Ibrahimovic Oo Sheegay In Hamigiisa Ugu Weyn Yahay Inuu la Mid Noqdo Ronaldo

0
712

Weeraryahanka kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday in uu wakigiis ku riyoon jiray sidii uu ula mid noqon lahaa Ronaldo. Xiddiga reer Brazil Ronaldo ayaa wacdaro ka sameeyay waayihiisii kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Inter isagoo ahaa gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda koobka adduunka. Ibrahimovic oo mustaqbalkiisa ku qaatay kooxaha waaweyn ee Barca, AC Milan iyo Paris Saint-Germain ka hor inta uusan u dhaqaaqin Old Trafford ayaa sheegay in ciyaaryahan sare oo aan la gaarin Karin waqtigaan casriga ah yahay Ronaldo. “Waxaan qabaa in Ronaldo uu ahaa mid cajiib ah,” ayuu u sheegay barnaamijka United Review oo ka baxa Man U Tv. “Waxa uu ahaa ciyaaryahan wax kasta sameeyay inta uu kubadda cagta kujiray ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic.