Hooyo Raalli ahow! Qiso dhab ah oo naxdin iyo xannuun badan By: Jaamac Muuse Jaamac

0
604

Hooyo Raalli ahow! Qiso dhab ah oo naxdin iyo xannuun badan By: Jaamac Muuse Jaamac

Waa xalay 8.45 fiidnimo [habeennimadii Arbacada]. Xaafadda Xalane, magaalada Boorama, xarunta Gobolka Awdal, jagada bannaan ee dhagaxa yar yaal, ee dayrka iyo guriga dhisan u dhexaysa. Saddex bacood oo madmadow. Saddex ey oo midabyo leh. Gurxan iyo sanqadho dhiillaysan. Nafo soo ambaday oo aan se doonayn inay si yar dib ugu noqdaan halkan. Mid waxa ku jira bootar, saliid ‘baby oil,’ saabuun, qasacad caano baladi ah iyo laba tuwaal oo yaryar, bacduna afka ayey ka xidhan tahay.

Labada bacood ee kale, ee iyana madmadow, afka kama xidhna. Midna Samir baa ku jirta, midna Nasiib. Samir way ooyaysaa, Nasiibna lugahay ka girifgirifsiinaysaa. Samir waa qayladhaan oo farriin bay diraysaa oohin ay sii marinayso, Nasiibna waa difaac oo girifgirita lugeheedu saqandha ay ku samayseynayaan bacda ayey eyda meesha ka gurxamaysaa ku dhici la’yihiin.

Samir iyo Nasiib waxay xidhan yihiin laba diric oo shiid ah; mid waa madow, midna waa casuus dhalaal xiga. Xudduntii baa ku taalla labadaba oo aad mooddo inay xorgogtay. Waa mataano. Qiyaastii laba caana-maal uun bay go’nayd xundhurtu.

Afada ku soo raagtay shaqada ee meesha maraysay ayaa maqashay gurxanka eyda iyo sanqadha dhiillaysan. Way soo qaadatay labadii hablood. Jaarka xaafadda ayey u yeedhay. Saldhiggaa la geeyey. Xalay (habeen hore) way seexisay oo sharcidarraa loogu oggolaaday inay hayso. Xaafaddu caano ayey u soo ururisey, saakana (shalay subax) waa loo sharciyeey oo labada magaca ee Nasiib iyo Samir ayaa loogu magac-bixiyey, odeygeeda oo aanay carruur hore isu dhalinna waa lagu qoray.

Hooyadii dhashaay raalli noqo. Waan kula damqanayaa. Dambiga bulshadaa iska leh. Eed lagaa galay. Xannuunka markaad bacda sahayda u diyaarinaysay wuu ka daran yahay kii markii aad foolanaysay ku hayey. Kii wallacii iyo kii culayska laba mataanood. Waan hubaa xannuunkaas. Ma dareemi karayo anigu inta uu le’egyahay oo adiga ayuun baa dareemi karee, hooyo raalli ahow. Bulshooy dib isugu noqo. Aammus oo isla showr kaligaa. Wax weyn baa innaga dumay. Hooyo adiguna raalli ahow markale.

FG: Sheekadu waa dhab, waana xalay (habeen hore), waxa uun beddelan magacyada loo bixiyey hablaha; mataanuhuna maanta reerkoodii cusbaa bay la joogaan, waanay caafmaad qabaan. Alle ha barakeeyo.