Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbigaas Md.Seed Oo La Sii Dardaarmay Muraaqibiinta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Gobolka Togdheer Ee Xisbigooda.‏

0
438

Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbigaas Md.Seed Oo La Sii Dardaarmay Muraaqibiinta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Gobolka Togdheer Ee Xisbigooda.‏
Burco-(Warsugannews)-Weftigii uu hoggaaminaayay kusimaha gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna guddoomiye xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed ayaa shalay galab kulan la qaatay muraaqibiinta diwaangelinta codbixiyaayasha. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen 163 muraaqib iyo 10 xubnood oo kayd ah ayaa ka dhacay xarunta gobolka ee Xisbiga.
munaasibada waxa furay oo ka warrama ujeedka shirka Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Xisbiga Waddani. Muraaqibiinta maanta lalasii dardaarmay oo berri subaxa hore loo kala anbabixinaayo deegaanada gobolka Togdheer. Muraaqibiintani Xisbiga waxay Wakiil uga noqonaya diwaangelinta Codbixiyayaasha intay ka socoto gobolka Togdheer. Madasha waaxa laysku waydaarsaday dardaaran, duco iyo hoggatusaale ku saabsan masuuliyadda culus ee ay u qaadeen muraaqibiintu Xisbiga.

Masuuliyadda muraaqibiinta oo aad u balaadhan lana doonayo inay ilaaliyaan habsami u socodka diwaangelinta codbixiyaha, inay ilaaliyaan muwaadiniinta kaadhadhka qaadanaya inanay baalmarin xeerka iyo nidaamka codbixiyaha. Xisbigu wuxuu muraaqibiinta u ballan qaaday inuu hiil, hoo iyo hawlba la baal taaganyahay.

Muraaqibiintuna xilweyn iska saaran masuiyadda culus ee ay u hayaan mustqablka Xisbiga. Gebagebadii wuxuu kulanku ku dhammaaday kalsooni iyo kalgacal. Dhallinyarada muraaqibiintuna waxay waxay si siman u ballan qaadeen inay xilkasnimo ku shaqayn doonaan muddada diwaangelinta codbixiyayaashu socoto.

dhanka kale waxa isna madashaa ka hadlay Xoghayha Xidhiidhka Gobollada iyo degmooyinka Cabdilaahi Axmed oo la dardaarmay dhallinyarada muraaqibiinta, waxa isna madashaa ka hadlay Xoghayha Maaliyada Xisbiga Axmed Fagfagaasha iyo Xildhibaan Xuseen Cige oo ka tirsan golaha barlanka somaliland
muumin 1

muumin 2

muumin 3

muumin 4

muumin 5
Maxamed Sidiiq
Af-hayeenka Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga Waddani
PHONE: 00252 63 4487021/00252 63 4083333/00252 63 3683322