Goolhaye ku dhimatay badda Mediterranean

0
383

Xiriirka kubadda cagta ee Gambia ayaa sheegay in goolhayaha xulkooda gabdhaha ay ku dhimatay badda Mediterranean, ayadoo dooneysay in ay noolal wanaagsan ka hesho Yurub.
Fatim Jawara ayaa ahayd 19 jir.
Waxaa lagu soo warramayaa in ay Gambia ka tagtay laba bilood ka hor, ayadoo doonta ka raacday xeebaha Liibiya.
Doonidii ay la socotay ayaa ku qalibantay badda Mediterranean-ka.
Gambia oo ah dal ay ku noolyihiin dad ka yar laba milyan oo qof, ayaa waxa uu ka mid yahay waddamada ay ka tagaan muhaajiriinta ugu badan ee gaara dalka Talyaaniga.
Shacabka dalkaasi ayaa ka carara dhaqaalo xumi iyo dowladda oo xukun adag.
Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in sanadkan oo keliya dad ka badan saddex kun oo qof ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka