FAALLO: Doorashada Madaxtooyadda + Tartanka Xisbiyada + Legdinta Shacbiga Ee Kulmiye iyo Waddani + Tabcada Ragaadisay Xisbigii UCID Iyo Isku Marnaanta Ilma Cali Xuseen

0
356

FAALLO: Doorashada Madaxtooyadda + Tartanka Xisbiyada + Legdinta Shacbiga Ee Kulmiye iyo Waddani + Tabcada Ragaadisay Xisbigii UCID Iyo Isku Marnaanta Ilma Cali Xuseen

Kala Jiidashada Taageerayaasha Xisbiyada Oo Ay Ku Keliyeysteen Laba Xisbi, Wakhti Doorashadii Madaxtooyadu Kaabiga Inagu Soo Hayso

Hargeysa(Warsugan) Faaladan waxa aynu ku soo qaadanaynaa xaalada siyaasadeed ee dalku wakhtigan marayo marka laga hadlayo doorashada iyo tartanka xisbiyadu ugu diyaar garoobayaan inuu mid walba noqdo kii hannan lahaa quluubta iyo farta shacbigiisu ku dooranayo ee uu ku hoggaamin lahaa shanta sanno ee soo socda dalka madaxweynaha ay doortaan.
Haddaba waxa aynu dulmari doona aragtida bahda wargeyska warsugan ee la xidhiidha diyaar garawga xisbiyada qaranka, kala jiidashada shacbigii soo saari lahaa mid la mid ah xisbiyada tartamaya oo ilaa hadda ay ugu cadcad yihiin xisbiyada tunka weyn ee Kulmiye iyo Waddani oo aad moodaba inay iyagu mar horeba u sii baxeen kama dambaysta ciyaarta doorashada Somaliland shacbiguna ay u dhegtaagayaan sida dhibcaha loo kala qaybsado, halka xisbigii saddexaad uguna da’a weynaa xisbiyada saddexda ah ee wakhtigan Somaliland leedahay ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID, uu isagu ka bixi waayey loolan gudihiisa ah waa UCID-e, iyo is dhaleecayn sababtay in garabyo uu u kala baxo xisbigaasi, ilaa wakhti xaadirkana aanay jirin cid u gurmatay iskuna xilqaantay daminta iyo badbaadada xisbigaasi oo u muuqda mid haddii uu ka soo baxo khilaafkaasi oo ciduun ku guulaysato hoggaamintiisu mid cago jiida oo la odhan karo waxa uu noqon doonaa reerka reerka dabayaal ama xisbi uu goraygu ka hadaafay oo ay adag tahay inuu tartan xoogan ama dardar la soo galo saaxada siyaasada ee lagu kala calaf qaaday intii ay isku marnaayeen Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe.

Taas oo aynu ognahay inay dacwado isla galeen guddida diiwangalinta ururda siyaasada Somaliland oo iyagu qodobo muda kara ka soo saaray balse garab ka mid ahi aanu ku qancin una gudbiyeen Maxkadamada sare dacwad kale, sida aynu la wada soconana waxa maxkamada sare ka soo baxay go’aan ay soo dhaweeyeen sidii ay tii horeba u soo dhaweeyeen labada garabba, balse hadana ismay taagin dhaleecayntii iyo weerarkii ka dhexeeyey labadaasi dhinac waxa maalmo ka dibba soo baxday in mid walba uu goonidiisa isu qanciyo oo uu go’aanadii sidii uu u arko uun u fasirto.

Arrintaasi waxay keenaysaa in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi u balansan yahay ee maxkamada sare mudaysay uu noqdo mid ay soo fadhiistaan labadii garab oo mid walba halkii hore taagan yahay, waxaana hubaala haddii halkaa muran kale ka soo cusboonaado inay sababaan laba arrimood oo u baahan in laga hortago. Kow midi waa in xisbigaasi gebi ahaanba uu ka hadho ururada siyaasada ama tartanka doorashada wakhtiga oo ku yar awgii sidii xisbigii UDUB ku dhacday. Laba midina waa in ay sababto in doorashada dib loo dhigo oo ay carqalad ku noqoto go’aankii geesinimada lahaa ee madaxweynaha qaranka Somaliland ku mutaystay sharafta iyo karaamada shacbigiisa iyo ka beesha caalamkuba ay la dhaceen in muddo hal xili doorasho ah uu kaga dego kursiga madaxweynenimo isagoo weliba yidhi wax kasta oo ay igu qaadataba waxan diyaar u ahay in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda.

Gunaanaadka faalladan Wargeyska Warsugan idin diyaariyey waxa ay tahay su’aal u taalla qof kasta oo reer Somaliland ahi inuu isha ku hayo oo uu ka fekero saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa doorashada muranka xisbiga UCID?

Xigasho Wargeyska Warsugan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office