto waxaad ogaata in salaad iyo cibaado kala tagteen haddaad la timaaddana xadiis baa caddaynaya in aan lagaa aqbalayn ,” ayuu yidhi Sheekh Siciid.

Ugu dambeyn guddoomiyaha hay’adda Diwaanka Sakada Somaliland waxa uu uga digay Golaha Wakiillada in la ansixiyo xeerka Bangiyada “Ribada Illaahay baa walaalayaal inaga xaaraantinimeeyay, uma baahnin aqoon yahanno inoo xalaaleeya, uma baahnin dad aqoon u leh ganacsiga, wax kala iibsiga iyo baayacmushtariga oo digriiyo badan sita in ay inoo sheegan oo arrintan inagu qanciyaan,” ayuu yidhi Sheekha oo intaasi raaciyay in Ribadu ku caddahay shareecada islaamka, islamarkaana uu dastuurka Somaliland reebay isticmaalkeeda.

Kursigii U Sareeyay Ee Siyaasiyiinta Somaliland Ka Fallaagoobay Xukumadda Xamar Ku Lahaayeen Oo Laga Yaabo In Ay Ku Waayaan Xukumadda Cusub

 Muqdisho(Warsugan) Magacaabista golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hadheeyeen culaysyo ku saabsan saami qaybsiga beelaha iyo siyaasiyiin doonaya in loo magacaabo kuraasta. Loolankan waxaa ka mid ah kursiga Ra’isal wasaare kuxigeenka oo ay lahaayeen siyaasiyiinta Somaliland ee u maxaabsi tagay Xamar oo la filayo in ay waayaan maaddaama ay hayaan kursiga aqalka sare ee baarlamaanka.

Idaacadda VOA-da oo u kuur gashay loolanka loogu jiro kuraasta Wasiirrada ayaa ogaatay in codsiyada wasiirnimo dhaaftay kun arji haddana ay noqotay in la joojiyo aqbalaada araajida doonaya xilalka. Waxaa la rumaysan yahay in madaxda Soomaaliya marto dariiqa 4.5 ee wax loogu qaybiyo beelaha Soomaaliya, inkasta oo dadka qaar ku doodayaan in wasiirrada lagu xusho kartidooda iyo aqoontooda.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku doodaya in siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda waayi karaan kursiga Ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya “Aqalka sare wuxuu ku soo kordhay awoodihii dalka, tusaale ahaan guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, kuxigeenka labaad saddexdaas xubnood waxay noqdeen awood ku soo korodhay awoodihii jiray, markaa waa suuro gal in isbedel yimaaddo, beelaha Waqooyiga awal Ra’isal wasaare kuxigeen baa la siin jiray maaddaama ay guddoomiyaha Baarlamaanka hayaan,” ayuu yidhi Mr Jeesow.

Hase ahaatee Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil oo xilal ka soo qabtay xukumaddihii Soomaaliya ayaa ku doodaya in aanu aqalka sare macno ku fadhiyin “Kuma waayi karaan aqal sare ayay hayaan, sababtoo ah aqalka sare wax macno ah oo uu xagga siyaasadda ku leeyahay ma jirto, waa danaha gobollada in ay ilaaliyaan siyaasad shaqo kuma laha, sidaas darteed golihii siyaasadda looguma nisbayn karo aqal sare ayaad guddoomiye ka noqoteen,” ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa saami qaybsigeedu ku salaysna Madaxweynaha, Ra’isal wasaaraha, kuxigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Waxaa tan iyo doorashadii baarlamaanka Soomaaliya isa soo taraysay cabashada siyaasiyiinta Somaliland ka fallaagoobay oo sheegaya in kuraastooda lagu cidhiidhyay islamarkaana aanay waxba ka ahayn goobaha lagu gaadho go’aannada siyaasiga ah ama lagaga tiro badan yahay goleyaashii go’aamminayay saami qaybsiga.

 

“Waa Qeylo Dhaan Tilmaamaysa In Abaartii Laba Laxaadsatay Oo Ay Laba Jibaarantay, Sida Aynu Ogsoonahay Lixdii Bilood Ee U Danbeeyey Abaarta Aynu Ku Jirnay Iyo La Tacaalisteeda” Sh Xasan Csalaan

Hargeysa(Warsugan)Sheekh Xasan Cabdisalaan oo kamida Gudida Abaaraha ee heer qaran ayaa sheegay in gudidu ay shir isugu timi islamarkaana laga dooday qodobo badan oo ay ugu horeeyaan sidii dadka tabaalaysan wax loo gaadhsiin lahaa sidoo kalena loo daryeeli lahaa nafaqaynta dadka caydhoobay, isagoo soo bandhigay qodobo shirkaasi kasoo baxay oo u dhignaa sidan.

“Waa qeylo dhaan tilmaamaysa in abaartii laba laxaadsatay oo ay laba jibaarantay oo sida aynu ogsoonahay Lixdii bilood ee u danbeeyey abaarta aynu ku jirnay iyo la tacaalisteeda, waxaa  maalin walba maalinta ka danbaysa kasii adkaanaysay biyihii baa sii yaraanayey baadkiibaa sii baa’ba’ayey dadkiibaa caafimaadkoodu sii jilcayey, sidaa darteed waxay u baahantay in habeenba habeenka ka danbeeya ka hortagisteeda iyo la tacaalisteeda la adkeeyo” taasi qodob weeye

“Qodobka Labaad ee meesha yaala waxaa weeye  bacdamaa aynu xiligii ugu adkayd soo gaadhnay abaarta ,muxuu noqonayaa doorka Xukuumadda iyo gudiyada markaa xukuumadda la shaqaynaya ee taakulaynta abaaraha markaa u xil saaran, Arrintaa markii muddo dheer falanqay dheer laga galay taladii waxay noqotay kow Marka ugu horaysa meel aynu joognaba  Ummadda Somaliland iyo ummadda islaamka ah ee kaleba inaan ku wacyigelino inay maanta abaartii halkii ugu darnayd ay marayso una baahanahay si aan gurmadkeenii hore iyo dedaalkeenii hore  noqon meel la’aan  hada laban laabno waa talada koobaad iyo go’aanka koobaad ee runtii shirarkaasi iyo faaladasi kasoo baxay ”

In biyaha oo ah baahida kood ee jirta  lacag hal malyuun oo doolar ah lagaga jawaabo oo ay dawladdu ku deeqayso in biyo dhaanka iyo ka hortaga biyo la’aanta loogu talo galo kolba siday baahidu noqoto, waxaynu beryahan aad u ogayn in Labaatan kun iyo shan boqol (20,500) oo qoys uu yaalo oo Laba iyo toban kun iyo shan boqol na (12,500) Jabuuti ka yimaadeen Sideed kun ku dhawaadna (8,000)  Itoobiya ka yimaadeen, waxaa la go’aan saday in raashinkaa la laban  laabo oo halkuu Labaatan kun iyo shan boqol (20500) ka ahaa laga dhigo Koob iyo Afartan kun oo qoys  (41000)oo qoys  oo waliba raashin qeybtiisa waliba laba qoys ku filnaan karta, in loo qeybiyo gobolada dhammaantood”

“Waxaa runtii aad loo faaleeyey dhinaca nafaqada iyo dhinaca caafimaadka iyo dhinaca daryeelka dadka caydhoobay hawshaa iyadana go’aamadeeda xaga danbe ayaa laga sheegi doonaa laakiin waxay noqdeen waxyaabihii runtii laga dooday iyagana aad looga hadlay waa arrimo iyagana badankooda meel laysla dhigay wixii yar ee ka dhimana waa laga hadli doonaa, guud ahaan arrimahaasi waxaa weeye arrimaha imika shirarkan u danbeeyey shanta habeen soconayey go’aamada lagaga gaadhay runtii aanu jecelnahay inaanu dadka gaadhsiino waxaan jecelahay inaan halkan ka sheego waxqabadka gudiga iyo Xukuumada oo wada jira ay qabteen ee qeybinta raashinka iyo biyaha ah

“ Horta ilaahay dartii baanu wax u qabanaynaa waajibka ina saaran baynu wax u qabanayna ummadeena aynaan cidna ku halayn baynu wax u qabanaynaa, laakiin waxaan jeclahay hadii in uun ay wax maqlayaan bal dhegahooda maqashiiyo dadka beenalayaasha ah ee been ku naaxa ah ee beenta jecel ee beenta ku shaqaysta bal wax qabadka jira ee gudidu ay leedahay, waxaan idiin cadaynayaa anigu Laba boqol oo kun oo qoys in ku dhaw (200.000) oo raashina marka lagu daro inta imika la qeybin doono laga soo bilaabo bishii Oktoobar ilaa maanta inta qeybsami doonta koob iyo afartanka (41,000) qoys markaan ka reebo waxa qeybsamay wax ku dhaw Boqol iyo lixdan kun  (160.000) oo qoyska ugu yar 75k la gaadhsiiyey , Xaga biyaha waxaan idiin sheegayaa Sagaal kun oo Booyadood Saddex kun iyo shanboqol (3,500) oo booydood horaan u qeybinay Laba kun (2,000) oo booyadoodna Telesom baa bixisay Kun iyo shanboqol (1,500) oo booyadoodna waa inta aanu bishan qeybin doono , waxaa markaa hadhsan bajadka ay dawladdu ugu talo gashay biyo dhaanka in badan oo kamidaa banaanka runtii yaala Sagaal kun (9,000) oo booyadood oo booyadiiba ay ku qiimaysan tahay Ilaa ($200)  baa biyaha ku talo galka waxa baxay iyo waxa bixi doonaba runtii iyaguna weeyaan, ilaa hada deeqda la qeybiyey Toban malyuun waa ku dhawanaysa hadaad cadceeda gacanta u dhigaysaan idinkay idiin taalaa” ayuu ku so xidhay sheekhu khudbad uu u jeediyey saxaafadda habeenimadii Khamiista.

isku soo wada duuboo xaalada abaarta ayaa wakhtigii ugu adkaa maxa la gashay guddida iyo xukuumaduna waxay u suxulo duuban yihiin sidii ay gargaar uga geysan lahaayeen xaaladaasi qalafsan ee soo foodsaartay maatida iyo duunyadii oo iyagu imika u muuqata inay meesha ka baxdayba laguna talojiro sidii dadka loo badbaadin lahaa.

 

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

 

Nairobi (Warsugan)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID.

Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nairobi, ayaa dublumaasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka, Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan.

Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay’adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.

Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato.

Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu.

Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka dalka Kenya Mr. Justin Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda mudanayaasha aqalkaasi Md. Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida loo sii xoojin karo.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

 

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

 

 

Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo Hawlo Shaqo U Jooga Ingiriiska Ayaa Ka War Bixiyey Kulamo Uu La Qaatay Maayaradda Bristol, Shafill Iyo Madaxa Dabdamista Bristol

Bristol(Warsugan)Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu uu ku joogo dalka Ingiriiska, isagoo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Magaalooyinka Bristol, Shafill iyo saraakiisha sarsare ee dabdamiska Bristol iyo nawaaxigeeda.

waxaanu yidhi maayar ku xigeenku mar uu u waramayey qaybo ka mida warbaahinta “waxaanu ka soo baxnay shir mihiima oo aanu wada yeelanay lord mayor of Bristol Jeff Lovell and elected Mayor of Bristol Marvin Rees. waxaanu ka wada hadalnay arrimo muhiima oo ay ugu horayso sidii aanu isaga kaashan lahayn una mataanayn lahayn magaalooyinka Hargeysa iyo Bristol oo aan hubo in aanu ka faa’iidaysan doono dhawaan.

mar wax laga waydiiyey safarkiisa shaqo iyo ujeedka uu halkan u yimid waxa uu yidhi “Waxan halkan u joogaa waa shaqo, waxanan xooga saarayaa in aan xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee aanu hore u dhisnay oo aan anigaygani hore u xidhiidhiyey ilaa hadana aan furmin marba marka sii danbaysana sii xoogaysanaya, waxanan hadadan aan kula hadlayo la kulmay sadexdii lord mayor ee soo maray shafil intii aan ku sugnaa Shafil ama aan imid dalka UK oo mid ka mid ahi uu Somaliland icitiraafay isagoo hogaaminaya golihiisi deegaanka ee wakhtigaasi, lord mayorka imikana waxa aanu ku casuunay Somaliland gaar ahaan caasimada Hargaysa isha Allaahu iyadoo xidhiidhka shafil iyo hargaysa noqday mid sii siyadaya ka dib siday Somaliland u ictirafeenba.

Sidoo kale waxa laygu casuumay oon bookhasho ku tegay xarunta dabdamiska   magaalada Bristol iyo agagaarkeeda oo uu xukumo Jeff (Kevin Pearson) oo aanu kala hadanlay in ay xidhiidh dhaw la sameyaan Somaliland lana mataanobaan dabdamiska Caasimada Hargaysa, saraakiisha dab damiska Bristolna ay yimadaan hargeysa si ay wax uga korodhiyaan una helaan khibrad dheeraad ah iyagoo jooga dalkooda, qalab badana way gudoonsin doonan markay dalkii tagaan saraakil uu wato taliyaha dab damiska Bristol gashanle sare jeff (Kevin Pearson) oo iman doona hargaysa waxbadana ay la qabandoonaan dabdamiska Hargeysa, waayo waxay muda shan iyo labatan sano ah caawinayeen Gambia oo ay xidhiidh lahayeen laakin ay ka dhamatay imika, siday noo sheegeen wixii ka danbeeyana waxay noo balan qaadeen inay xidhiidh rasmi ah la samayn doonaan Somaliland lana mataanoobi doonan isha Allahu. taasina waxay guul u tahay guud ahaan somaliland.

Ugu danbayn waxa uu warbaahin madaxa banaan oo ay ka mid ahaayeen ITV siiyey waraysi gaara oo la xidhiidha abaaraha baahsan ee ka jira dalka Somaliland waxaanu fariin dhiirigelin iyo gubaabo ah u diray beesha caalamku inay gargaar la soo gaadho shacbiga abaartu riiqday ee ku sugan gobolada Somaliland qaar ka mida.

 

Xaflad Ballaadhan Oo Lagu Soo Khatimay Tafsiirkii Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Ka Akhriyi Jiray Masaajidka Weyn Ee Jigjiga Yar Iyo Weedhihii Wasiirrada Iyo Culimada  

 

“Anigu Waxaan Ka Mid Ahaa Ardaydii Tafsiirka Ku Taxnayd Ee Aadka Uga Faa’iidaysatay Waxaanan Sh. Maxamed Ka Codsanaynaa In Naloogu Celiyo”…Wasiirka Dibu Dejinta   

 

Hargeysa(Warsugan)Xafladda xidhitaanka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo Muddoba Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ka waday  Masaajidka weyn ee Cumar Cismaan ee Xaafadda Jigjiga Yar ee Magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Masaajidkaasi iyada oo ay Xafladdaasi Khitaamka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ee Sheekh Maxamed Ismaaciil ka soo qayb galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Ganacsato iyo aqoonyahanno caan ahi ayaa waxa laga jeediyey khudbado kala duwan oo si weyn loogu duceeyey looguna Mahad naqay Sheekha Tafsiirka ku khatimay Masaajidkaasi ee ay in badan oo Bulshada reer Hargeysa ahi ku taxnaayeen ka faa’idiaysteen iyada oo Wasiir ka mid ah dadkii xafladda ka hadlay oo sheegay in uu ka mid ahaa ardaydii ku xidhnayd Tafsiirku ka codsaday sheekh Maxamed in tafsiirkaasi oo sannadaha badan soo waday ugu celiyo ardayda ka faa’iidaysanaysay iyo mujtamaca kale ee ku soo xidhmi doonaba.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland oo isagu ahaa sheekha tafsiirkaasi umadda barayay ayaa sheegay in uu dhawr sano oo Tafsiirkani ka soo socday Masaajidka Cumar Cismaan lasoo gabagabeeyey oo uu Ilaahay ugu mahad naqayo u suurto galiyey in Kitaabkiisa Kariimka ah ay soo khatimaan isaga oo cid walba oo mudadii tafsiirku socday ka faa’iidaysatay ugu duceeyey in Ilaahay u fududeeyo barashada Qur’aankiisa Kariimka ah isaga oo ugu baaqay in aanay halkaasi kaga sii hadhine ay sii laban laabaan dadaalka ay ku daraasaynayaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka mid ahaa culimadii xafladda khatinka qur’aanka kariimka ah ka soo qayb gashay ayaa sheekha ugu duceeyey in uu Ilaahay miisaanka xasanaadkiisa ugu daro khayrkaasi uu umaddiisa barayay. Sheekh Khaliil oo xafladda ka hadlayay waxa uu yidhi: “Inta Qoraanku kuu jiro ayaa Ilaahayna addoonkiisa u jiraa. Dhammaanteen waxa la innooga baahan yahay in aan ku dadaalno in aan la noolaano oo aan waynayno qur’aanka kariimka ah. Inta uu qur’aanku kuu jiro ayaa Ilaahayna SWT kuu jiraa. Waxaanan Ilaahay waydiisanaynaa in Ilaahay abaarta innaga soo jabiyo qur’aanka baraladiisa innagaga soo jabiyo oo innoogu naxariisto ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Dhinaca Kale Wasiirka Dib  U Dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo ka mid ahaa ardaydii ka faa’iidaysatay tafsiirka Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil ka waday Masaajidka Jigjiga Yare e la soo gunaanaday ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ka mid ahaa ardaydii tafsiirka ka faa’iidaysatay eek u taxnayad. Sheekha Ilaahay haka abaal mariyee aadbaan ugu mahad naqaynaa waxaanan ugu ducaynaynaa in Ilaahay dambigiisa dhaafo jannooyinkiisanka ku maamuuso abaal weyn ayuu umadda ku leeyahay. Waxaan anigu ka dhignaa sidii nin weyn oo Miyi laga keenay oo wax macaan magaalo ku dhadhamiyey. Sidaasi ayaan ka dhignaa oo anigu markii aan tafsiirka ku soo taxmay ee aan dhadhansaday ee aan ka faa’iidaystay ayaa la igu yidhi tafsiirkii waa gabogabo. Intaasoo sano ayaa la soo waday talaa igu caddaatay. Waa sidii arday dugsigii galay oo markii uu cilmiga dhadhamiyey lagu yidhi dugsigii waa xidhan yahay. Kadib ardaydii ayaan waraystay intii tafsiirka ku xidhanayd. Waxaan dareemay ardaydii afar sanaba ha fadhiyeene in ay doonayaan in wali shiikhu halkii ka sii wado. Kelmaddaasaa ii dhibicday. Ardaydii waxaan ku idhi waar sheekha aan ka codsanno in la innoogu soo celiyo. Ardaydii waxa ay yidhaahdeen sheekha waannu ka xishoonaynaa intaasoo goor baannu nidhi noogu soo celi”.

Culimadii, Wasiirradii, Ganacsatadii iyo Aqoonyahankii kale ee ka hadlay xafladda ayaa dhammaantood Sheekh Maxamed ugu duceeyey in Ilaahay ka abaal mariyo khayrkaasi uu umaddiisa barayay iyaga oo isku dardaaray dadkana ku dardaaray in ay qur’aanka kariimka ah weyneeyaan, bartaan oo ku camal falaan.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan ayaa ka mid ah culimada waaweyn ee sannadaha badan umadda soo barayay Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah isaga oo illaa yaraantiisii umadda khayrka soo barayay dad aad u tiro badanina ka faa’iidaysteen mudadii dheerayd ee sheekhu dacwadda ku soo guda jiray.

 

Xildhibaan Bidhi oo Markii Saddexaad Mushaharkiisa Ugu Deeqay Dadka Abaaraysan ee Togdheer

By Saciid Cagjar

 

Burco (Dawan)- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)   oo ka tirsan Golaha Degaanka ee degmadda Burco, ayaa mushaharkiisii markii  saddexaad ugu daaqay dadka jilicsan ee abaartu tabaaleysay, waxaanu  deeq biyo  ah u kala diray shan  tuullo oo hoos yimaada  gobolka Togdheer.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi, ayaa ka hadlay degaannada la gaadhsiinayo biyaha iyo sababta uu mushaharkiisa  uu ugu deeqay dadka abaaraysan waxaannu yidhi; “Maanta (shalay) shan tuullo oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaanu gurmad biyo ah  diraynaa oo illaa lix booyadood ah, deegaannadan  oo kala ah Bali-calanle, Heere, Balli-rooble, Jaamac Liibaan iyo Jaamac Qabar. Biyahani meel kale kamay iman waa mushaharkaygii, runtii magac ka dooni maayo, waana markii saddexaad ee aan mushaharkayga ugu deeqo dadka abaareysan.waxaan dadka tusaynaa in aan la dareen ahay dadkii i doortay.”

Xildhibaanku waxa uu ka deyriyay xaaladda abaarta kulul ee ka jirta gobollada bari oo uu tilmaamay inay jirtay lix bilood oo dhan. “Lix bilood ayey abaartu gashay, waxaanay maraysaa halkii ugu xumayd Ilaahay  ayaynu ka baryaynaa inuu abaarta innaga dul  qaado. Waxa loo baahan yahay in la isku naxariisto,”ayuu yidhi Mubaarig Bidhi.

Mubaarig Yuusuf Cilmi, waxa uu intaas ku daray in xukuumadda iyo Guddida gurmadka abaaraha qarankuba ay wax badan qabteen intii itaalkooda ahayd, waxaanu soo jeediyay in bulshadu  u midowdo sidii loo taakulayn lahaa dadka abaaruhu caydheeyeen.

“Xildhibaanka gartay mushaharkiisii  inuu lix tuulo ugu deeqo waanu ka guddoonay haddaanu cuqaasha nahay xildhibaan halkii aad tidhi gaadhsiiyana waan gaadhsiinaynaa,” ayuu yidhi mid ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer ee deeqdaas biyaha ah ka guddoomay Xildhibaan Mubaarig Bidhi.

 

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Bookhasho Heer Sare Ah Ku Jooga Dalka Itoobiya

Addis Ababa(Warsugan) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bookhasho heer sare ah ku jooga dalka Itoobiya, taasi oo lagu macneeyay waa cusub oo loo furayo xidhiidhka horeba u fiicna ee Itoobiya iyo Jabuuti u dhexeeyay. Mudane Ismaaciil oo galinkii dambe ee Khamiista gaadhay Addis waxa madaarka ku soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, wasiirka arrimaha dibada Dr. Workneh Gebeyehu iyo daraasiin saraakiisha sarsare ee dawladda Itoobiya ah, isagoo salaan ka qaatay ciidamad Militariga, sidoo kalena lagu soo dhaweeyay heeso dhaqameed.

Madaxweynaha Jabuuti waxa wehelinayay Wasiirkiisa arrimaha dibada Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda Iliyaas Muuse Dawaale, Wasiirka arrimaha gudaha Xasan Cumar Maxamed iyo wasiirka garsoorka mudane Axmed Muumin Sheekh, waxaanu khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, taas oo uu kaga hadlay xidhiidhka wanaagsan iyo qorsheyaasha horumarinta ee Itoobiya ka dhexeeya.

Sidoo kale Jimcihii ayay kulan gaar ah wada qaateen Ra’isal wasaare Hailemariam iyo Madaxweyne Geelle, waxaanay wada saxeexdeen heshiisyo iskaashi oo ay ka mid yihiin iskaashiga isu celinta dadka dambiyada gala, iskaashiga shuruucda dambiyada, tababarro ku saabsan dhinaca sharciga iyo iskaashiga ganacsiga.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa Madaxweyne Geelle uga mahadceliyay aqbalaada marti qaadka uu u fidiyay“Labada dal waxay leeyihiin xidhiidh dabeecad ahaan iyo taariikh ahaanba aan la kala saari Karin, Dadka Itoobiya iyo Jabuuti waxay si guud u wadaagaan Juquraafi ahaan, taariikh ahaan, luuqadaha, dhaqanka, hab nololeedka iyo qiyamka bulshada,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay in sidoo kale la balaadhiyay iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda, isdhexgalka bulshada, isu socodka,islamarkaana ay abuurayaan xidhiidh ku dayasho mudan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna ammaanay xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Itoobiya, waxaanu sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaalka Itoobiya ku doonayso kor u qaadista xidhiidhkooda  “Waxaanu ku faraxsanahay xidhiidhkan cajiibka ah ee iskaashi ee aanu la leenahay walaalahayaga Itoobiya,” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa Ismaaciil Cumar Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle ayay bookhashadiisa saddexda cisho ah ku astaysnayd khudbada Baarlamaanka, kulanka Ra’isal wasaaraha iyo bookhashada Warshado wax soo saar iyo mashaariic horumarineed oo dawladda Itoobiya Hirgelisay hase ahaatee lama oga waxa xilligan ku soo beegay bookhashadan dhoollatuska u muuqata ee labada dal. Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Soomaaliya uu qabsaday Madaxweyne la rumaysan yahay in aanu fiicnayn xidhiidhkiisa Itoobiya taa bedelkeedana uu dhinaca Kenya u jajaban yahay.

 

Sirdoonka Britain Oo Beeniyey Inay Basaaseen Madaxweyne

Trump

Hay’adda sirdoonka Britain ee GCHQ ayaa ku tilmaantay wax lagu qoslo  eedaymaha sheegaya in madaxweyne Obama uu ka dalbaday inay basaasto Donald Trump intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxtinnimada Mareykanka.

Eedaymahani waxaa Khamiistii sheegay afhayeenka madaxweyne Trump, Sean Spicer oo soo xiganayo warar lagu baahiyay talefishin laga leehay Mareykanka Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay ku dooday in Obama uu amray in la dhageysato tilifoonadiisa.

Guddiga sirdoonka u qabailsan aqalka Senetka Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax raadad ah oo muujinaya in dawladda Maraykanku ay basaasaysay dhismaha Trump Tower ka hor amaba ka dib doorashadii Maraykanka.

Guddi ka socda Senetka oo diiday sheegashada in Trump la basaasay

Seneter Richard Burr oo ah gudoomiyaha guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray meesha kaga saaray sheegashada ah in si qarsoodi ah loola socday taleefannada Donald Trump.

Balse madaxweyne Trump ayaa wali ku adkaysanaya sheegashadiisa inkastoo uusan la imaanin caddeymo Sirdoonka Britain ay sheegeen inaanay basaasin  Trump.

 

Duqayn Loo Gaystay Masaajid Suuriya Ku Yaalla Oo Galaaftay Nolosha 42-Ruux

Afartan iyo labo ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii duqayn dhanka cirka ah lagu qaaday masaajid ku yaalla tuulo ay mucaaradku maamulaan oo ku taalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay al-Jineh oo ka tirsan gobolka Xalab Kooxdan la socota xaaladda oo fadhigoodu yahay UK oo wararka ka hela dad ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in masaajidka la weeraray ay ka buuxeen dad tukanayay salaadda Cishaha.

Kooxdani waxay sheegtay in dadka la dilay badan koodu ay ahaayeen shacab Tuuladan ayaa ku taalla mid ka mid ah deegaannada ugu waawayn ee ay mucaaradku Suuriya haystaan.

Ma cadda cidda sida rasmiga ah uga dambaysay weerarkan, laakiin diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Suuriya ayaa gobolkaas duulimaadyo ka sameeya.

Maraykanka ayaa sidoo kale duqaymo xagga cirka ah u gaysta dadka jihaad doonka ah ee deegaanadaas ku nool.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii 31 ruux lagu dilay weerar qarax ah oo lagu bartilmaameedsaday dhismaha maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Bamka Dimishiq lagu weeraray ayaa ku soo aaday lix sano guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii lagaga soo horjeeday madaxweyne Bashar al-Asad

Intaas wixii ka dambeeyayna waxaa dagaalada ku dhintay 320,000 oo qof, waxaana ku baro kacay 11 milyan, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa.

 

Haweenayda Hogaamisa Jarmalka oo Trump kula kulmaysa Washington

Hogaamiyaha dalka Jermalka Angela Merkel ayaa kulan Washington kula yeelan doonta madaxweyne Donald Trump, waxyaabaha u waawayn ee ay ka wada hadli doonaanna waxaa ka mid ah hindisaha ganacsi ee Yurub iyo Maraykanka ee transatlantic trade loo yaqaano iyo gaashaan buurta Nato.

Trump ayaa Jermalka ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan difaaca wuxuuna ugu goodiyay in Maraykanku uu kharashaadka ku kordhin doono shirkadahooda gawaaadhida sameeya.

Merkel waxaa kulankaas ku wehelin doona madaxda sarsare ee shirkadaha Jermalka ee kala ah Siemens, Schaeffer iyo shirkadda gawaadhida ku caan baxday ee BMW. Booqashadeeda waxaa la sii qorsheeyay in ay dhacdo Salaadadii laakiin waxaa loo baajiyay baraf dabaylo watay.

Kulanka Jimcaha ka hor Merkel waxay wargeys Jermalka ka soo baxa u sheegtay in ay danaynayso kulanka koobaad ee ay la yeelanayso madaxweyne Trump.
Yuhuuda  Oo Beenisay In Suuriya Soo Riday  Diyaarad Ay Leeyihiin

Syria ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel, islamarkaana ay gantaal ku dhufatay mid kale Israel, ayaa sheegtay in dhammaan diyaaradaheeda ay si nabdoon usoo noqdeen, kadib markii ay duqeymo ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla dalka Syria, subaxnimadii Jimcaha.

Israel ma aysan sheegin waxa ay ahaayeen bartilmaameedyada, hase yeeshee Syria ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay weerareen bartilmaameedyo milatari, meel ku dhow magaalada Palmyra, tallaabadaas oo Syria ay ku qeexday daandaansi lagu caawinayo kooxda Daacish. iyada oo ay tahay wax aan looga baran, ayaa ciidamada difaaca Israel ee IDF waxay soo saareen bayaan ay ku qirteen howlgalka.

“Xalay, diyaaradaha dagaalka Israel waxay beegsadeen dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Syria” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Uk Boris Johnson Oo Booqanaya Dalka Kenya

Xoghayaha arrimaha dibedda ee UK, Boris Johnson, ayaa maanta booqan doona waqooyiga Kenya, halkaasi oo ay maalmahan ka taagneyd xiisad ka dhalatay dhul boob.

Nin British ah oo lagu magacaabo Tristan Voorspuy ayaa horraantii bishan lagu dilay deegaanka Laikipia, asagoo markaasi indha indhaynayay guryo laga gubay.

Milkiilayaasha seeraha ee deegaanka Laikipia ayaa dalbanaya in wax laga qabto ammaanka, xilli ay dad xoolo dhaqata ah xoog ku haystaan qeybo ka mid ah seerahaasi.

Abaar ba’an ayaa intii muddo ah ka jirtay deegaankaasi, waxaana siyaasiyiinta maxalliga ah lagu eedeeyay in ay xoolo dhaqatada hubaynayaan si ay lo’dooda ugu daaq geystaan seeraha.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee UK, Boris Johnson, ayaa deegaankaasi u tegi doona si uu u muujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta duurjoogta, iyo in uu booqdo xarun tababar oo uu deegaanka ku leeyahay milateriga Britain.

Mr Johnson ayaa sidoo kale ka hadli doona xiisadda ka taagan deegaankaasi, ayadoo bisha August ay Kenya ka dhici doonto doorasho guud.

Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa madaxweyne Kenyatta iyo dhiggiisa Amina Maxamed, ayadoo la filayo in uu kala hadlo xiriirka dhaqaale ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa, xilli ay Britain isu diyaarineyso in ay ka baxdo Midowga Yurub.

Sannadka 2070 ayaa la saadaalinayaa in Diinta Islaamku ay noqoto Diinta loogu haysashada badan yahay

586 total views, 1 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins