Falanqeynta Kalmaddii Madaxweyne Siilaanyo ee Mahad-celinta Dhallinyarada iyo Haweenka Somaliland By: Cumar M. Faarax

0
444

Falanqeynta Kalmaddii Madaxweyne Siilaanyo ee Mahad-celinta Dhallinyarada iyo Haweenka Somaliland

By: Cumar M. Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu isagoo xurmaynaya dhallinyarada iyo haweenka ku sifeeyey inay yihiin bardaanka iyo bud-dhigga syaasadda dalka, kuwaas oo uu xaqiijiyey inay yihiin cududdii u horseedday inuu noqdo Madaxweynaha 4aad ee qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo oo khubad ka jeediyey xafladdii furitaanka shirweynihii garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbul-xaakimka KULMIYE oo ka qabsoomay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa toddobaadkan, waxa uu si bisayl siyaasadeed iyo waayo-arag dheer ka muuqatay ugu mahadnaqay laba tiir oo ka mid ah aqlabiyadda bulshada – dhallinyarada iyo haweenka -waxaannu si ka duwan siyaasiyiinta dalka ammaan ballaadhan ugu jeediyay taageeradii ay xisbiga uu aasaasay la garab taagnaayeen 14-kii sannadood ee u dambeeyey.

“Waxaan jecelahay, inaan si ballaadhan ugu mahadceliyo dhallinyaradii muddada dheer i taageeraysay, isla-markaana xisbiga KULMIYE barbar-taagnayd. Murti-Soomaaliyeed ayaa tidhaahda, ‘Ninka iyo jiilaalku way is-hayaan, waxase adkaada hadba kii haweenaydu raacdo.’ Waxaan leeyahay haweenka iyo dhallinyaradu waa bardaanka iyo bud-dhigga siyaasadda Somaliland. Sidaa awgeed, ragga hoggaaminta talada dalka ku hirdamaya, hadba kii bursada ama ay raacaan ayaa reerka u hadha,” ayuu Md. Siilaanyo ku yidhi khudbaddiisa oo ruxday dareenka ka-qayblayaasha shirweynihii dhallinta ee xisbiga KULMIYE.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo hawada u mariyo dhammaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, dedaalka iyo doorka ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, fidinta aqoonta, kobcinta dhaqaalaha, taabba-gelinta iyo difaaca qarannimada.”

Isagoo Madaxweyne Siilaanyo wax ka qabtay adeegyada bulshada iyo horumarinta dalka, waxase uu dareen siiyay in aan hal muddo-xileed lagu wada taabi karin horumarkii loo baahnaa oo dhan, waxaanun si deganaansho ku jiray u yidhi; “Inkasta oo ay xukuumadda xisbiga KULMIYE wax weyn qabatay, waxana dhab ah inaan shan amma lix sanno wax walba lagu xaqiijin karin.”

Muxuu u qabtay haweenka iyo dhallinyarada?

Waxa laga xusi karaa qodobbadda waaweyn ee Madaxweyne Siilaanyo u qabtay dhallinyarada inuu ka horqaaday caqabaddii dhinaca sharciga ee ka haysatay inay ka qeybgalaan goleyaasha hoggaaminta, isagoo lahaa maskaxdii iyo soojeedintii lagu wax lagaga beddelay xeerkii doorashada goleyaasha degaanka iyo wakiillada, oo dhigayay in 35 jir iyo wixii ka weyn ay geli karaan Goleyaasha Degaanka iyo Wakiillada, iyadoo qodobkaas da’da laga dhigay 25 jir, waxaana dabarkaas la laalay ka faa’iideystay tobanaan da’yar ah oo ku soo baxay doorashadii degaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii November 2012.

Waxa xilligan hoggaamiya Goleyaasha deegaanka iyo maamulka dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka, dhallinyaradii ka faa’iidaystay qoddobkaas madaxweynuhu wax ka bedalka ku sameeyay. Waxaanay da’yartaasi iskugu jiraan rag iyo haweenba.

Waxa kaloo ka mid ah waxyaabaha lagu xasuusan doono ee uu u qabtay dhallinyarada inuu ku dhowaad kala badhagaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ka dhigay dhallinyaro, halka ay Golaha Wasiirrada-na ku jiraan xubno badan dhallinyaro ah oo haya xilal wasiirnimo, ku-xigeenno, wasiiru-dawlayaal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha oo yaqiinsaday kaalinta haweenku kaga jiraan bulshada Somaliland, waxa uu golaha xukuumaddiisa ku daray dhowr dumar ah qaarkood loo dhiibay wasaarado waaweyn sida Maaliyadda iyo Degaanka. Waxa kaloo uu afar-laabay tirada shaqaalaha dhallinyarada iyo haweenka ka hawlgala hay’adaha dawladda ee kala duwan.

Md. Siilaanyo waxa uu noqday madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland soo mara ee la-taliyeyaashiisa ku soo dara xubno khaas u ah dhallinyarada iyo haweenka. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tiraba laba jeer u gudbiyey Golaha Wakiillada soojeedin la xidhiidha in kuraas gaar ah oo ay haweenku dhexdooda ku sii tartamaan laga siiyo goleyaasha baarlamanka, balse illaa hadda arrintaas waxba kama hirgelin.

Fursadaha shaqada ee dhallinyarada & haweenka:

Inkasta oo dhallinyarada dalka guud ahaan ay haysato shaqo la’aan baahsan, haddana waxa aan shaki ku jirin in xukuumadda Siilaanyo ay laban-laabtay shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo haweenka. Waxase marka laga hadlayo shaqo la’aanta la dareemayaa kaalintii ay shaqo abuurka ka qaadan lahaayeen ganacsatada iyo shirkadaha waddanka ku sugan oo ka gaabiyey waajibkii ka saarnaa bixinta fursado oo badan oo shaqo.

Mahad-celinta Madaxweynuhu maxay ka dhigan tahay?:

Tallaabada Madaxweyne Siilaanyo ugu mahad-celiyay dhallinyarada iyo haweenku marka loo eego dhinaca hoggaaminta, waxa uu yaqiinsan yahay in labadan qaybood ee bulshada ka midka ah ay yihiin codkii kursiga qaranka ugu sarreeya lagu saaray ee lagaga fadilay labadii murrashax ee la loollamay doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontay dalka sannadkii 2010-kii. Waxa kaloo dabuubta madaxweynuhu ka turjumaysaa inuu dareensan yahay in aanay xukuumaddiisu sidii uu rabay wax ugu wada qaban dhallinyarada iyo haweenka Somaliland, maadaama oo uu ka tanaasulay tartanka muddo-xileedkiisii labaad doorashada madaxtooyada ee muddeysan bisha March ee sannadka soo socda.

Sidaas darteed, waxa hadalkiisu noqon karaa dardaaran qaali ah oo Madaxweynaha Somaliland u jeediyey dhallinyarada iyo haweenka oo qiray inay yihiin cududda taageero ee uu hoggaaminta qaranka ku kasban karo Madaxweynaha shanaad ee uu xilka ku wareejin doono kadib doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 27 March 2017.