Hargeysa: Murrashax ku Dhawaaqay inuu u tartamaya Golaha Wakiillada iyo cududda taageerayaashiis

0
343

Hargeysa: Murrashax ku Dhawaaqay inuu u tartamaya Golaha Wakiillada iyo cududda taageerayaashiis

Nuxurka Khudbaddo isugu jira Duco iyo dar-daaran oo laga jeediyey Munaasibad lagu shaaciyey Murrashaxnimada Eng. Axmed Cabdi Ibraahim + sawirro

vlcsnap-0420-05-13-11h17m25s534

Hargeysa(Warsugannews)-Munaasibad balaadhan oo uu hankiisa Murrashaxnimo ee doorashada Golaha wakiillada kaga dhawaaqay Murrashax Eng. Axmed Cabdi Ibraahim , ayaa xalay lagu qabtay Hudheelka Niil ee Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen Boqolaal kamid ah Taageerayaasha Murashaxa, Madaxdhaqameedyo, Siyaasiyiin, waxgarad, Aqoonyahanno iyo Culimo-awdiin.
Murrashax Axmed Cabdi Ibraahim oo kamid ah Murrashaxiinta isu soo taagay Doorashada Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex, ahna Nin aqoonyahan ah oo muddo dheer ka shaqaynayey Hay’addaha Waddaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee dalka ka shaqeeya, ayaa Xaflada uu kaga dhawaaqay Murrashaxnimaddiisa waxa khudbaddo kala duwan ka jeediyey Xubno isugu jira aqoonyahano,waxgarad iyo Siyaasiyiin, kuwaasoo ka waramay mowqifkood ku aaddan taageerada ay la garab taaganyihiin Murrashaxan.
Chief. Caaqil , Maxamed Aw Cismaan Muxumed (Baxar), Caaqil Ibraahim Nuux, Caaqil. Xasan Cismaan Khayre, Caaqil Axmed Ibraahim Aw Ismaaciil, Caaqil Axmed Ibraahim Wagar, Cabdi Maxamed Cilmi, Mowliid Axmed, Axmed Aw Xuseen Fure, oo halkaas ka hadlay dhamaantood ku dhawaaqay inay si buuxda u taageersanyihiin Murrashaxan, isla markaana hiil iyo hooba la garab joogaan, Deegaan ahaana ay isku raaceen Murrashaxnimada Axmed Cabdi Ibraahim.
Ibraahim Qaasim Cismaan oo ka mid ah Qurbo-jooga reer Somaliland, isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Murrashaxnimada Axmed Cabdi Ibraahim , isagoo xusay inay qurbo-joog ahaan dhankooda garab istaagi doonaan Murrashaxan. “ qurbo-joog ahaan waanu soo dhaweynaynaa Murrashaxan Beeshu isku raacday ee la soo xulay, waxaanan rejaynayaa inuu guulaysan doono haddii aan codkeena iyo tamarteenaba la garab joogsano” ayuu yidhi.
Deeqa Dayib Aw Muuse oo ku hadashay Afka Haweenka iyo Dhalinyarada ka soo qayb-galay Xaflada ayaa ugu baaqday Bulsho-weynta reer Hargeysa inay codkooda ku taageeraan Murrashax Axmed, waxaanay tilmaantay inuu yahay Nin Aqoonyahan ah oo ka soo bixi kara Xilka uu u sharaxanyahay.
“Axmed waa Nin Aqoonyahan ah, waa Nin howl-kar ah, waa Nin ka soo bixi kara kaalinta Xildhibaannimo ee uu isu sharaxay, waxaan leeyahay maanta aynu ugu hiilino codkeena “ ayey tidhi Deeqa Dayib Aw Muuse.
Chief Caaqil Maxamed Aw Cismaan Muxumed oo kamid ah Nabad-doonada Gobolka Maroodi-jeex oo halkaa isna ka soo jeediyey haddalo isugu jira dardaaran iyo duco, ayaa sheegay inay cuqaal ahaan kalsooni buuxda iyo taageero la garab taaganyihiin Murrashaxa , isla markaana loo baahanyahay in lays garab taago oo aanay beeshu ku kala qaybsamin. “ waxaan leeyahay axmed wuu soo baxay mar hadaan inteenaasiba caawa taageero u muujisay, waanan ku ducaynay oo xagga alle ayuu ka soo bixi inshalah”ayuu yidhi Caaqil Maxamed Aw Cismaan oo kamid ah Cuqaasha Beesha Murrashaxan doortay, isagoo intaas ku daray “ kuwa hadhow soo bixi doona ee doonaya inay dhinac ordaan waxaan leeyahay maanta cid kale oo meel kale ordaysa oo dadka kala jebinaysa yeeli mayno” .
Dhamaan cuqaasha iyo wax garadka kale ee munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Murrashax Axmed Cabdi Ibraahim, waxaanay ka digeen cid kasta oo beeshiisa kamid ah oo iska barbar sharaxda,isla markaana saameysa taageerada iyo tawqfiiqda Beesha, iyagoo dhanka kalena duco u qadimay qof kasta oo u hanqal taagaya Murrashaxnimada Golaha Wakiillada oo ka soo jeeda Beesha, ugu duceeyey inay u tanaasulaan Murrashaxan Beeshu taageertay.
Murrashax Axmed Ibraahim oo gabagabadii Xafladaas hadlay, ayaa mahad-naq ku wajahan taageerayaashiisa , kaddib ka waramay qorsheyaashiisa ku aaddan Mustaqbalka haddii uu ku guulaysto Doorashada Golaha Wakiillada .
Waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono biyo-yaraanta, Shaqo la’aanta Dhalinyarada iyo arrimaha dhaqaalaha, kuwaasoo uu xusay inuu dedaal badan ka geli doono sidii baarlaman ahaan ay door muuqda uga qaadan lahaayeen kobcintooda, isagoo intaas ku daray inuu khibrad iyo waayo-aragnimo u leeyahay horumarinta arrimaha Bulshada iyo Maamulka Dawliga ah. “ waxyaabaha aan doonayo inaan ka shaqeeyo waxa kamid ah arrimaha nabad-gelyada iyo wada noolaanshiyaha Bulshada. Waxa kale oo kamid ah Dhalinyarada waxbarashadooda iyo sidii loo hagaajin lahaa.” – “ magaalada Hargeysa ee lagu haraadanyahayna biyo la’aan mayso haddii illaahay yidhaahdo oo uu nagu guuleeyo Kursiga,dedaal badana waan ka geli doonaa” ayuu yidhi Axmed.
Murrashax Axmed Cabdi waxa uu ku cel-celiyey inuu xoogga saari doono sidii loo xalin lahaa shaqo yaraanta Dhalinyarada iyo Tahriibka.
Geesta kale, Munaasibadan ayaa intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay Ciyaaro hidaha iyo Dhaqanka ah iyo Suugaan kale oo ay ka qayb-galeyaashu ku cabirrayeen dareenkooda Taageerada Murrashaxa ay doorteen.IMG_0687 IMG_0684 IMG_0683 IMG_0682 vlcsnap-9093-09-25-15h11m51s000 vlcsnap-7088-10-06-18h25m52s792 vlcsnap-6738-11-04-22h18m18s995vlcsnap-5731-07-06-03h45m32s938 vlcsnap-4930-12-02-08h06m47s543 vlcsnap-4570-06-01-17h35m20s267 vlcsnap-4187-11-30-14h06m20s941 vlcsnap-3691-10-19-01h10m22s190 vlcsnap-3393-08-18-02h10m24s615 vlcsnap-3094-07-13-15h37m18s674 vlcsnap-2501-08-27-20h25m28s388 vlcsnap-1510-10-13-04h44m02s065 vlcsnap-0866-02-25-07h36m24s268 vlcsnap-0420-05-13-11h17m25s534vlcsnap-1510-10-13-04h44m02s065 vlcsnap-0866-02-25-07h36m24s268 vlcsnap-2501-08-27-20h25m28s388