Hal Qof Oo Xalay Lagu Dhex Dilay Badhtamaha Magaalada Hargeysa

0
340

Hal Qof Oo Xalay Lagu Dhex Dilay Badhtamaha Magaalada Hargeysa.
Waxaa xalay badhtamaha magaalada Hargeysa lagu dhex dilay hal qof oo aan wali si rasmi ah loo aqoon cidda uu yahay iyo cidda dishay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu yahay wiil waxaana lagu dilay agagaarka fooqa Ilama Faarax Joome oo ku yaalla badhamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, waxana lagu dilay marxuumka sida lanoo sheegay Mindi.

Ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa danbi baadhista oo tagay goobta ayaa waxa ay meydkiii ka qaaden goobta isla markaana ay dhawr qof u qab qabteen.