Beeniin: la xidhiidha Xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdi Kariim Cabdiwaraabe

0
395

Beeniin: la xidhiidha Xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdi Kariim Cabdiwaraabe.

Qadar daqiiqado ah ayaa ka soo wareegay markii aanu la xidhiidhnay xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) si aanu wax uga ogaano xaaladiisa Caafimaad, ka dib markii dadka qaar ay baraha bulshadu ku kulanto soo dhigeen in xaajigu geeriyooday balse taasi waa been aan sal iyo raadtoona lahayn.

Waxaana shacbiga farxad u ah in xaajigu lugihiisa ku istaagay cabaarna tijaabiyey inuu kelidii socon karo, alle mahadii waanu ku guulaystay tijaabadaasi xaajigu.

Waxaana ka mid ahaa hadaladiisa adeero waan caafimaad qabaa saaka ayaan ugu roonahay marka loo eego xaaladayda caafimaad ee maalmihii hore shacbigana waxan leeyahay alle ha idin dhawree ducada uun isoo badiya, Ummaddana ha jaahwareerinina waxaydaan hubina ha baahinina.

Warsugannews.com
Warsuganmedia@gmail.com
Warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Office