Gudoomiye Muuse Biixi oo tacsi u diray Qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdirashiid Cali Cilmi oo ka mid ahaa xildhibaannadii u horreeyey ee golaha degaanka degmada Boorama

0
353

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga
waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuum Cabdirashiid Cali Cilmi (Soomane) oo ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal xalay 22/06/2016.

Marxuum Cabdirashiid Cali Cilmi oo ka mid ahaa xildhibaannadii u horreeyey ee golaha degaanka degmada Boorama, waxaannu ka mid ahaa odayaashii miisaanka lahaa ee soo maray golaha deegaanka, isla markaana waxa uu ka mid ahaa ganacsatada ka qaybqaadatay horumarka dalka.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuum Cabdirashiid Cali Cilmi inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE