Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii iyo shacbiga sland Dr. Cali Maxamed Cilmi Oogle (Cali-badhdhan) awgeed

0
904

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Dr. Cali Maxamed Cilmi Oogle (Cali-badhdhan) oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta oo taarikhdu tahay 23/06/2016.
Dr. Cali Maxamed Cilmi (Cali-badhdhan) waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirtii kaalinta muhiimka ah ee aan la hilmaami karin ka soo qaatay hawlaha caafimaadka ee dalka, gaar ahaan Gobolka Togdheer, dhismihii dawladnimada Somaliland iyo hirgelintii nabadaynta dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Dr. Cali Maxamed Cilmi (Cali-badhdhan) aqoonyahan wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiisaba, isla markaana uga faa’iideeyay mihnadiisa caafimaad Shacabka Somaliland.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE