Ganaaxii Igu Dhacay iyo Go’aankii Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland

0
470

Ganaaxii Igu Dhacay iyo Go’aankii Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland


Saaka abaarro 9:00 subaxnimo oo aan ka baxay xafiiskayaga, waxaan tagay faras magaalaha Hargeysa oo aan alaab ka soo iibsanayay. Maadaama oo aan degdegayay waxaan baabuurkaygii dhigay meherad cidhiidhi ah oo ku dhinac taalla jidka labada haad ah ee samxadda badan ee ka baxa Khayriyada Hargeysa ee halkaas kaga dhaca waddada jeelka wayn hormarta.

Runtii waxaan isku tiriyaa dadka neceb in baabuurta la dhigo meel aan munaasib ku ahayn oo dadka iyo gaadiidkaba dhibaato u soo jiidi karta. Waxase saaka aan ku gefay nidaamka waddooyinka. jidkaas oo ah mid hawlbowle u ah magaaladan fidaysa ee haddana waddooyinkeedu aanay la jaan-qaadaynin horumarkeeda.
Hawshii aan u tagay halkii aan doonayay oo masaafo xoogaa ah u jirtay goobtii aan dhigay Baabuurka, waxay igu qaadatay 13 daqiiqo. Iyadoo aanan meel kale ku leexan ayaan degdeg ugu soo noqday goobtii uu baabuurku yaallay oo cidla ah. Markii aan ku soo dhawaaday goobtii waxaan arkay in aanu baabuurkii aan dhigay aanu oolin. Yaabay oo idhi “Waar ma meel kale ayaad dhigtay”, “Milaha fureyaal kale ayay tuugi ku furatay oo waa la kaxaystay.”

Qadar markii madaxayga dareenno iyo tuhunno kala gedisani ku soo dhaceen, waxaan istaagay goobtii aan dhigay. Nin sarrifle ah oo goobta xoogaa u jiray ayaan weydiiyay inuu arkayay cid baabuur halkaas yaalley dhaqaajisay. Kuye, “Baabuurkii waxa meesha soo maray wiishkii ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo qaatay.”

Muddooyinkii u dambeeyay ba, waan maqlayay in gaadiidka la dhigo meelaha jidadka ku teedsan ee aan baarkinka loogu talogelin inay ciidanka Waddooyinku qaadaan. Hase ahaatee lexjeclada baas waxa markiiba igu soo dhacay “Markii wiishka yari qaadayay in gaadhigu waxyeelo soo gaadhay iyo in kale.”
Muddo kooban ka dib, waxaan isku shubay xarunta ciidanka nabadgelyada Waddooyinka oo ku taalla bariga magaalada Hargeysa. Waxaan halkaas kula kulmay wiishkii qaaday baabuurkayga oo xerada ka sii baxaya, waxase aan galay xafiiskii Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka, ahna Afhayeenka Booliska Gaashaanle dhexe Faysal Xiis oo aanu macaariif nahay isla markaana aqoon wanaagsani naga dhaxayso. Taliyaha oo xafiiskiisu aad u mashquulsanaa oo dhammaan kuraasida martida uu ugu talogalayna wada buuxeen oo ku dhex jiray kiisaska ka dhasha shilalka gaadiidka.

Markii aan hawshii aan u socday anigoo taagan u qadimay waxa uu i weydiiyay su’aal kaliya oo ahayd “Marka Cumaroow baabuur sharciga khilaafta aanu qabanno dadku waxay yidhaahdaan ‘Gaadhigaygu waddada uma dhawayne waxa iska soo qaatay Ciidankaaga ee adigu halkee inuu kuu yaallay ayaad ku doodaysaa?”
Aniguna waxaan ugu jawaabay; “Taliye, Baabuurkaygu wuxuu yaalay meel khalad ah, waana sababta ciidankaagu u soo qaateen. Laakiin waa gefkii u horreeyay ee xukunkiisana aan qaadanayo? ee maxaan yeelaa?” Taliyuhu inta uu nimankii la fadhiyay eegay ayuu yidhi “Ninkani waa Suxufi ka shaqeeya warbaahinta qaranka, waana masuul. Balse waxaan doonayaa inaan ganaax u jaro. Waxaannu u ganaaxaynaa si loo ogaado inaan madax, suxufi iyo qof shicib ahba ciidanka nabadgelyada waddooyinku ay sharciga ku qaadayaan si idinka (Dadweynuhu) u ogaataan.”

Taliyuhu wuxuu u yeedhay sarkaal ka mid ah ciidankiisa, waxaanu amray in la ii jaro “Ganaax lacageed”, ka dibna baabuurka la ii sii daayo. Waxaan bixiyay 100.000 SLSH. Ganaaxaas lacageed oo la ii sheegay in ay kala qaybsadaan ciidamada waddooyinka iyo dawladda hoose ee Hargeysa. Waxaanan sidaas kula soo baxay baabuurkii oo dhinac walba aan ka eegay oo aanay waxyeelo soo gaadhin.

Muddadii koobanayd ee aan joogay xeradaas, waxaan dareemay in ciidanka ilaalada waddooyinka la qalabeeyay oo ay ka duwan yihiin sidii sannado ka hor xafiisyadooda iyo agabka ay ku shaqeeyaan ahaan jireen. Wiishkan lagu qaadayo baabuurta yaryar, ayaa qayb ka ah tadawurka ay ku tallaabsadeen.
Sidaas awgeed, waxaan jeclaystay inaan gaadiidlayda iyo dirawalada baabuurta dareen siiyo in ciidanka nabadgelyada waddooyinku ay maaro u heleen gaadiidka inta meel khaldan la dhigo askarigu sugi jiray inta uu ka imanayo. Waxa ay heleen wiish yare markaba la boodaya oo geynaya xaruntoodii. Ugu dambayn waxaan raaligelin ka bixinayaa khaladaadkaygii, waxaanan u hambalyaynayaa ciidammada nabadgelyada waddooyinka iyo Taliyahooda oo intii awoodooda ah shaqo muhiim ah dalka u haya.

Cumar Maxamed Faarax
Guddoomiye Ku-xigeenka Dawan Media Group
Ahna Tifaftiraha guud ee Wargeyska Dawan