Beesha caalamka oo ka walaacsan hanaanka doorashooyinka ee Soomaaliya

0
515

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM), si wadajir ahna ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin ‘eedeymaha sii soconaya ee la xiriira musuq maasuqa ka dhex jira nidaamka doorashada ee Soomaaliya, iyo wararka ku saabsan cabsi galin soo noqnoqnaysa oo loo gaysanayo musharraxiinta Baarlamaanka, odayaasha xubnaha soo dooranaya iyo saraakiisha doorashooyinka’.
Qolyaha qoraalka soo saaray waxay kaloo sheegeen inay ka xun yihiin dib u dhaca codbixinta aqalka hoose ee Baarlamaanka oo la qorsheeyey iuu billowdo 23 Oktoobar ‘sida lagu xusay jadwalkii dib loo eegay ee ay qoreen guddiga heer federaal ee doorashooyinka dadban (FIEIT)’.
Beesha caalamku waxay qoraalkaas si adag kaga dalbatay dhamaanba dhinacyada ku lugta leh inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhawrayo kalsoonida lagu qabo hanaanka doorashada ee waddanka, kaasoo ay tahay ‘inuusan bixinin fursad ay qolyaha qas wadayaasha ah ku faragelin karaan ama ay ku carqaladayn karaan’.
Waxay uga digeen maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka ee heer dawlad goboleed in ay qaadayaan mas’uuliyadda, haddii odayaasha wax dooranaya ay guul darraystaan, waxayna intaa ku dareen in madaxweyneyaasha dawlad goboleedyada ay gacan ka gaystaan ‘xallinta khilaafaadka beelaha ee hor taagan dhamaystirka kuraasta loo qoondeeyey aqalka hoose iyo xulidda ergooyinka’. Hadalka qoraalka ah oo dheeraa ayaa lagu soo gabagabeeyey ‘ma jiro wakhti la lumiyo’.