Maanso: Baroor-diiq u ah geerida Abwaan Cali Sugule

0
434

Maanso: Baroor-diiq u ah geerida Abwaan Cali Sugule
Maanso Baroor-diiq u ah geerida Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed)..waxa curiyey Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)..

KalshaaleMaansadan Gaaban oo aan ka tiriyey Geerida Alle ha naxariistee Abwaan Marxuum Cali Sugule (Dun carbeed), oo Dalka Imaaraadka Carabta ku Geeriyooday 11/1/2016. Waxay soo baxday 12/01/2016.
Waxaanan ku bilaabay sidan:-
Jabad wali lamaan degin
jidiin maanu wada cunin
Jidna maanu wada marin
jaahiisa maan arag
jabaqdiis maan maqal
Mid aan jaandi soo tebin
Misna waa jidhkaygiyo
Saaxiib aan jeclaayoo
Geeridu jaxaastoon
Tacsidiisa joogee
Jaliilloow jameecada
Jaarkii Rasuulkiyo (NNKH)
Asxaabtii janada tegay
Kobtay Maanta joogaan
Gelbis jaanta ha u dhigo
jeexyada rumaankiyo
Midhaha jaadba jaadkaa
Haku jala buteeyoo
Su’aalaha jidka u yaal
Jawaabtooda garansii
Naaraha jidkoodiyo
yuu ku leexan jahanaba..
Aamin aamin aamin
Waxa curiyey: Saleebaan Cabdi Cali
Email: curad1986@hotmail.com
Tel: 0634229772