Barack Obama oo Sheegay iney Tallaabo ka qaadayaan dalka Ruushka

0
475
NPR's Morning Edition host Steve Inskeep interviews President Barak Obama in the Oval Office on Thursday, December 17, 2014.

NEW YORK  –war sugan Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Mareykanku uu ka aargudanayo dalka Ruushka kadib markii weerar dhanka Internetka ku qaadeen Mareykanka.

Maraykanka ayaa ku doodaya in Ruushku tallaabadan u qaaday si ay wax uga beddelaan Dimoqraadiyadda dalka Maraykanka.

Barack Obama ayaa u sheegay Raadiyaha NPR(National Public Radio) in tallaabada ay qaadayaan noqon doonto mid cad oo dad arkayaan,halka qaar kale ay noqon doonaan kuwa qarsoodi ah.

Maraykanka iyo Sirdoonkiisa CIA ayaa aaminsan in Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu shakhsi ahaan u maamuley qoraaladii Hacjer-sku ka xadeen Maraykanka halkii lagu keydinaayey.

Barack Obama ayaa sheegay in sababta ku xanbaartay Ruushka weerarkan ay tahay in ay taageeraan Donald Trump lagana doono Trump in uu ogaado farogelinta qaawaan ee dowladaha shisheeye.

Dowladda Ruushka ayaa iska fogeysay eedeynta iyadoona ku tilmaantay wax lagu qoslo waxa kasoo yeeray dalka Maraykanka.

Barack Obama ayaa xilka ka degaya 20 Janaayo 2017 iyadoo lagu wado in uu talaabo qaado ka hor xiligaas taasoo oo aan weli la ogeyn waxa ay noqon doonto.