Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo U Kuur Galaya Caddaaladda Gobolka Togdheer, Sharaxaad Dheeri Ahna Ka Bixiyay iscasilaadda Garsooreyaasha Awdal

0
411

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo U Kuur Galaya Caddaaladda Gobolka Togdheer, Sharaxaad Dheeri Ahna Ka Bixiyay iscasilaadda Garsooreyaasha Awdal

Burco(Warsugan) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dastuuriga ah Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo uu ugu kuur galayo xaaladda Garsoorka iyo heerka caddaaladda. Waxa uu sheegay inuu dhawr maalmood kulamo la qaadan doono qaybaha Garsoorka si uu xaaladdooda u ogaado, sidoo kalena darsi doono dareenka bulshadu ka qabto hannaanka caddaaladda ee gobolka Togdheer.Sidoo kalena wuxuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyay iscasilaadda maamulka u sareeya ee gobolka Awdal, kadib markii Idiris Faarax Muuse oo ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Awdal iscasilay.Masuulkan oo ugu sareeyay garsoorka Awdal wuxuu galaaftay Garsooreyaal kale oo gobolka ka hawl galayay.

Guddoomiyaha ayaa sharaxay ujeedka safarkiisa Burco“Maxkamaddaha oo dhan ayaa soo kormeeray, mid-midna waan u eegnay, maxkamadda Rafcaanka, Maxkamadda Gobolka, ta degmada iyo xeer ilaalinta. Waxaan la kulmay madaxdii oo shaqaynaysa, waxa kale oo aan la kulmi doonaa bahda garsoorka oo dhan oo garsooreyaasha, xeer ilaaliyeyaasha iyo Kaaliyeyaasha isugu jira, waanu is waraysan doonaa,” ayuu yidhi guddoomiye Aaadan
Prof Aadan Xaaji Cali, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha keenay iscasilaadda nus darsin ka mid ah bahda garsoorka ee gobolka Awdal, kuwaasi oo Khamiistii iyo Jimcihii iska casilay xilalkii.Waxa uu sheegay in guddoomiyaha Rafcaanka ee gobolkaasi xilka si ku meel gaadh ah looga hakiyay kadibna uu ku kacay arrinta iscasilaadda ah.waxa uu kale oo uu tilmaamay in Garsooreyaal ku cusub bahda Caddaaladda ay yihiin ilaa 5-ta Garsoore ee iscasilay.

“Idiris wuxuu guddoomiyaha Rafcaanka Awdal noqday 2016, wuxuu hayay 8 bilood.Waxa ka timid cabasho badan, taas oo ku saabsan wada shaqayntii maamulka ee uu madaxda u ahaa maadaama uu ahaa madaxii u sareeyay ee Garsoorka gobolka Awdal.Guddoomiyaha Rafcaanku waa inuu isku wado maxkamaddaha gobolka, degmooyinka iyo Rafcaanka, sababtoo ah isagaa ugu sarreeya, markaa cabasho xoog leh oo maamul ayaa ka timid, taas oo ay baadhis ku bilawday guddida baadhista iyo dabagalka oo natiijadana u gudbisa guddida Caddaaladda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare.
Sidoo kalena guddoomiyaha ayaa sheegay in nidaamku yahay in shaqada laga sii joojiyo masuulka inta baadhistu ku socoto balse markii loo sheegay uu iscasilay “Maalin dhawayd ayaan xafiiskayga ugu yeedhay oo aan ku idhi baadhistaas ayaa kugu socota ee si aad adna isu difaacdo oo aad go’aan caddaaladeed u hesho oo aad uga jawaabto wixii cabasho lagaa qabo xilkii kumeel gaadh ahaan baan kaaga sii wareejiyay, waxaanan u wareejiyay Maxamed Siciid Saaweer oo Garsoore ka ah maxkamadda Rafcaanka Awdal, isna waxaan u soo bedelay garsoore maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ah, markii aan ogaysiiskaa siiyay ayuu sheegay inuu iscasilay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyaha iscasilay abaabulay garsooreyaal ku cusbaa Garsoorka oo muddo kooban shaqaynayay islamarkaana aanay qaarkood hal kiisna ka garnaqin.Waxa uu sheegay inay yihiin dhalinyaro uu isagu tababaray markii ay garsoorka galayeen, haddana aanay tusaale u noqon karrin kontomeeyo bahda garsoorka ah oo gobolka Awdal iyo Salal ka hawl gala. Waxa uu sheegay inaanay jirin cabasho ay soo gudbiyeen oo ku aaddan eedahooda ku saabsan inay xuquuqda shacabka difaaci waayeen, lana faro galiyay, isagoo hoosta ka xariiqay in Garsoorku yahay hay’ad madaxbannaan oo hay’adda fulinta iyo sharci dejinta barbar taagan, cidna aanay faro galin karrin.

Xigasho Wargeyska Warsugan