Khatarta Somaliland Kaga Imankarta Qaabka Cusub Ee Madaxweynaha Somalia Damacsanyahay

0
440

Khatarta Somaliland Kaga Imankarta Qaabka Cusub Ee Madaxweynaha Somalia Damacsanyahay

Hadaan Ku Bilaabo Gogol Dhiga Maqaalkayga Sida Aad La Socotaan Waxaa In Mudo Ah Soo Socday Wadahadalo U Dhaxeeya Somaliland Iyo Somalia Kuwaas Oo Ka Soo Baxay Shirkii Dowlada Ingiriisku U Qabatay Guud Ahaan Dalkii Laysku Odhan Jiray Jamhuuriydda Somalida (Somali Republic) Shirkaasi Oo Ka Dhacay Magaalada London Sanadkii Labada Kun Iyo Koobiyo Tobanka )2011) Waxaa Dhamaan Beesha Caalamku Isku Raacday In Somalia Iyo Somaliland Ay Kawada Hadlaan Xidhiidhkood Mustaqbalka Intii Wakhtigaa Ka Danbaysay Waxaa Jiray Kulama Dhowr Ah Oo Ay Isugu-Yimadeen Labada Dhinac Inkastoo Wadahadaladu Ku Bilaabmeen Si Niyadsami Ah Markii Hore Hadana Cagajiid Iyo Daacad La,Aan Kayimi Dhinaca Maamulka Muqdisho Ayaa Sababay In Ay Midhadhaliwayaan.
Hadaba Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Ayaa Doonaya In U Xeelad Cusub Ku Wajaho Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland Waxaana Kamid Ah.

• Kow In U Gebiahaanba Bedelo Intijaahii Hore Ee Wadahadaladu Ku Socdeen
Kuna Bedelo Qorshe Cusub Oo U Gaar Ah Somalia Qorshahaasi Oo Ah Colka Wadhaf Malagu Deyay, Kadib Markii Somalia Ku Guulaysan Wayday Hadafkeedii Wadahadalada Ay Ka La Hayd Oo Ahaa Wax Ay Ugu Yeedhaan Midnimada Somalia.

• Labo Qorshaha Cusub Ayaa Lagu Badh-Tilmaameesanayaan Dhalinyaradda, Culima Awdiinka, Madax Dhaqameedka, Bahda Suugaanta, Iyo Aqoonyahanka Somaliland. Inkastoo Ay Tahay Mid Keli Ku Ah Maamulka Somalia Islamarkaana Ayna Ka Suurta Gelikarin Dhinaca Somaliland Ayaa Hadana Arintayni Waxaay Muujinaysaa Sida Somalia U Ogsoontahay In Lagaga Garhelayo Miiska Wadahadalada. Qorshaha Cusub Ee Dhagaraysan Ayaa Waxaa Kamid Ah In Loo Gacan Haadiyo Dayarta Reer Somaliland Ee Ku Barbaaray Qaranimada Somaliland Wax Yaabaha Loogu Gacan Haadinayo Waxaa Kamid Ah In Ay Xamar Yimaadaan Si Loo Siiyo Shaqooyin Iyo Xilal Quudheed Si Looga Bedelo Waxa Ay Aamin Sanyihiin Oo Ah Gooni-Isutaaga Somaliland . Marka La Eego Meesha Dowlada Somalia Ka Shaqayso Waa Magaalada Muqdisho Oo Nolol Ahaan, Dhaqaale Ahaan, Iyo Amaan Ahaanba Aad Uga Liidata Casimada Somaliland Ee Hargaysa. Sidookale Qorshaha Muqdisho Waxaa Kamid Ah In Iyadoo Loogu Dhuumanayo Siyaasad In Laga Weeraro Somaliland Dhinaca Suugaanta Oo Ay Hodan Ku Tahay Somaliland Waxaana Jira Fanaaniin Horeba U Tegay Xamar.

Ugu Danbayntii Waxaa Xukuumada Somaliland La Gudboon In Ay La Timaado Istaraatiijiyada Cusub Oo Ku Wajahan Gudaha Iyo Dibadaba Ugu Horayn Arimaha Gudaha Waa In Ay Xukuumaddu Iyadoo Kaashanaysa Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshadeeda Keentaa Barnaamiji Cusub Oo Lagu Abaabulayo Laguna Dhiiri Gelinayo Dhalinyarada Somaliland Iyo Bahda Suugaanta Si Looga Hortago Meelaha Cadawgu Ka Soo Gelikaro Waddankeena Illaa Iyo Hada Lama Hayo Wax Barnaamij Ah Xukuumadda Somaliland Ugu Talagashay Dhalinta Somaliland Ee Tahriibaya Qaarna Ay Somalia U Gacan Haadinayso.
Arimaha Dibada Gaar Ahaan Somalia, Wa In Xukuumadu Ka Feejignaataa Dhagaraha Maamulka Somalia U Maleegayo Somaliland Marka Laga Tago Faragelinta Indha La,Aanta Ah Ee U Somaliland Ku Hayo Sidookale Maamulka Muqdisho Wuxuu Doonayaa In U Kala Dagaalamo Somaliland Dhinaca Horumarka Waxaana Daliil U Ah Mowqifka Ay Ka Qaateen Maalgelinta Dekeda Berbera Iyo Saldhiga Militery Ee Imaraadku Ka Samaysanayo Magaalada Berbera Mashaariicdaasi Oo Somaliland Faaiido Wayni Ugu Jirto Madaxweynaha Somalia Farmaajo Iyo Maamulkiisuba Waxaay Sida Fiinta Uga Qayliyeen Heshiiska Dhexmaray Somaliland Iyo Imaraadka Carabta Ee Ku Saabsan Horumarinta Dekeda Iyo Saldhiga Ciidan. Inkastoo Farmaajo

Una Waxa La Hadhin Hadana Kumuu Guulaysan Hadafkiisii Ahaa In U Carqaladeeyo Horumarka Somaliland U Soo Kordhay Wuxuuna Bedelkeedii Helay In Xidhiidhkii Imaraadka Iyo Muqdisho Go.o inkastoo markii danbe u dhexdhexaadiyay sucuudigu.

Wa bilaahi towfiiq
Cabdixaafidm2016@gmail.com