Caggaha Oo Huur Sameeya iyo Siyaabaha Keena

0
1215

Caggaha Oo Huur Sameeya iyo Siyaabaha Keena

Caga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan waana sheegasho aad ugu badan soomaalida khaas ahaan dumarka. Haween badan ayaa lugaha ku qaboojisto in ay baaf lugaha la galaan ama darbiyada cagaha saara ama xine ku qaboojiyo.

Sidaa awgeed waa su’aal weydiin mudanee, talow maxaa keenay cagaha hurka noocaas ah? Caga hurka wuxuu calaamad u noqdaa cudurro aad u badan, laakiin asbaabta soomaalida ugu badan ee u keeno way kaga duwan yihiin umadaha kale.

Caalamka kale waxa ugu badan oo keena waa cillad ka timaada xagga neerfaha dareenka siiya cagaha iyo lugaha, haddii cillad dhabarka qofka ka gaadho oo dhaawacda neerfaha ama qofka jug ka gaadho ama cadaadis neerfaha lugaha saarmo sida in qofka uu xidho kabo ku dhaggan waxay keenaan kulayl oo markii qofka socod dheer galo ama markuu kabaha iska siibo.

Midda xigta waa haddii cillad ay ka jirto xididada dhiigga siiya lugaha haddii qulqulkooda uu hooseeyo ama cidhiidhi ay noqdaan taasoo ka timaada dhibaato xannibaysa isku socodka dhiigga sida dufan ama xinjir fadhiisato ama xididka oo jirrado laftirkiisaba.

Midda sadaxaad waa haddii cagaha ay ku bararaan taasoo keenaysa in ay ku huraan, waxayna u badan tahay cilladaan dadka qaba dhiig-karka, howlgabka wadnaha ama kilyaha, midaan daawadeeda waa in bararka lugaha laga dajiyo si kuleelka kuu daayo.
Midda afaraad waa haddii qofka uu qabo cudur dhaawici kara neerfaha lugaha sida sonkorowga oo kale, tanna daawadiisa waa in sonkortaada ay kontroolan tahay oo daawada aad qaadatid ay kugu filan tahay, takhtarka wuxuu kuugu dari doonaa daawo neerfaha sonkorwga dhaawac gaarsiiyay loogu talagalay, caga hurka sonkorowga waxaa la socdo calaamado dheeraad ah sida kabaabyo lugaha, xadxato, in lugaha wax kaaga socdaan oo kale.

Midda ugu dambayso waa cabidda khamriga oo ka mid ah, asbaabaha ugu badan ee dhaawac gaarsiiya neerfaha addimaha khaas ahaan lugaha, tanoo ay ka cabtaan dad badan oo caba khamriga.

Soomaalida maxaa u keeno caga hurka?

Haddii aan soomaalida u soo laabto waxa ugu badan oo u keeno xanuunkaan waa 4 waxyaabood:
1- Fitamiin yarida khaas ahaan Vitamin B-ga noocyadiisa kala duwan ee kala ah Vitamin B1, B2, B3, B5, B6, B7, B9, B12 waxayna kulligood ka qeyb qaataan ilaalinta iyo kobcidda neerfaha waxaana badanaa laga dareemaa dhibaatadooda cagaha.
Soomaalida laguma tiriyo umadaha cunnada dheellitiran cuna, cunnadeena waxay u badan tahay carbohydrates-ka (bariis, baasto iyo canjeero) iyo protein-nada (hilibka, ukunta iyo kalluunka).
Way nagu yartahay cunidda waxyaabaha laga helo fitamiinnada iyo macaadinta kale oo jirka muhiimka u ah (sida khudaarta iyo fruits-ka).

Fitamiinnada kor ku xusan oo isku samaysan oo loo yaqaanno “Vitamin B Complex” ayaa jiro oo aad qaadan kartaa iyadoo kaniini ah, qaabka aad u qaadan kartidne kala tasho takhtarkaaga.

Haddii aad tahay qof awooda inuu cunnooyinka laga helo fitamiinnadaan heli kara ama daawada aan jeclayn waxaad ka arki kartaa sawirkaan hoose meelaha laga helo.

2- Gaastirikada ama gaaska waa midda labaad ee ugu badan ee caga hurka u keeno soomaalida, inkastoo aanu caga-hur kaliya aanan gaaska lagu aqoonin wuxaa la socdo hur calaacalaha ama sacabada ah iyo calaamado kale oo lagu yaqaano.
3- Midda sadaxaad waa xanuunka loo yaqaanno “Hypothyroidism-ka” oo ku badan haweenkeenna, waxaan kula talin lahaa qof walba oo haween ah da’deedane ka sarrayso 30 sano in ay iska baarto.
4- Midda afaraad, waxay la xidhiidhaa cayilka, qofka cayilan waxauu si sahlan u dhaawici karaa seedaha cagahiisa taasoo keenayso in dhaawac uu gaaro neerfaha lugaha, khaas ahaan hadduu qofka uu ku labisto kabo taako leh ama ku dhaggan, haddii aad cayilan tahay iska ilaali in aad xidhatid kabo ku dhaggan ama qalloocan oo taako leh ama hora u dhuuban oo faraha cidhiidhi kaa galiya.
Maxaa talo ah?
Talooyinkaan hoose waad ka faa’idi doontaa insha’llah haddii aad raacdid.
1- Cun cunno isku dheellitiran oo leh fitamiinnada aan kor ku soo xusay.
2- Miisaankaaga yaree haddii aad buuran tahay
3- Haddii aad leedahay xanuunada kor ku xusan oo keeni karo cilladaaan sida Gaaska, Sonkorowga, Kolestaroolka, Dhiig-karka, howlgabka thyroid-ka iyo kuwa kalaba, iska dawee.

4- Iska ilaali in aad xidhato kabo kugu dhaggan ama taako leh si ay seedaha lugaha dhaawac kaaga gaadhsiin.
5- Markaa socod dheer gashid ama aad soo daashid, sharabaadka iyo kabaha iska siib si ay cagahaaga u helaan nasiinno iyo hawo, dhididkana uga qallalo, tan waxay ka hortagaysaa bararka cagaha, kuna dadaal nadaafadda lugahaaga.
6- Ha galin lugahaaga biyo baraf leh ama baraf ku jiraan, way kaaga sii darayaan caga hurka.
7- Talada ugu dambeysa waa mid u gaar ah haweenka marsada xinaha daawada lagu daro ee loo yaqaanno dalwandi, daawadan waxay dhaawac u geysataa neerfaha umana roona caafimaadka ee istcmaalkeeda jooji.