Bulshada S/Land Waxay Ka Markhaati Tahay In Marwo Samsam Ku Suntan Tahay Wasiir Karti Badan ,Daacada, Xilkasa , Sinaan Iyo Cadaalad U Gudata Xilka Qaranka U Hayso Ee Wasaarada Maaliyada.

0
381

Bulshada S/Land Waxay Ka Markhaati Tahay In Marwo Samsam Ku Suntan Tahay Wasiir Karti Badan ,Daacada, Xilkasa , Sinaan Iyo Cadaalad U Gudata Xilka Qaranka U Hayso Ee Wasaarada Maaliyada.

Hadii Laga Sheego Qofka Madaxda Ah Waxaan Jirin Oo Been Ah Waxay Ka Dhigantahay In La Amaanay Oo Kale xikmadii xeel dheerihii cilmiga nafsiga { Shef Khera} Qoraaga buuga waad guulaysan kartaa.

Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam marka la,eego Hal,adayga . Xilkasnimada Caqliga.Kartida.Qonyar socodka iyo Hogaaminta waxay mudantahay in la siiyo bilada hormoodka Haweenka Afrika.

Mudo Shan iyo labaatan Sanadood oo somaliland jirtay Marwo Samsam Cabdi Aadan waa markii kowaad ee Masuul dumar ah Wasiir looga dhigo wasaaradaha ugu miisaanka culus Qaranka S/land waxayna guulo lataaban karo ka soo hoysay Wasaaradii hore ee Waxbarashada iyo Wasaarada Maaliyada iyadoo kor u qaaday sumcada haweenka ee hogaaminta iyo ka qayb galka Siyaasada.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam waxay ku suntan tahay Wasiirkii koowaad ee shaqaalaha gaboobay amaba hawlgabka ah siisa lacagta hawlgabka shaqaalahaasi oo kontomeeyo sano iyo dheeraad cimrigooda ah ku soo shaqeeyay Macalinimo kuwaasi oo ay hagradeen ama ay halmaameen Wasiiradii Raga ahaa ee Wasaarada Waxbarashada uga horeeyay, sidoo kale Marwo Samsam waxay bulshada Somaliland ardayda iyo guud ahaan shaqaalaha ay u aqoosanyihiin shaqsiyad naxariis badan iyadoo marag looga dhigayo sida ay ugu dhiiratay gargaarka iyo caawinta qaarka mida shaqaale hoosaadka Wasaaradii hore ee Waxbarashada oo dhibaatooyin caafimad darro ku dhaceen iyadoo ka gacan siisay uguna gargaartay wixii karaankeeda ahaa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada waxay Bulshada S/Land ka markhaati tahay in ay kalsooni ka heshay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyadoo ku mutaysatay hufnaanta shaqo iyo Nidaam Xisaabkeeda oo sugan .

sidoo kale Marwo Samsam Wasiiradda Wasaarada Maaliyada waxay bulshada Somaliland ka kasbatay kalsooni buuxda iyadoo si dhex dhexaad ah u gaadhsiisay adeega Wsaaradii hore ee Waxbarashada sool ilaa salel iyadoo si dhaqso ah uga jawaabi jirtay codsiyada iyo baahiyaha uga yimaada dhamaan deegaamada Somaliland sidoo kale Marwo Samsam waa shaqsiyad hadaf cad iyadoo marag looga dhigayo xafladii xil wareejinta maayarka xilka haya ee gabiley oo ku beegnayd 24/3/2015 Xafladaas oo ahayd madal kulmisay maayarada dalka xubno ka tirsan aqalka golaha wakiilada wasiiro iyadoo Marwo Samsam iftiimisay in safarada iyo kormeeradii ay Gobolada Dalka ku tagi jirtay dhamaan kormeeradaa kharashkoodaa ay sidatay maayar iyo masuul dawladaha hoose ee dalka ka tirsan oo kharash uga baahdaana aanay jirin.

Sidoo kale Wasiirada Wasaarada Maaliyada waxuu ilaahay hibo u siiyay Xilkasnimo,karti,daacadnimo. qunyar socodnimo.iyo hubin si qotodheer iskaga hubsato hawlaha baaxada leh ee ay Qaranka u hayso iyadoo Bulshada S/land ka markhaati kacayso in ay Hormood u ahayd Wasiiradii Gurmadka iyo Gargaarka la garab joogsatay dadkii ay Abaaruhu ku dhaceen Bari iyo Galbeedba.

Marwo Samsam waa shaqsiyad wax badan la wadaagta dumarkii dhamayska ahaa ee taarikh yahanada Muslimiinta ahi ku xusaan Kutubta Siirada ah ,

Sida ALLE haka raali noqdee xaaskii ugu waynaa rasuulkeenee Muxamad (CSW) Khadiija Bintu khuwayla.

Ugu danbayn waxaan cambaaraynayaa wax magaratada qalinka u qaatay in ay xajiimeeyaan oo ay xaqiraan Guulaha iyo Horomarka ay ku talaabsatay Wasiirada Maaliyada Marwo Samsam mudo Lix Sano oo ay Xilka Wasaaradaha Waxabarashada iyo Maaliyada haysay .

Qalinkii Ganacsade Mustafe Barkhad Meecaad