Hakad ku yimid doorashada xubnaha labada aqal ee gobolada Waqooyi

0
335

Doorashada xubnaha labada aqal ee gobolada Waqooyi oo maanta kasii socon laheyd xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yimid hakad kaddib markii la sheegay in loo rarayo doorashadaasi meel kale, sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Guddiga federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban iyo guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ayaa diidan qorshaha la doonayo in doorashada labada aqal loogu wareejiyo xarunta Xalane oo ah goob amnigeeda aad u adag, waxaana ay arrintani imaaneysaa xilli la sheegay in faragelin lagu soo sameeyay.

Ma cadda wali sababta dhabta ah ee looga rarayo doorashadani goobtii ay shalay ka bilaabatay ee lagu doortay guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Mahad Cabadalla Cawad ee xarunta gaadiidka booliska ee degmada Cabdi Casiis.