Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal Durmar ka soo Digo-rogtay WADDANI

0
920

Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal Durmar ka soo Digo-rogtay WADDANI

Hargeysa (WSN)- Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey taageerayaal dumar ka kooban oo ka soo digo-rogtay xisbiga WADDANI.

Xaflad lagu qabtay hoolka Cali Maarshaal ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa maanta, kana qaybgaleen hoggaanka garabka haweenka xisbiga, masuuliyiin dumar ah oo xilal ka haya xukuumadda iyo xubnaha madaxda ka soo digo-rogtay WADDANI taageerayaasha oo ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa iyo xubno ka kala socday Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaas oo madasha ka sheegay inay quus ka taagan yihiin siyaasadda xisbigoodii hore, isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan oo la shaqeeyaan xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE, iyadoo masuuliyiinta Garabka haweenka xisbal-xaakimkuna kaga dareen celiyey qaabilaad kal iyo laab ah, waxaanay u caddeeyeen inay go’aamada iyo talooyinka xisbigaba si furan uga qaybgali doonaan.

Marwo Aamina Daynamo oo ka mid ah xubnaha haweenka ah ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa sheegtay inay jaha-wareer ka qaadeen siyaasadda xisbigii ay hore uga tirsanaayeen ee WADDANI, maadaama ay hoggaamiyayaasha xisbigaasi shirar qarsoodi ah dhawaan dalka Kenya kula galeen xubno siyaasiyiin xilal ka haya dawladda Xamar, waxaanay tidhi, “Annagaa iskayo u go’aansanay inaannu ka baxno xisbigii aannu ka tirsanayn ee WADDANI, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu dalkaba ku wado dhinaca Soomaaliya oo uu hoggaankiisu shirar qarsoodi ah la galay siyaasiyiin Soomaaliya, waxaannu ku qanacnay inaannu la shaqayno oo ku biirno xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE oo aannu u aragno inuu dalka guul ku hoggaamin karo, codkayaga iyo cududayadaba waanu la garab taaganahay.”

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay haween kale badan oo xubno ka ah taageerayaasha cusub oo ay ka mid ahaayeen Marwo Maryan Cadarre, Nadra Maxamed Jaamac iyo Shuun Aadan Cabdilaahi, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah u qiray inay la dhaceen siyaasadda iyo nidaamka uu dalka ku hoggaaminayo xisbiga KULMIYE, isla markaana ay ka niyad-jabeen habka uu wax u wado xisbigii ay ka yimaadeen ee WADDANI.

Marwo Caasha-hinda Xuseen, Marwo Hodan Axmed Cabdi iyo Sitiin Xasan Jaamac oo ka tirsan saraakiisha sare ee Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub iyo taageerashooda ku soo biiray, waxaanay xuseen inay yimaadeen xisbi aan cidi ka xigin iyo madal furan oo ay aragtidooda si xor ah uga dhiibanayaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE Marwo Dalays Shire Faarax, ayaa iyaduna si diirran u qaabishay taageerayaasha cusub, waxaanay tidhi,  “Waxaan soo dhaweynayaa haweenka ka soo baxay xisbiga WADDANI ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE, waxaanan leeyahay taageeradiina waanu u baahannahay, xisbigu waa xisbigiinii, idinkuna intii tirada yarayd ee naga maqnayd baad ka mid tihiin, waana hubaal inaad guusha xisbiga qaybtiina qaadan doontaan sidii aad berigii horeba u qaadateen.”
Agaasimaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Gaydh, ayaa hadallo qaabilaad hambalyo iyo bogaadin ah u jeedisay haweenka faraha badan ee ka kaga yimi dhiggooda WADDANI, waxaanay si gaar ah farta ku fiiqday in dadweynaha deegaanka Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd ay ku suntan yihiin guulihii Somaliland hore u gaadhay iyo kuwii xisbiga KULMIYE-ba, “Waan soo dhaweynayaa haweenka kasoo jeeda Axmed-dhagax oo ah deegaan ku suntan guulaha KULMIYE iyo kuwa ay Somaliland gaadhayba, waan hubaa inaad dhiig cusub ku sii kordhin doontaan xawaarihii uu xisbigu ku socday, waanan idiin hanweynahay haddaanu KULMIYE nahay,” ayey tidhi Agaasime Khadra.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa soo dhawayn kadib ku tilmaantay taageerayaashan cusub xoog yimi KULMIYE xilli loo baahnaa, “Haweenka nagu soo biiray waxay yimaadeen xilli loo baahnaa oo ay doorashadu soo dhawaatay, taageeradiina mar walba xisbigu wuu u baahanyahay, la’aantiina wax baa naga dhinnaa, iminkana xisbi aad leedihiin oo aan cidina idinka sheeganayn baad timaadeene ku bishaaraysta,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Marwo Canab Cumar Ileeye.