KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Taageerayaal Reer Gabiley Ah Oo Ku Soo Biiray

0
440

KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Taageerayaal Reer Gabiley Ah Oo Ku Soo Biiray

Hargeysa(Warsugan)Hoggaanka saree e xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey qaar kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley oo hore uga soo baxay ururradii tartanka ku hadhay, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga KULMIYE.

Munaasibad si weyn loosoo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa waxa ka qayb galay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, wasiirro, agaasimayaal guud, maamulka gobolka, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana si weyn loosoo dhaweeyey xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashooda.

Hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan, ayaa halkaas laga jeediyey, waxana xubnaha xildhibaanada ee xisbiga kusoo biiray oo uu wehelinayey xog-hayihii gobolka Gabiley u qaabilsanaa xisbiga UCID oo isaga laftiisu KULMIYE kusoo biiray oo madashaas ka hadlay sheegeen inay ku qanceen xisbiga dalka hoggaamiye, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba leh siin doonaan.

Madaxda gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka, badhasaabka iyo weliba guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolkaas oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha xisbiga kusoo biiray, waxana hoosta ka xarriiqeen inay hubaan awoodda iyo cududada ay xubnahaasi xisbiga kusoo kordhin doonaan oo ah mid gobolka si weyn looga dareemayo.

Xubno wasiirro ah oo ay kamid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, Warshedaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa waji furan ku qaabilay xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay intaas ku dareen inay si dhaw ula shaqayn doonaan cudduda cusub ee xisbigu hantiyey.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha soo afmeeray, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey xildhibaanada iyo siyaasiyiinta go’aansaday inay xisbiga KULMIYE kusoo biiraaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay Gabiley tahay meelaha ugu horreeya ee tusaalaha u noqon doonta guul uu xisbiga KULMIYE markale ku hantiyo hoggaanka dalka.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office