Daawo Ex Wasiir Xirsi: Maalintii Hubka la dhigay ee Hannaanka Dawladnimu Hana-qaaday

0
716

Maalintii Hubka la dhigay ee Hannaanka Dawladnimu Hana-qaaday
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxaan Munaasabada Maalinta Ciidanka Qaranka Somaliland u hibaynayaa dhamaan Ciidanka Qalabka sidda Hambalyo waxaanan ku bogaadinayaa sida ay hiilka ugu yihiin hannaanka dawladnimada
——————————————————————————
Xuska maalinta hub ka dhigistu waa dharaar iyo dhacdo bilow iyo bud dhig u ahayd qaranimadeena Somaliland ee qaangaadhka ah waxaanan u ducaynayaa cid walba oo raad ku lahayd oo aan ka xusi karo Madaxaweynihii Jamhuuriyada Somaliland ee Xiligaa Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Allaha u Naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo soo xareeyey hubkana ka dhigay guutaadii Sancaani 1994

Maalintan oo kale 22 sano kahor waxay ku suntan tahay bilowga qaranimadeena iyo aasaaska ciidanka qaranka oo ah dabcan haybada dawladnimada iyo tiir mudan mahad iyo maamuus intaba.

Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland meel ay joogaanba waxaanan iyadoo ay maalinta berri ah ku beegan tahay xuska maalinta Ciidanka qaranka u hibaynayaa hambalyo iyo bogaadin waxaanan qirayaa in ay yihiin Ciidan hufan oo kor u qaaday hannaankeena dawladnimo.

Qudbad kooban oo aan maanta ka jeediyey xuska maalinta hubka dhigista halkan hoose ka daawo: