Akhri: Wararkii Wargeyska Warsugan Media Group ee Maanta oo Khamiis ah ka soo Baxay Hargeysa

0
380

 

Maxaa Hortaagan In Xukuumaddu Soo Xusho Saddex-da  Xubnood Ee Ka Mid Noqon Doonna Koomishanka Cusub Ee Doorashooyinka ?

 

Guddoomiyaha Guurtidda Oo Madaxweynaha U Gudbiyay Bedelka Xubintii Komishanka Ee Hore Loo Soo Celiyay

 

Hargeysa, 03 October (Warsugan)-Xisbiga Ucid ayaa laba todobaad ka hor soo magacaabay xubin ee uga mid noqon doonta guddida cusub ee koomishanka doorashooyinka. Kadib markii la go’aamiyay in la kala diro gudidii horre ee Komishanka doorashooyinka Qarranka.

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u magacaabay Xasan Yuusuf Ducaale inuu ka mid noqdo Gudidaasi, waxaannu Madaxweynaha u gudbiyay Xubintiisa.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa horre u magacaabay labadiisii xubnood oo kala ahaa Cabdiriaxmaan Ismaaciil Dixood iyo Foosi Maxamed Faarax. Hase-yeeshee Madaxweynaha Somaliland ayaa dib u soo celiyay Foosi  Maxamed Faarax, soo celinta Foosi Maxamed Faarax ayaa lagu sheegay inuu horre uga tirsannaan jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Guddoomiye Saleebaan ayaa markale magacaabay bedelka Foosi Maxamed Faarax, waxaannu u magacaabay Maxamuud Daahir Jaamac, waxaannu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland

Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa lagu wadda inuu maalmaha soo socdaa ku dhawaaqo xubinta u mateli doonta koomishanka cusub ee qarranka.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa wali soo xulin saddexda xubnood ee uga mid noqon doona Koomishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland oo dhawaan la filayo inuu Madaxweynuhu guddida cusub u gudbiyo Golaha Wakiiladda Somaliland.

 

 

Hadaba su’aasha meesha taala ayaa ah Ma Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ayaan isu-diyaarin saddexda xubnood ee komishanka cusub? Mise xukuumadda ayaa rejo ka qabta dib dhac markale ku yimaada qabsoomidda doorashooyinka deegaanka iyo Wakiiladda.

Dhinaca kale, heshiiska saddexadda xisbi baa soo afjarmay 27 July, waxaanna laga soo saaray warmurtiyeed u dhignaa siddan:

 

Heshiiska ay xisbiyadu saxeexeen waxa uu u dhignaa sidan;

Saddexda Xisbi Qaran waxay ku heshiiyeen Mooshin lagu kordhinayo in xubnihii Guddida Doorashada Qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedeel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kaas oo wax ka-bedel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Farqada 1aad – a) iyo Faqrada 2aad b) ka hor 8 August 2019.

Mooshinka waxa gudbinaaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.

 

 

Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka horaysa 1 September 2019.

Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub, kaddib doorashada.

 

 

 

-Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii -Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1 September 2019.

 

 

 

Hannaanka soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada  (Xeer Lr. 20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, Farqada 2aad.

 

 

Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka -Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.

 

 

Saddexda Xisbi Qaran waxay isku raaceen:

-In Guddida Doorashada ee hadda xilka haysaa ay diyaariyaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo in Guddida Doorashada ee cusubna ay qabtaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo doorashada.

In ay hawl-galaan guddiyadii Saddexda Xisbi Qaran ee magacawnaa, kana koobnaa 15-ka xubnood, si joogto ah oo wada jira uga hawl-galaan hawlaha qabsoomidda doorashada.

 

 

Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay

Inay Qabatay Hub Uga Soo Gudbay Somaliland

 

Hargeysa, October 2019 (Warsugan(Warsugan)-Dawlad Deegaanka Itoobiya, ayaa gacanta ku dhigtay rasaas aad u badan oo ay sheegtay in laga soo gudbiyay xuduuda Somaliland la leedahay dalka Itoobiya.

Ciidamadda gaarka ah ee dawlad deegaanka Soomaalidda ayaa sheegay deegaanka Gubti oo ka tirsan gobolka faafan ay ku qabteen laba gaadhi oo siday afar iyo toban kun, afar boqol iyo sided iyo afartan oo ah rasaasta qorriga K.47.

 

 

Rasaastaas oo ay sheegeen in si qarsoodi ah loo galinayay magaaladda Dhiri-badhe, ciidamaddu waxay intaa ku dareen inay gacanta ku hayaan ninkii lahaa rasaasta iyo dirawaladdii labadda gaadhi wadday iyo ciddii rasaasta loo wadday oo aynna magacaabin.

 

 

Saraakil ka tirsan ciidamadda dawlad deegaanka oo ka mid ah ciidamadda gacanta ku soo dhigay rasaasta ayaa sheegay in labadda gaadhi ka soo gudbeen magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale xuduuda Somaliland “Xogtoodda waa la helay oo ninkii baabuurta lahaa wuu yimi, dhamaantood tiradda rasaasto waa wadda K 47. Marka shay shay baa loo baadha dhamaantood oo shay aan la baadhinin meesha ma maro. Marka rasaasto labba gaadhi bay kala saarnayeen oo sidaas baa baadhsi loogu soo saaray oo lagu helay.”

 

 

Saraakiishan oo la hadlay teleshinka dawlad deegaanku maamusho ayaa sheegay in kaantarooladda dawlad deegaanka si adag loogu baadhi doonno gaadiidka galayaa.

 

Xisbiga Ucid Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Dalka Laga Saaro Wakiilka Jabuuti U Fadhiya Somaliland

 

“Faalka Jabuuti Ima Qabanayo, Bilaa Weysana Kuma Socdo…”Faysal Cali Waraabe

“Jabuuti Waxaannu Aaminsannahay Inay Tahay Cadowga Somaliland….” Ramaax

 

Hargeysa, 03 October 2019 (Warsugan)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid En Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aannu falku qaban oo aannu waligii bixin isagoo salaad la’aan, waxaannu hambalyo u diray dhallinyaro ku taageeray difaaca dalka.Islamarkaannu wuxuu sheegay in caasimadda Somaliland looga guurayo waddo xummo iyo qashin buux dhaafiyey magaaladda oo dhabta u saaray eedeedda Golaha Deegaanka ee mudda dhaafka ku jira.

 

 

Gudoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay qalinjabinta jaamacadda Alpha, waxaannu sheegay in hudhoobka loogu culannayo siddii Golle deegaan iyo Baarlamaan cusub loo“Waxaan marka horre jecelahay innaan Hambalyeeyo dhallinyarro shacabka reer Somaliland ah, oo dawladda aannu jaarka nahay aan yarra taabtay oo aan runta yara sheegay aad iigu hiiliyey difaaca Qarranka, oo waxaan helay mushtamac badan oo aad igu hiliyey oo waxa qarankeenna waa in aynnu hoos u dhignaa oo waa in aynnu difaaca qarrannimadda ku midownaa oo way yara sheegteen oo falku Anniga ima qabto oo waligay salaad la’aan kumaan bixin.”Ayuu yidhi Faysal Cali.

 

 

Sidoo kale, Faysal Cali wuxuu sheegay in caasimaddu u jirto in laga guuro“Waxaynnu hadhoobka u qaadanaynaa doorasho wannaagsan oo dad wannaagsanni innooga soo baxaan, oo Maayar fiicanni innoo soo baxo. Maanta in manta magaaladda laga guuro ayay in yar u jirtaa  iyadda iyo Nairobi , insha alla qaar khayr qabba ayaannu dooran doonna iyo baarlamaan khayr qaba ayaynu dooran doonna.

 

 

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa ayidday hadalka Guddoomiye Faysal, wuxuunna xukuumadda ugu baaqayn in 24-saacadood dalka lagaga saaro Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti“Dawladda jabuuti waxaannu ka aaminsannahay inay tahay cadowga Somaliland, waa cadow ku dagaal gala mar walba in aan Somaliland helin aqoonsi oo aanay Somaliland noqon dawlad taagan oo jirtaa. Waxaannu xukuumadda u soo jeedinaynaa in muddo 24 saacaddood ah, haddii dalka alaab badanni ka tallo in 48 saacadood dalka lagag saaro waanan sugaynaa. Haddii wax laga qaban waayanna waa cambaar labbaad oo xukuumadda ku soo noqonaysaa.”Sidaa ayuu yidhi Ramaax .

 

Diiradda Warsugan:

Cali Khaliif Galaydh: Hoggaamiye Qorri Qiiqaya Dhigay

 

Hogaamiyihii Khaatumo Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo xukuumadii Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo heshiiska ay wada galeen, ka hor shirar loogu gogol xaadhayo heshiis nabadeed in lagu soo afjaro qorigii dabka laha ee ay siteen, meeshana ay ka baxdo wixii ay ugu yeedhi jireen khaatumo ayaa sannadahan u danbeeyay marka uu xafladaha iyo shirarka lagu casuumo ka sheega waxaan u taaganahay Somaliland la wada leeyahay ayaa ugu jira halgan ama tabliiqi siyaasadeed inaan ku baadi doono.

 

 

Cali Khaliif Galaydh oo muddo sannado ah aha horjooge ka ahaa Khaatumo ayaa xubnihii ku xigeenkiisa iyo xoghayihiisii ay u kala shiraacdeen Xamar iyo Puntland halka u isaguna xukuumadii Siilaanyo heshiiska nabada la qaatay.

 

 

Galaydh ayaa muddadii uu hogaaminayay Khaatumo ay maleeshiyadiisa qori dable la dhex galeen deegaanada uu ka soo jeeda, taas oo sababtay in ciidamada qaranka Somaliland oo difaac iyo heegan ugu jira qaranka ay maleeshiyaadkaasi Somaliland diidka ah dhegta dhiiga u daraan.

 

 

Waxaana aakhirkii Cali Khaliif markii uu tahli kari waayay ujeedooyinkiisi mucaaridmo iyo Somaliland diidka ku salaysnayd ee muddada dheer geed gaaban iyo mid dheerba u koray sidii midnimo Soomaaliyeed loo heli lahaa ayaa ugu danbayn gaadhay go’aanka ah inuu heshiis qaato , ka dib markii Muqdisho iyo Garoowe maamulada ka jira meel uu ka galo ka waayay.

 

 

Mr Galaydh ayaa muddooyinkan u danbeeyay hadalada uu ka jeediyo fagaarayaasha kaga hadaaqa erayada Somaliland la wada leeyahay ayaan doonaya, kaas oo nuxurkiisu yahay wakhtigan xaadirka ah Somaliland lama wada lahaa.

 

 

Cali Khaliif waxa uu goob joog u ahaa shirkii 1993-kii lagu soo dhisay axdi qarameedka beelaha Somaliland u dhan yihiin, waxaanu odaygu ka warhayay oo uu ogaa haddaanu is diidsiinayn in ururkii SNM ee Somaliland ka xoreeyay taliskii milatariga ahaa ee rajiimkii Siyaad Barre beelaha reer Somaliland qoriga dabka leh kala dhex dhigay isugu yeedhaan shirar dibu heshiisiineed laguna dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland.

 

 

ilaa xilligaasi dalka la xoreeyay ilaa wakhtigan xaadirka ah Somaliland waa la wada leeyahay. ta kale xogogaal baad u tahay maamulada Xamar iyo Puntland ka jira hadda iyo wakhtiyadii la soo dhaafay oo ka mid ahayd Baarlamaanka Soomaaliya ay kaga hirgeli waayeen mansabyadii aad ku riyoonaysay inaad qabato ka dib isaga baxday oo aad ku noqotay qurbihii aad deganayd.

 

 

Prof. Cali Khaliif wuxuu bulshadda Somaliland ku dhex leeyahay karaamo iyo sharaf maadaama aad qorigii qiiqayay aad dhigtay, isla markaana go’aansatay in aad qarankan ka noqoto siyaasi ayaa loo baahan yahay inaad xaqiiqda naftaada u sheegto in Somaliland la wada leeyahay aan la kala lahayn halka dawlada taagta daran ee Xamar aan la wada lahayn iyo Puntland.

 

 

Ra’iisulwasaare Muslim Ah Oo 16 Milyan Oo Doollar Siiyay Gabadh Haasaawe Ka Dhaxeeyey

 

Hargeysa, 03 October 2019 (Warsugan)-Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan, Sacad Al Xariiri ayaa 16 milyan oo doollar haddiyad ahaan u siiyay gabadh u dhalatay dalka Koonfur Afrika.

 

Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii waaxda cashuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay ogaadaan halka ay lacagta ka timi, taasna ay keentay in arrinta ay maxkamad tagto.

 

Wargeyska ayaa waraaqo uu ka helay maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika waxaa uu ku ogaaday in gabadhan ay horay u sheegtay in xidhiidhh haasaawa uu ka dhaxeeyay iyada iyo Sacada Al Xariir, kadib markii ay ku kulmeen goobo loo dalxiiska loo taggo oo ku yaala jasiiradda Seychelles.

 

Ra’iisul wasaare Sacad Al Xariir ayaa xiliga uu lacagta siinayay Ms. Van der Merwe waxaa la sheegay in aannu wax xil ah heynin, waxaana sidoo kale la sheegay inay ahayd 2013-ka. Lacagta uu siiyay gabadha ayaa sidoo kale la sheegay in aysan waxba ku jabnayn oo aannu jabinin sharciyada u degsan dalalka Lubnaan iyo Koonfur Afrika.

Arrintan ayaa soo shaac baxday xilli dalka Lubnaan uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale.Lacagtan ayaa la sheegay in uu u diray intii u dhaxeysay labada jeer ee uu xilka qabtay ee sannadkii 2013-ka.

 

Ms. van der Merwe ayaa xiligaas ahayd 20 sano jir, oo waxay ku soo caan baxday xayaysiis ay u sameyeysay shirkad sameysa cabitaanka.Isla sannadkii 2013-ka, ayaa hantida Van der waxay noqotay 15 milyan oo doollar, kadib markii ay lacagta ka heshay Xariiri.

 

Lacagta ay heshay gabadhan ayaa la ogaaday, kadib markii waaxda cashuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay cashuuraan lacagta lagu arkay akoonka bangigeeda, hase-yeeshee Ms. van der Merwe ayaa ku dooday in lacagtaas ay tahay haddiyad, oo aysan ahayn in la canshuuro.

 

 

“Waan ku jeclahay, Sacadkeygi:),” ayay Van der Merwe ku tiri farriin ay u dirtay, kadib markii ay u gudbisay akoonka bangiga loogu soo shubayo lacagta, si ay guryo iyo alaabo kale ugu iibsato. Lacagta ayaa isla markiiba ku soo dhacday akoonka gabadha.

 

Wargeyska The New York Times oo qoray warbixintan ayaa isku dayay in uu xidhiidho Van der Merwe, si ay wax uga weydiiyaan arrintan, balse waalidkeeda iyo qareenkeeda oo ku matalay maxkamadda ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan.

 

Sacad Al Xariiri oo xidhiidh la leh dalalka Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa ah ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan ee suniga ah, kana mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalkaas, waxaan hantidiisa lagu qiyaasay lacag dhan 1.9 bilyan oo doolar.

 

“Marnaba Wiilal Yaryar Oo Masaakin Ah Oo Qurbaha Ka Yimi Dhibaatadda Dalka Uga Aamus-maynno………”Sheekh Shariif

 

 

Muqdisho, 03 October (Warsugan)- Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jraa’id oo wada jir ah ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo shirka ka furmay Muqdisho.

 

Ugu horreyn Sheekh Shariif oo hadalka qaatay ayaa ka hadlay dhibaatadii laga soo maray dhisitaanka Dowladda Soomaaliya iyo ficilada ay hadda wado Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan dalka u rooneyn sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in aanay aheyn mid wanaagsan in Shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto, wuxuuna sheegay in marnaba ayna ka hadheyn ka hadalka waxyaabaha ay ku qaldan tahay Dowladda Federaalka.

 

“Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadalkiiisa ugama hadhi doono Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama la marin habaabiyey ee caaytamaya, waana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay”.. ayuu yidhi Sheekh Shariif.

 

Wuxuu sheegay inaanay aqbali doonin in Soomaaliya ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad gaar ah, dowladnimada ay tahay mid ah in la is gaadhsiiyo oo aan la isku koobin.

 

Wuxuu tilmaamay in Golaha Wasiirada ayna ka hadli karin xaqa iyo waxa ka dhacaya Soomaaliya, isagoo hadalka sii wado ayuu tilmaamay inay Soomaaliya ka jiraan laba Cadow oo kala ah Dowladda iyo Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in mar kasta sababta loo caayo ay tahay inay iyaga ka hadlaan qaladaadka ay sameeneyso Dowladda.

 

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha Kismaayo waxana uu xusay in Shariif Sheekh Axmed uu safarkiisii Kismaayo ahaa mid lagu doonayay in lagu dhagaysto tabashada Jubbaland iyo shacabkeeda.

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay isku koobtay siyaasadda Dalka“Haddii dowlad goboleed xil ka banaanaado waxa ay u dirtaa wasiir taageersan xilalka kalena waxa ay u dirtaa dowladu shaqaalaha xafiisyadooda.”ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Labada Madaxweyne ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu soo dhamaaday kulan maalintii Labaad Muqdisho uga socday madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya oo Maanta lagaga hadlayey Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Maanta la soo gabagabeeyey.

 

Tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga celiyay in uu u duulo Magalada Kismaayo, waxaa uu kulamo siyaasadeed ka waday Magaalada muqdisho, isaga oo dhaliil badan u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Robert Epstein: Adigoo Gabadh Haasaawe La Jilay Ma Isu-bedeshay Kumbuuyuutar

 

 

Hargeysa, 03 October 2019 (Warsugan)-Robert Epstein wuxuu raadinayay jacaylkiis. Sannadku wuxuu ahaa 2006, Jacaylkana wuxuu rabay inuu ka helo dhinaca Internet-ka.Isagoo qisadiisa uga sheekeynaya wargeys arrimaha Seyniska ka faallooda, ayuu sheegay in markii dambe uu internet-ka ka helay gabadh timo dahabi ah leh oo joogta dalka Ruushka, durbadiinna waxay billaabeen inay qoraallo is-weydaarsadaan.

 

 

Epstein wuu niyad-jabay, sababtoo ah wuxuu rabay in arrintu aysan ku ekaanin saaxiibtinnimo qoraal uun la isku weydaarsado.

 

Wuxuu ku yidhi, aan si fiican isku sii dhex galno, laakiin iyadu waxay ahayd qof daggan oo saaxiibtinnimo leh.

Muddo yar ka dib waxay qiratay inay jacayl u qaadday dareen aad khaas u ah ayaan kuu qabaa. waxaad iila mid tahay sidii ubax qurux badan oo la iigu talagalay aniga… maba qiyaasi karo dareenka aan kuu qabo, mana aqaanno si aan u sharraxo… waxaan kaa sugi doonaa jawaab aan ku farxo, faraheyga waan xakameyn waayay…”

 

Qoraallo badan ayey isweydaarsadeen, muddo dheer ayuuna shukaansayayay, laakiin waqti dheer ayey qaadatay inuu fahmo in Ivana aysan waligeed si toos ah uga jawaabi jirin su’aalihiisa.

 

Waxay u soo qori jiray hadallo ku saabsan inay ku dhex lugeysay beer cagaaran oo qurux badan iyo inay la sheekeysaneysay hooyadeed.Waxay sidoo kale ku soo celcelin jirtay qoraallo ku saabsan sida ay uga heshay isaga.

Muddo ka dib wuu ka yara shakiyay, wuxuuna Ivana u diray lambar toos ah oo ay kala soo xidhiidh karto. Balse waxay ugu soo jawaabtay email ay uga hadlayso hooyadeed.

 

Ugu dambeyntii, Mr Epstein wuxuu ogaaday runta: Mudadaas dhan wiixii la sheekeysanayay ee uu jacaylka u qaaday wuxuu ahaa kumbuyuutar loogu talagalay inuu dadka u diro qoraallo ku diyaarsan.

 

Arrinta la yaabka leh ma aysan ahayn in ninkan iskaabulada ah ee ka soo jeeda gobolka Californian uu ku sirmay kumbuyuutar uu u maleynayay inuu bani’aadan yahay.

 

Laakiin waxa lala yaaban yahay waa in ninkan da’ dhexaadka ah uu ka mid yahay dadka aasaasay barnaamijka abaal marinta lagu bixiyo ee la yiraahdo Loebner, kaasoo loogu talagalay in lagu tijaabiyo sida ay dadka ugu sirmi karaan kumbuyuutarrada bani’aadanka lagu shabahay ee qoraallada kula hadla.

 

Sanadkii 1950-kii waxaa in barnaamijkaas la aasaaso ku taliyay xisaabyahan u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabi jiray codebreaker iyo nin kale oo khabiir ku ahaa cilmiga kumbuyuutarrada, kaasoo isagana lagu magacaabi jiray Alan Turing.

 

Alan Turing wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee sheegay in Kumbuyuutarrada tayadooda la gaarsiin karo heer ay fakaraan.

 

Turing wuxuu u maleynayay in 50 sano xilligii uu noolaa ka dib ay kumbuyuutarradu gaari doonaan heer ay siri karaan 30% ka mid ah bani’aadanka.

 

 

Hoggaamiye Xil Madaxweyne Iska Casilay Markii La Dhaariyey Iyo Dareennadda Ku Lammaan 

 

Hargeysa,  03 October 2019 (Warsugan)-Mercedes Aráoz waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha kumeel-gaadhka, Isniintii la soo dhaafay.Waxay ahayd dib u gurasho aan la fileyn, haweeneyda ay Baarlamaanka Peru u magacaabeen in ay noqoto ku-simaha madaxweynaha ayaa is casishay saacado ka dib markii xilka loo dhaariyay.

 

Waxay dhaarinta Mercedes Aráoz ka dambeeyay xildhibanno ka hor yimi go’aanka madaxweyne Martín Vizcarra oo kala diray xildhibaannada, shaqadana ka joojiyay.

 

Tallaabada lagu dhaariyay waxay ka dhignayd in Peru uu si kooban u yeeshay laba siyaasi oo kala sheeganayay xilka madaxweynaha.

 

Iyadoo uu jiray qalalaase dastuuri ah, haddana inta badan xaaladda Peru ayaa deggan.Ms Aráoz waxay ahayd madaxweyne ku xigeenkii Mr Vizcarra, illaa uu ka billaabanayay khilaafka sababay in madaxweynaha uu ku go’aansado inuu baarlamaanka kala diro.Waxaa xilka u dhiibay xildhibaannada mucaaradka ah oo ku doodaya in Mr Vizcarra uu jebiyay dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen inuu xilkiisa bannaan yahay.

 

Waxay sheegeen in shaqada xafiiska madaxweynaha ay muddo sannad ah ka joojiyeen Mr Vizcarra, balse dowladda waxay ku doodeysaa in codeynta baarlamaanka ay dhacday ka dib go’aankii madaxweynaha uu Baarlamaanka ku kala diray, tallaabadaasna ay tahay waxba kama jiraan.Warqad ku qorneyd Afka Spanish-ka oo lagu daabacay Twitter-ka, ayey Ms Aráoz ku sheegtay in ay iska casishay “Sii hayaha xilka madaxweynaha” ka dib markii Urur Goboleedka Dalalka qaaradda Amerika OAS uu sheegay in maxkamadda sare ee Peru ay u taallo go’aan ka gaadhidda, haddii sharci ay tahay kala diridda baarlamaanka.Waxay sheegtay in sidoo kale ay iska casishay xilkeeda madaxweyne ku xigeenka iyadoo eegeysa amarka dastuureed ee la jebiyay.

 

Waxay barteeda Twitter-ka ku qortay in ay rajeyneyso in is casilaaddeeda ay waddada u xaarto qabashada doorasho guud.Ka dib is casilaaddii Ms Aráoz, waxay u muuqataa in Mr Vizcarra uu si aayar ah ugu soo noqonayo awoodda maamulka.Ka dib markii uu soo saaray go’aanka uu ku kala diray Baarlamaanka, wuxuu taageero ka helay Taliyayaasha ciidammada militariga iyo booliska.

 

Sidoo kale qiyaastii 2,000 oo qof ayaa isugu soo baxay jidadka caasimadda Peru ee Lima iyo magaalooyiin kale, si taageero ay ugu muujiyaan Mr Vizcarra.Sidoo kale, tobannaan ka mid ah gudoomiyayaasha gobollada ayaa taageeray Mr Vizcarra.Tallaabada waxay timid ka dib bilo is hortaagnaan ah oo ka dhalatay mucaaradka oo maamula Baarlamaanka, ay is hortaageen sharciga caanbaxay ee la dagaallanka Musuqa, kaas oo uu riixayo madaxweynaha.

 

Mr Vizcarra wuxuu xilka madaxweynaha qabtay bishii March 2018-kii, ka dib markii madaxweynihii xilligaas, Pedro Pablo Kuczynski, uu is casilay kaas oo lagu eedeyay inuu codadka iibsaday.

 

Iyadoo afar madaxweyne oo hore ay wajahayaan baaditaanno la xidhiidha musuq-maasuq, ayuu Mr Vizcarra u sheegay dadka Peru inuu ajandisiisa siyaasadeed ee ugu horreeya uu yahay arrintaas.

 

 

 

 

Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 1aad – Ankara

 

 

 

Fartii hore ee ay isticmaali jireen Masaaridii hore waxa lagu magacaabay; “Hieroglyphic.” Magacaas oo ka soo jeeda Afka Giriigga oo la micno ah; “Fartii Barakaysnayd – The Sacred Writing.” Haddaba, Khawaajiyaashu waxay daah-fureen fartaas sawirka ah. Waxa libta daah-furka fartaas la siiyey oo loo aqoonsaday inuu horseeday aqoonyahan Faransiis ah oo la odhan jiray Shambiloon (Champollion) taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1822kii, iyaga oo dadka Carabta ah ee Masar ku noolaa ay fartaas u yiqiineen; “Sixir.”

 

Daah-furkaasi waxa uu dhalliyey in la akhriyo sawirradii ku xardhanaa buuraha la dhisay ee ay ka tageen Masaaridii hore ee la yidhaahdo Ahraamta Afka Carabiga ama Pyramids Afka Khawaajayaasha. Waxa kaloo la helay xabaalahoodii iyo wixii ku qornaa.

 

  • Magacyada waxyaabihii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ee ay Ilaahyada u yaqaaneen
  • Magacyada Boqoradoodii iyo
  • Guud ahaan nolosha ay ku noolaayeen Masaaridii hore

 

Waxa afkaas dhintay ee aan cidi ku hadlin hadda raad-raac loo cuskaday markii la macneeyey Afka Qibdiga oo ku kooban qoraalada Kiniisadda Qibdiga ah iyo Afka Yuhuudda iyo Carabiga. Afafka Afrika lagaga hadlo cidi ma adeegsan, waayo Khawaajayaashu ma aqoon, aqoonyahan Afrika u dhashay oo hawshaas galayna ma jirin ilaa Sheekh Dayib oo dalka Senegal u dhashay uu ku hambaabiray markuu dhexgalay badhitaanka Afkii hore ee Masaarida oo uu arkay in afka laga hadlayaa uu yahay af Reer Afrika ee aannu Yuhuud iyo Carab toonna shaqo ku lahayn.

Isagu waxa uu afkii hore ee Masaarida ula kacay:

  • Dhinaca Galbeedka Afrika,
  • Dhinaca Bariga Afrika

Ciddi iskuma deyin inay hawsha ka baraan-degto isirka afkii hore ee Masaarida iyo xidhiidhka u la leeyahay afafka lagaga hadlo dhinacan Afrika.

Haddaba, waxa xeel-dheerayaasha afkii hore ee Masaaridu is la qaateen tiro sawirro ihi inay u taagan yihiin xarfaha fartaas hore, kuwaasoo hoos ku muujisan:

 

Marka sawirrada iyo dhawaaqa xarafaha ay u taagan yihiin la eego, waxa muuqanaya in sawirku uu ereyga uu Afka Soomaaliga ku yahay uu ku bilaabmo xarafka Fartii Masaarida hore. Qaar badan xarfahaas ka mid ah ayaa sawirka ay xeel-dheerayaashu ku micneeyey waa erey Afka Soomaaliga ka mid ah oo ku bilaabma shibbanahaas ay u adeegsadeen inuu sawirku u taagnaado Masaaridii hore ee alifay fartan la yidhaahdo Hieroglyphic.Beenaw ma af, Af-Soomaaliga u dhaw ayey ku hadli jireen.

Waxan qoraalka ku soo qaadayaa sawirka xeeldheerayaashu u qaateen inuu u taagan yahay shaqalka A, iyada oo la isku raacay in fartaas hore ee sawirrada ihi aanay shaqalo ama xarako codayn lahayn. Balse, shaqal u ekeyaasha (Semi Vowels. Sida; W, Y,) loo adeegsado shaqallo

W: o, u.

Y: a, e, i.

 

Xeeldheere Allan Gardiner oo qoray naxwaha afkii hore ee Masaaridda waxa uu yidhi; “Sawirka A loo qaatay waxa uu ahaa shibbane fudud oo lumay. Taas oo ah ma aha sawirku A.” Haseyeeshee, ma sheegin shibbanaha lumay waxa uu ahaa.

 

Xeeldheere E. A. Wallis Budge oo qoray qaamuuska afkii hore ee Masaaridda iyo Af Ingiriiska toban erey oo uu afkaas ka soo qaatay oo uu ku dooday inay ka soo jeedaan Afkaar iyo af Afrikaan ah ayaan soo qaadanaynaa laba ka mid ah oo ku bilaabma xarafka A, sida ay ku sheegeen xeeldheerayaasha Reer Yurub (Khawaajayaashu).

 

Dadkii hore ee Reer Masar iyo Reer Ciraaq (Sumeria) labada ilbaxnimo ee ugu da’weyn aataarta iyo taariikhda ee la yaqaan oo 5000 (shan kun) oo sanno ku simman. Waxa Haadka loo yiqiin inuu dadka marka ay dhintaan uu nafta qaado oo duni kale geeyo.

 

Aataar dhowaan laga helay Turkiga oo lagu qiyaasay inay jiray 10,000 (toban kun) oo sanno oo laba da’weyn ilbaxnimadii hore uu soo sheegnay, ayaa iyana lagu arkay sawirrada haadka, meeshaas  oo loo maleeyey xabaalo-wadareed.

 

Soomaalidu marka ay arkaan haad dhacaya (haad duulaya) waxay u qaateen in geeri ama meyd uu meesha jiro. Haddii guri uu Haad dul dego waxa loo yidhaahdaa; “Geeri ayuu sheegayaa.” Ereyga Haad waxa uu ka soo jeedaa had oo ah geeri. Maxaa kuu baxday Boowe. Haad micnahiisu waa; “Geeri.”

Dib haddii aan ugu soo noqono fartii Hieroglyphic ahayd, xarafka A waxa lagu sheegay Haad Ana had. Waxa markaa muuqanaysa in xarafka aannu ahay A ee uu yahay H. Magaca Sawirka oo Haad ama had ah oo H ku bilaabma.

 

 

Haddii aan haddaba ku noqono labadii erey ee xeeldheere Budge ka soo qaadanay, kuwaasoo ah:

  • AB = (heart) wadne iyo
  • BA = (good soul) nafta karaamada leh.

Marka sida aan hore u sheegnay sawirka loo qaato H ee aan loo qaadan A sida ay hadda tahay.

Ereyga koowaad waxa uu u qormayaa: HB.

Ereyga labasdna BH.

Haddii la codeeyo ama la xarakeeyo, ereyga hore waxa uu noqon karaa (HABI). Habi Afka Soomaaliga waa Wadnaha. Bal heestan eeg;

Abdiyaw habi laawe lo’daadan harraadan……

Waa cabdiyaw wadne-laawe.

Ereyga labada isna marka la codeeyo ama la xarakeeyo waxa uu noqonayaa (BAH).

bal eeg weedhan’ “Bahdii ayaa laga qaaday sidii loo dhibayey.” Karaamadii ayaa laga qaaday ama naftii fiicnayd ahaa laga dilay. Waxa kale oo jira ereyga waa la bah-dilay oo ah karaamadii ayaa laga qaaday. Ereygan Carabta ayaa ergisatay.

 

Xeeldheere Budge labadii erey ee hal-dhawaaqle (Monosyllabic) ahaa ayuu Af Reer Afrika inay ka soo jeedaan ku dooday, haddaba afka ay ka soo jeedaan waa Soomaali marka sawirka la qaato ereyga u yahay ee “HAD.” Xarafka uu tilmaaamayo uu yahay “H.”

 

Waxa Masaaridii hore Ilaahyadooda ka mid ahaa sac dilaa ah oo meydka marka la xisaabayo joogaa oo la yidhaahdo; “Hadhor.” Waa sida ay u qoreen xeeldheerayaasha Afkii Masaaridii hore. Waxa muuqata in magaco yahay Had hore oo ah dilaaga koowaad, balse waxa hadda la oggolaaday in Lo’da meeshii ugu horreysay ee lagu qabtay ee lagu xooleeyey ay ahayd Geeska Afrika ee aanay ahayn (Asia) Eeshiya. Arag sawirrada Laasgeel.

 

Dhinaca kale, Masaaridii hore, waxa Ilaahyadii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ka mid ahaa Haad isna la odhan jiray; “Had-hore,” kaasoo markii dambe hore loo soo gaabiyey. Haadkaas oo galaydhka iyo jaadkiisa la mid ahaa, dharaarahan Baqaye ayaa carruurtii guranaya. Beenoow ma bakaylihii ayaa dabar go’ay uu ku noolaa.!

 

Waqooyiga Hargeysa waxa jirta tuulo beeraley ah oo doox leh, waxaanna meeshaas la yidhaahdaa; “Hore-haadka.” Bal ka warran haddii ay is-dhaafeen labada erey sida dhacda inta badan afka aan qornaan jirin sida GuriCerl iyo CeelGuri, oo uu magaco ahaa Had-Hore!

 

Haddaba, dilaaga koowaad muxuu ahaa ma dadka dooxo soo mara oo dhibaato ku ahaa meesha, mise waa meelihii lo’da lagu qabtay. Bal adba! Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu weli waa la sii baxdaa magacayada (Hure, Hoori, Huruse iyo Horod) la micno ah; “Kii koowaad.”

 

Giriigga ayaa magacyadoodu Xarafka “S” ay badi ku dhammaadaan, sida darteed magacyadii Masaarida waxay gadaal kaga dareen xarafka “S.” Markaas waxaad arkaysaa “Horus,” halkii hore ama hoori noqon lahayd.

 

Wargeyska Warsugan Media Group

Hargeysa/Somaliland