telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) (1956kii – 1987kii) Q2aad

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)
(1956kii – 1987kii)
“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,
Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,
Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,
Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,
Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,
Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”
Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 2aad
9/12/2015ka
Waayihii jabhadeed ee ay SNM ku bilaabantay kuna soo af-meertay halgankeedii hubeysnaa ayaa ahaa qaabkaa dadweyne oo ay ku soo caano-maashay in kasta oo xilliyadii danbe dagaalka loo adeegsaday hubka waaweyn oo ay teknikadu ugu badnayd. Ugubnimada noocan dagaal ee cusub ayaa keentay in lagu doodo oo lagu murmo qaabka loo xoreynayo dalka. Codka iyo saamaynta ugu badan waxa iska lahaa saraakiishii ka soo digo-rogatay ciidammadii xoogga dalka ee Soomaaliyeed oo u janjeedhay qaabka dagaal ee nidaamiga ah ama millateri. Waxa se jiray rag badan oo fikirkaa mid ka duwan qabay oo culayska saarayay:
1. In halganka loo wareejiyo dalka gudihiisa,
2. In qaabka dagaalku noqdo mid dadweyne oo aan loo iilan ka dagaalka nidaamiga ah ee millateri,
Kaftanno badan oo maadeed ayaa ka dhacay qaababkan dagaal iyo sidii la isugu maan-dhaafsanaa. Abiib-dhagax oo ka mid ah aasasayaashii Guutadii 4aad ee unugga u ahayd ciidammadii xoreynta ee SNM ayaa maalin hawl-gal loo diray meel aan ka fogeyn Gadhka-yogol. Sarkaal aan u malaynayo in uu ahaa Ina Biixi ayaa u dhiibay ‘kaartadii’ dagaalka oo sawiran. Mujaahid Abiib-dhagax oo ciidanka duulayay kaxaysanayay, ayuu ku yidhi: “Laagtaa ma aragtaa? Xabbad miino ah ayaa ku jirta ee iska ilaali.” Mujaahidku ‘kaarto’ iyo warkeed maqal mooyaan e’, ma uu arag. Sahanka wuu dirtaa, waajibaadkana wuu gutaa. Sidaas ayuu u yaqaannaa dagaalka. Mujaahid Abiib oo sawirkan la hor dhigay ka yaabban, ayaa Muuse ku yidhi: “Horto miinadan aad sheegayso meesha ka saar.” Wixii meesha joogayba, qosol ayay jaanta wadheen.
Is-maan-dhaafyadii ciidanka iyo saraakiishii millateriga waxa kale oo aan ka xusuustaa dhacdo aan goob-joog ka ahaa annaga oo ku sugnayn Tuulada Gob-yarrey oo ah Tuulada ugu xigta Wajaale marka xagga Jigjiga lagu socdo. Waa xilli ku beegnaa 21kii Oktoobar, 1982kii. Waxay ahayd gelin danbe. Ciidammo ka tirsanaa Gutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey oo ahayd unuggii iyo aasaaskii ciidammada xoreynta ee SNM ayaa weerar u darbanayd. Korneyl Aadan Saleebaan Cabdi ayaa xaashi ballaadahan oo ‘filip chart’ ahayd u dhiibay Axmed Sheekh Faarax, Dhuxul, oo ciidanka sii kaxaysanayay. Sida dhaqanku yahay, ‘kaartadaa’ waxa ku sawirnaa awoodda cadowga oo lahayd: Jiibab, Madaafiic, Beebbeeyo iyo taangiyo wixii uu cadawgu haystay ama lahaaba.
Taliye Axmed Sheekh Faarax, Dhuxul oo aan waxan oo kale hore u arag ayaa yidhi: “Ciidanka ayaa kaxaysanaya?” Waxa loogu jawaabay: “Adiga.” Axmed Sheekh Faarax, Dhuxul, ayaa intaa ka dib yidhi: “Sahankayga aniga ayaa diranaya, qaabka aan u dagaal-gelayana aniga ayaa samaysanaya ee ha la ii sheego keliya waxa loo baahan yahay in la sameeyo ama hawl-galkan lagu fuliyo.” Dhuxul maalintaa qaab-dagaaleedkii loo sawiray waxa ku caddaa in uu magaalada Tog-wajaale saddex jiho ka weeraro. Galbeed oo ahayd in uu xaggan Jigjiga kaga tago, xagga Magaalo-cad in uu kaga yimaaddo iyo dhinaca Geed-ballaadh. Dhuxul, wuxu u sheegay nimankii saraakiisha ahaa in dhinacan Jigjiga soo xigaa miinaysan yahay. Dhuxul maalintaa wuxu go’aansaday dhinaca saddexaad ee uu Wajaale ka soo gelayaa in ay noqoto xagga Kalabaydh oo weliba uu isagu unuggaa ku soo hoggaamiyo Tog-wajaale, sidiina waa uu yeelay.
Hadba meersis ayaynu tolaynaaye, maanta ta aynu haynaa waa taariikh-nololeedkii Maxamed Ibraahin Xirsi oo loo yaqaannay ama magac-dagaaleedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir.
Taliyayaashii ciidammada xoreynta ee SNM ee sida aadka ah u aamminsana dagaalka dadweynaha (popular war), waxa kale oo aynu tusaalayaal u soo qaadan karnaa hoggaamiyihii weynaa ee Maxamed-cali Faarax oo Jabhaddii Soomaali-galbeed ka soo jeeday dibadahana lagu soo carbiyay. Waxa kale oo tusaale nool inoo noqon karaya Taliye Maxamuud Xaaji Xasan oo loo yaqaannay Mujaahid Hurre oo asalkiisii hore ahaan jiray macallin, beryihii danbena waayaha jabhadeed u tababaray in uu noqdo Taliye ciidan isaga oo ka gaadhay derejada ah Taliye Aag (Sector Commander). 1986kii ayuu Hurre shahiiday, halka Maxamed-calina ka shahiiday 1988kii.
Wax waliba barashadiisa ayuu leeyahay e’, duruuftii cusbayd ee jabhadnimo ayaa qasabtay in la irkado ama loo iisho qaab-dagaaleedkii dadweyne (Guerilla), saraakiil badan oo kulliyadihii ciidammada ka soo baxdayna waxay noqdeen Mujaahidiin curis iyo hal-abuurba leh.
Qormadii ku soo noqo. Mujaahid Shahiid Bashiir qiimayntiisa iyo qaddarintiisu maanta ii ma aha. Xaashaa wujuud! Isaga oo nool oo halgamaya ayuu ii qiimaysnaa, weliba waxaan ka mid ahay intii aragtay ee nasiibka u yeelatay in ay sheeko la wadaagto. Waa bilowgii 1987kii. Waxaanu joognay Diri-dhabe. Xafiiskii SNM ee saldhiggaas Raamaale ayaanu Mujaahid Bahiir iyo saaxiibkii oo Khadar Abshir Xuseen la odhan jiray ku kulannay. Dhowr maalmood ayaanu is-aragnay oo wada sheekaysannay. Markaa dilkii Axmed Aadan oo ahaa Taliyihii Nabad-sugidda ee Hargeysa waxa laga joogay maalmo kooban. Maalin maalmahaa ka mid ahayd ayaan Mujaahid Bashiir ka codsaday in uu hawl-galkaas ii qoro. Buug yar oo kuwan dugsiyada carruurtu ku tagto ayaan u dhiibay iyo qalin. Waxaan filayaa in uu saddex ilaa afar bog wax iigu qoray sidii hawl-galkaasi u dhacay. Habeenkaa 19kii Diisambar, 1986kii wixii goobtaa ka dhacay ayuu isku koobay. Hal mar ayaan waraaqahaa sawiray, nuqulkiina waxaan Hotel Kaaraa-mardha hortiisa oo xagga woqooyi-bari ah ugu dhiibay Guddoomiyihii SNM oo markaas ahaa Axmed-siilaanyo oo markaa baabuurkiisii caddaa fuulayay. Warqaddii isirka ahayd ee Mujaahid Bashiir ii qoray waxay raacday oo lagu qaatay sanduuqyadii ciidammada Siyaad Barre ay ka qaateen xaruntii SNM, berigii ay soo galeen, Diisambar 1990kii.
Sidii uu Mujaahid Bashiir iigu qiimaysnaa waxa daliil cad u ah, wiilkaygii iigu dhashay Durya 14/2/1990kii in aan u bixiyay Bashiir. Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor oo markaa Hargeysa ka soo qaxday oo Durya nala deggenayd, ayaa iyaduna wiilkan dhashay u bixisay Ayaanle. Saamayntii la yaabka lahayd ee ay Hooyaday qoyska ku lahayd awgeed, magacaygii ma tis-qaadin ee magacii Hooyaday bixisay ayaa tis-qaaday, kamana xumi. Waxaan sheekadan gaaban uga gol leeyahay in aan akhristaha tuso halka uu qof ahaan Mujaahid Bashiir iga taagnaa tan iyo maalintaas.

(La soco berri, qaybta danbe)

948 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins