KULAN ISBARASHO AH OO DHEX MARAY WAFTI UU HOGAAMINAYO MAAREEYAHA WADOOYINKA SOMALIILAND,(SRA) IYO URURKA ARDAYDA JAALIYADA KU NOOL WADAN KA MALAYSIA

0
369

KULAN ISBARASHO AH OO DHEX MARAY WAFTI UU HOGAAMINAYO MAAREEYAHA WADOOYINKA SOMALIILAND,(SRA) IYO URURKA ARDAYDA JAALIYADA KU NOOL WADAN KA MALAYSIA

Malaysia(WSN)Kulan is barasho ah oo dhex maray urur ka ardayda iyo jaaliyada Somaliland ee Malaysia iyo wafti balaadhan oo ka socda qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Maareeyaha wadooyinka Somaliland MUD (XASAN CALI CUSMAAN ) kana dhacday wadan ka Malaysia gaar ahaan caasimadiisa kuala lumpur.
Kulankaas oo gudida ardayda oo uu horkacayo gudoomiyaha ardayda ee Malaysia NURADIN IBRAHIM HASSAN. Ugu horayn waxaa furay kulan ka gudoomiyaha ardayda iyo jaaliyada Malaysia waxaanu uga mahad naqay waftiga wakhtigooda ay la qaateen ardayda iyagoo hawlo ka muhiimsan lahaa hadana wakhti u huray inay ardayda wakhti kooban la qaataan.
Halkaas waxa kale oo ka hadlay madaxa xidhiidhka caalamiga ee hay’ada wadooyinka (YASIN ADEN) ugana waramay ardayda xaalada guud ee wadanka halka ay marayso. Ugu danbayntiina waxaa soo gunaanaday kulan ka maareeyahay wadooyinka Somaliland oo waftiga hogaaminayay kuna gubaabiyay in ardaydu wadanka wax kula soo noqdaan wadanka, wadankuna baahi wayn u qabo cilmi iyo maskaxo kala duwan oo wadan ka la galiyo si wadan ka loo hurumariyo. Ugu danabyntiina waxaa halkaas ardaydu ku maca salaameeyeen waftiga oo safar koodu dhamaaday kuna sii jeeda caasimadii wadanka ee Hargaysa.

20160828_223930

20160828_223930_1

20160828_224249

IMG-20160830-WA0007

IMG-20160830-WA0013

IMG-20160830-WA0014

IMG-20160830-WA0015

IMG-20160830-WA0016

IMG-20160830-WA0017

IMG-20160830-WA0018

IMG-20160830-WA0019

IMG-20160830-WA0020

IMG-20160830-WA0021

IMG-20160830-WA0022

IMG-20160830-WA0023