Maamullada Galmudug iyo Puntland Oo Dafiray Heshiis Itoobiya Sheegtay Inay Kala Dhexdhigtay Nuxurka Qodobo Itoobiya Sheegtay Inay Ku Heshiisiisay Labada Maamul

0
327

Maamullada Galmudug iyo Puntland Oo Dafiray Heshiis Itoobiya Sheegtay Inay Kala Dhexdhigtay
Nuxurka Qodobo Itoobiya Sheegtay Inay Ku Heshiisiisay Labada Maamul

Addis Ababa(Warsugan) Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay heshiis ay kala dhexdhigtay maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan ku dagaallamay magaalada Gaalkacayo. Waxay sheegtay in qodobo dhawr ah lagu heshiiyay, balse maamullada ayaa sheegay inaanay wali dhicin wada hadallo dhinacyada dhexmaray oo wax la iskula meel dhigay.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed, ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo, balse weli aanay kulmin. Dhanka Puntland, Wasiirka deegaanka, Cali Cabdullahi Warsame, ayaa saxaafadda u sheegay inaanu jirin kullan dhexmaray labada dhinac iyo wax lagu heshiiyay.

Haddallada maamulladan ka tirsan Soomaaliya ayaa imanaya markii dawladda Itoobiya baraha bulshada ee Facebook, Twitter-ka iyo bogga wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya ku shaacisay in heshiis cusub la dhex dhigay labada maamul. Warkan Itoobiya soo saartay habeen hore ayaa lagu sheegay in dagaalkii magaalada qaybsan ee Gaalkacayo heshiis laga gaadhay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan Federalka Itoobiya heshiis ka dhex dhaliyeen labada Maamul “ Waxaa lagu heshiiyay, in labada maamul xabad joojin hirgaliyaan, kana fogaadaan ficillada khilaafka uga sii daraya, in la joojiyo dhismaha Sayladda Xoolaha ee la isku khilaafay, in la ogolaado in garoonka Gaalkacayo dib u hawl galo iyo in la sameeyo guddi wasiirro ah oo wada hadallo madasha qaran ee Soomaaliya qayb ka tahay ku qabsoomaan Muqdisho,” ayaa lagu yidhi qoraalka Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa saamayn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaanay qayb ka tahay dhawr dal oo ka tirsan dalalka isku magacaabay beesha caalamka ee ku lug leh siyaasadda Soomaaliya. Hadalkan Itoobiya ayaa imanaya xilli aan horumar laga gaadhin wada hadallo ra’isal wasaaraha Soomaaliya ka dhex waday maamullada. Sidoo kalena beesha caalamka ayaa dhawaan ku baaqday in maamulladu joojiyaan dagaalka, islamarkaana fuliyaan heshiiskii sannadkii hore laga gaadhay colaad labada maamul dhexmartay.
Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office