Ciidanka Ciraaq oo gaaray afaafka Mosul

0
392

.Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ciraaq ayaa gaaray dibedda magaalada Mosul, halkaasi oo dagaal adag ay kala kulmeen xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.
Dagaalyahannada ururkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ciidanka Ciraaq ku weerarrayaan gantaallada garabka laga gano, hoobiyayaal, hubka fudud iyo gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Diyaaradaha xulafada uu horkacayo Maraykanka ayaa dusha ka garaacay dhismooyin ku yaalla magaalada Mosul, si ay gacan u siiyaan ciidanka Ciraaq ee duulaanka wada.
Goor sii horeysayna, ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Xayder Al-Cabaadi, oo ku labisan dareeska ciidankiisa, aa ugu baaqay xooggaga dowladda Islaamiga in ay isa soo dhiibaan ama ay dhintaan.
Asaga oo ka hadlayay saldhig ciidanka cirka ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq, ayaa Mr Al-Cabaadi waxa uu sheegay in duulaanka ay horkacayaan ciidanka dalkiisa uu dhinac waliba uga wahajan yahay Mosul, isla markaana madaxa looga jari doono wax uu ku tilmaamay maska.