Gud Cirro: Haddaad u Hanweyntay Hogaanka Dalka, UMMADDA Haw Horseedin HADDIMO! Farduus Cabdiraxmaan-Faruusabdi@gmail.com

0
391

Gud Cirro: Haddaad u Hanweyntay Hogaanka Dalka, UMMADDA Haw Horseedin HADDIMO!

Farduus Cabdiraxmaan-Faruusabdi@gmail.com

Salaanta Islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan ummadda samaha jecel ee reer Somaliland u soo bandhigo dhaliilo dul-hoganaya heshiis la sheegay inay wada saxeexdeen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillahi (Cirro) iyo qeyb ka mid ah koox ka baydhay nidaamkii iyo xeerarkii xisbiga Kulmiye, ka dibna go’aamo lagu anshax-mariyey laga soo saaray.

Gudoomiye Cirro, oo marka laga tago xilkiisa xisbiga Waddani, ah Gudoomiyaha Gollaha Xeer-dejinta Qaranka ee Wakiilada, isla markaana, waajibaadka koowaad ka saaran yahay ku dhaqanka shuruucda iyo DASTUURKA dalka, ayaa NASIIB-DARO ninkii laga eegayey ilaalintooda, uu noqday ka ugu horeeya jebintooda, xilli uu weliba ummadda ka doonayo inay hogaankooda u doortaan? Bal ila eega inta dhaliilood & sharci-jebin ee ka dhacay madal uu sheegay Gud. Cirro inuu kula midoobay koox lagu sheegay Isbahaysiga Kulmiye, balse sharciyan aan xaq u lahayn in loogu yeedho ama lala xidhiidhiyo.

Kooxda Gud Cirro muuqaalka soo bandhigay sawiradooda, kuna sheegay inay ka tirsanaayeen isbahaysiga Kulmiye ayaa gebi ahayn siduu u sheegay, isla markaana isugu jiray qaar aan kuba jirin oo xidhiidh iyo abtirsiimo ay wadaagi jireen xisbiga Kulmiye aanu jirin, balse loo yaqaanay XIL-KU-KULMIYE, taasina dhamaatay markii ay iska casileen xilalkii, qolo kale oo sharciyan uga tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye ayaa markii ay ka baydheen shuruucdii iyo nidaamkii, anshaxmarin lagaga saaray xisbiga Kulmiye, halka qolo saddexaad aanay midna soo gelayn, taasina noqonayso BEEN-ABUUR CAD, oo sharciyan uu ku mutaysan karo ciqaab dembigeeda.

Heshiiska uu la saxeexday shaqsiyaadka ayaa lagu caddeeyey qodobadiida inay ilaalinayaan, kuna dhaqmayaan xeerarka iyo shuruucda Dastuurka, balse isla heshiiskaasi uu yahay mid sharcidaro ah oo ka horimanaya xeerarka guddiga ururada iyo xisbiyada, isla markaana baalmarsan yahay nidaamka u dhigeen in qaab-dhismeedka xisbiyadu ku salaysnaadaan.

Gudoomiye cabdiraxmaan Cirro waxuu khudbad uu ka jeediyey madashii uu ku lamaaneeyey magac xisbi aanay sharciyan xaq u lahayn, loona baahna ain hogaanka xisbiga Kulmiye uga furto dacwad ka dhan ah hay’adaha ay khusayso, inuu ku soo kordhiyey xil cusub oo la yidhaahdo HOGAAMIYE, balse aan meelna lagaga caddeyn heshiiska dhexmaray kooxda ku biirtay, taasoo sharciyan khalad ah, loona baahan yahay inay dhinacyada ay khusayso ka dalbadaan inay sharciga la mariyo, si aanay mustaqbal-dhow ugu abuurin ummadda Somaliland FIDMO iyo QALALAASE aan loo baahnayn.

Haddaba, hadii Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Gollaha Wakiilada maanta AQOON-DARRO ama ULA-KAC u jebiyey xeerarkii iyo shuruucdii dalka u yaalay, isla markaana weli ummaddu maqlin jawaab ay ka bixiyeen hay’adaha ay khusayso, maxay ummadda Somaliland ee uu codkooda doonayo mutaysan doonaan berri, hadiiba ay doortaan, inkastoon anigu filayo ninkan ay maanta arkaan dhaliilahiisa, inaanay ku aamini doonin masiirkooda berriye!
Waxaan si taxane ah ummada ugu soo bandhigi doonaa dhaliilo tira-beelay oo dul-hoganaya hogaanka xisbiga WADDANI iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo caddeymahooda wata, maantana kaga baxayaa ereyo abwaan Axmed Aw Geedi hore u yidhi ee “RUNTA OON QAYAXA & INAAN KHALD TILMAAMAA, QASTIGAYGA WEEYAAN!