DAAWO:-Warbixin Ku Saabsan Dab Shuf Ka Dhigay xaafad kamida Ceelafweyn oo maanta Gubatay iyo Sababta Dabkaasi dhalisay

0
432

Ceelafweyn(Warsugannews)  Goor Sheegtu Markay ku Beegnayd 1:30 am  9/07/2016 ayaa Dab Ka Qarxay Mid Kamid ahaa Suuqyada Dadka Danyarta Ahi ku ganacsadaan ee Magaalada Ceelafweyn , Dabkaasi oo aan Weli la xaqiijin Sababta Dhalisay .

Waxa Goobtaasi Ku Shuf Beelay Guud ahaan Wixii Hanti Taalay Goobtaasi .

Dabkan Ayaa Ka Bilaabmay Dhisme Buul ama Hoos ka cariish ahaa Dushana ay ka Saarnayd Jiingadi ,Halka Dhismayaasha Kale ee Dabku Gaadhay Iyana ay Ahaayeen Dhamaantood Sandaqado.

Dhismaha Dabkani ka Bilaabmay Ugu Horeyn ayaa Ahaa Mid Dhexda Ugu Jira Dhismayaasha Kale ee Dabku Isna Galaaftay.

Wakhtiga Dabku Ka Bilaabmay Goobta Suuqan oo La Yidhaahdo (ISLII ) wax dad ahi kama ag dhawayn markii lasoo gaadhay oo holaca dabku wada gaadhay labadii sandaqadood ee dhanka midig iyo ka bixid kaga dhagsanaa , Halka dhamaan Meheradaha Suuqanina Wada Xidhnaayeen , dadkii ka ganacsan jirayna ka rawexeen , maadaama oo ay Ramadaan ahayd .

Capture

Sababta Dabkan Dhalisay oo aan iyada weli la xaqiijin ayaa loo malaynayaa in qof aan soomanayni dhismaha dabkani ka qarxay ee cooshada ahaa uu sigaar ku ag cabay kadibna dabaysha xagaagu u riixday dhanka dhismaha iyo in dabkii Suxuurta Lagu Kariyay Ay isna Dabayshu Hurisay.

Goobtan oo Dadweyne Tiro Badani Markii danbe Soo Gaadheen waxa intii dabku baxayay loo waayay haba yaraatee wax biyo ah oo lagu bakhtiiyo Maadaama biyihii Sida Joogtada ahaa Xaafadaha Ceelafweyn ay ka Heli Jireen Biyaha Ceelaka baliga iyo Ceelka weyn ee magaalada oo iyagu Dhawr Bilood Ka Hor Faaruqay ama Madhay, Booyadihii Macaanka soo dhaamin jirayna iska nasteen Ramadaanta awgeed .

Capture1

Waxayna taasi Sababtay In Dadkii Dabkan Bakhtiinayay Qaarkood Dhaawac kasoo Gaadhay mar ay isku Dayeen inay Dhismayaasha Fujiyaan kadibna dabkii leefay halka qaar kalena Jiingadihii Dhaawacyo soo gaadhsiiyeen .

Capture5

Waxana Goor danbe oo dabkii soo dhameeyay Dhamaan Dhismayaashu ka bilaabmay iyo intii ku hareeraysnayd oo uu uga gudbi lahaa dhanka faras magaalaha soo gaadhay booyad weyn oo xaga danbe kasoo wada bakhtiisay dabkaasi .

Capture

Goobta Dhismayaashani ku yaaleen ayaa ahayd goob maamulkii hore ee uu Gadhwadeenka u ahaa Ex-maayarkii Ceelafweyn Md Baashe Xandulle Warsame oo ah xaruntii Hore ee maamulka dawlada Hoose dhabarkeeda uu wakhtigaasi dejiyay dadkan danyarta ah oo halkaasi Nolol maalmeedkooda kala so bixi jiray .

Aqoon-yahan Jaamac Cabdi Muuse oo kamid ahaa Dadkii Goobta Ka Hadlay wuxu Baaq udiray Dhamaan qurba joogta Ceelafweyn ee Dalka Dibadiisa , Hay’adaha Taakuleeya Dadka Danyarta ah iyo wasaarada Dib udejinta Somaliland inay Gurmad Usoo Fidiyaan Dadkan Danyarta ah ee Masiibadu haleeshay oo u Shaqayn jiray Abaydin yaryar oo aan hantida Halkaasi ku shub beeshay waxba uga danbeyn Bisha aynu ku gudo jirnaana ay tahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan , isagoo tilmaamay cidkasta oo gacan ka geysata taakuleyntooda ay ajar iyo xasanaad ka heli doonaan .Capture2

Geesta kale Dadweynaha ayaa Maamulka Magaalada Ka Jira Ku Canaantay Gacantii iyo taakulayntii ay Ka Geysan lahaayeen Dhibaatadan dhacday inay ka gaabiyeen guud ahaanba xildhibaanadii ay doorteen ee golaha Degaanka Ceelafweyn iyo Kuwa fulintaba .Capture3

Gudoomiye Ku Xigeenka Ceelafweyn MD Maxamed Jaamac liibaan (SUMUNI) oo Goor danbe Goobta soo gaadhay oo Isna warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay Inay Ka Maamul Ahaan Talaabada Dhibaatadaasi Dhacday ay Kaalin Mug Leh Ka Geysan Doonaan isla Markaasina Sameyn Doonaan Munaasibad balaadhan oo Dhaqaale kaabis loogu samayn doono dadkaasi Musiibadu haleeshay , sidoo kalena baaq Qaylo dhaan ah u diri doonaan , dhamaan hay’adaha ay khusayso ee xukuumada iyo Qurbo Jooga Somaliland siiba Kuwa Ceelafweyn.

Capture4

Si kastaba ha ahaatee Arintan ayaa ah Musiibadii ugu balaadhanayd ee Bulshada danyarta Ceelafweyn soo wajahda.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN 

AMUURTAASI  KU SAABSAN

Inline image 1<iframe width=”640″ height=”480″ src=”https://www.youtube.com/embed/wSVWKKdfUB0″ frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici

Wariyesaylo1113@gmail.com