Gabadh Soomaaliyad Ah Oo U Tartamaysay Xilka Gudoomiyinimo Ee Midawga Africa Oo Wayday Xilkaa Iyo Cidda Heshay.

0
460

Gabadh Soomaaliyad Ah Oo U Tartamaysay Xilka Gudoomiyinimo Ee Midawga Africa Oo Wayday Xilkaa Iyo Cidda Heshay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika. Wuxuu badeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhamaaday.
Mr Faki ayaa kursigan kaga adkaaday wasiirkii arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, oo loolan adag la gashay. Wareegii ugu dambeeyay ayuu siyaasiga iyo diblomasaiga reer Chad, wuxuu helay 38 cod oo uu kaga adkaaday Aamina Maxamed. Mr. Faki ayaa hore raysalwasaare uga noqday dalka Chad, waxaana lagu tilmaamaa siyaasi iyo diblomaasi aragti dheer oo ay Afrikaanimadu ku weyntahay.
Aamina Maxamed, oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku dhalatay, kuna barbaartay Kenya, ayaa waxa ay dhawrkii bilood ee u dambeeyay waday olole xoog badan iyadoo dawladda Kenya inta badan dalalka Afrika u dirtay ergo ka soo codsata inay codkooda siiyaan Aamina Maxamed. Hase yeeshee wuxuu tartankii shalay dhacay soo gunaanaday doonistii Aamina Maxamed ee inay noqoto diblomaasiga ugu sareeya qaaradda Afrika.
Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa markii natiijada lagu dhawaaqay wuxuu iskaga baxay xaruntii shirka, isagoon saxaafadda la hadal, bedelkiisana afhayeenkiisa ayaa saxaafadda u sheegay inay Kenya u hoggaansatay natiijada doorashada islamarkaana ay la shaqayn doonto masuulka cusub ee loo doortay inuu noqdo diblomaasiga Afrika ugu sareeya. Ku-xigeenka Midowga Afrika waxa loo doortay Thomas Kwesi, oo u dhashay dalka Ghana.