Donald Trump oo ammaanay “Brexit”, sheegayna in Midowga Yurub uu qarka u saaran yahay bur-bur

0
335

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay arrimaha Yurub, waxaana uu soo dhaweeyay ka bixitaanka dalka Britain uu uga baxay daladda Midowga Yurub, wuxuuna dhaliil xagga qoxootiga u jeediyay dowladda Jarmalka.

Mr. Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub uu qarka u saaran yahay burbur, wuxuuna sababteeda ku eedeeyay hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo uu sheegay in ay dalkeeda ku casuuntay “qoxooti” badan oo khal-khal geliyay ammaanka Yurub.

Waxa uu sidoo kale sheegay in awoodda Midowga Yurub ay ku taagan tahay ay tahay dalka Jarmalka.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa ku gacanseyray hadal ka soo yearay Donald Trump oo dhaliil u soo jeediyay siyaasadaha dalka Jarmalka ee ku aadan soogalootiga.

“Yurub uma baahno in talooyin laga siiyo qaabka ay howlaheeda u maareyneyso”, ayuu yiri Mr Hollande.

Mr Trump ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha dalka Jarmalka inay sameysay waxa uu ugu yeeray ‘khalad masiibo ah’ markii ay aqbashay in dalkeeda ay muhaajiriin badan soo galaan.

Mrs Merkel waxay sheegtay inay tahay arrin khuseysa Midowga Yurub wixii uu ka yeeli lahaa aayihiisa.
Xoghayahaya arriimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa isagana su’aal geliyay hadalka ka soo yeeray madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

“Waxay ila tahay inaysan habboonayn in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu farageln toos ah ku sameeyo siyaasadaha dalal kale”, ayuu yiri Kerry oo wareysi siinayay CNN.

Mar uu ka hadlayay arrinta gaashaanbuurta NATO, ayaa Trump waxa uu sheegay in waddamada kale ee xubinta ka ah NATO ay tahay inay dhaqaalo badan ku bixiyaan gaashaanbuurtani.